IXTIFAALKA XUSKA ISRAA WALMICRAJ OO LAGU QABTAY Göteborg SWEDEN (SAWIRO)

0
Friday August 15, 2008 - 13:03:21 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IXTIFAALKA XUSKA ISRAA WALMICRAJ OO LAGU QABTAY Göteborg SWEDEN (SAWIRO)

    Sida caadada u ahayd Ahlu Sunna Wal Jamaac, waxaa xalay fidnimadii oo ay taariikhdu ahayd 29-07-2008 lagu qabtay Magaalada Göteborg, gaar ahaan Xaafadda Gårdsten Centrum, Xaflad aad u ballaaran, si xeer sare ahna loo agaasime oo lagu maamu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida caadada u ahayd Ahlu Sunna Wal Jamaac, waxaa xalay fidnimadii oo ay taariikhdu ahayd 29-07-2008 lagu qabtay Magaalada Göteborg, gaar ahaan Xaafadda Gårdsten Centrum, Xaflad aad u ballaaran, si xeer sare ahna loo agaasime oo lagu maamuusayo ”Mucjizada Israa’ga iyo Micraaj”.


 


qAAR KA MID AH kASOO QEYBGALAYAASHI mUNAASABADA qIIMAHA lEH

Dunida Islaamka, waxay caado u noqotay in habeenka bisha Rajab 27-keedi, Masaajidaha iyo meelaha kale ee muqaddaska lagu akhriyo qisada Israa’ga & Micraaj iyo Siirada Nabigeena Suuban SCW.

Haddaba, Xafladda xalay ka dhacay Gådsten Centrum,  waxaa ka soo qayb galay dad aad u fara badan oo ku abtirsada Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee deggan Magaalada Göteborg iyo agagaarkeeda, ayagoo farxad iyo reyn reyn ah  ka muujiyeen goobtaas, aad iyo aadna uga qushuuceen qisada habeenkaas barakaysan ee Nabigeena SCW Makka laga dheelmiyay ee inta lagu qaaday Buraaq lana geeyay Bayt-al-Maqdis, kadibna la korsiiyay Samooyinka kore tan iyo heer aanay gaarin garashada & cilmiga khalaa’iqda kale ee Ilaahay abuuray.



qAAR KA MID AH kASOO QEYBGALAYAASHI mUNAASABADA qIIMAHA lEH

Qisada Israa’ga & Micraaj, Siiradda Nabiga iyo wacdigaba, waxaa halkaas ka soo jeediyay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxiydiin,wuxuuna Sheekhu si kooban ka soo sheekeeyay wixii Nabigeena SCW ku arkay samooyinkii kolba la geynaaye iyo mid kasta Nabigii  uu kula kulmay ilaa u Sidrat-al-Muntahaa ka gaaraayo oo Ilaahay u soo waxyoonayo, wuxuu Eebbe  u soo waxyooday shanta salaadood ee la inagu soo farad yeelay.



qAAR KA MID AH kASOO QEYBGALAYAASHI mUNAASABADA qIIMAHA lEH

Salaaduhu sida axaadiistu sheegayso, konto ayay ahaayeen, waxaase Allah inoo sakhiray Nabi Muuse (CSW) oo kolba Nabigeena SCW ku oronaayay way badan yihiin Ilaahay soo weydiiso in uu intaa ka yareeyo ilaa ay shan soo gaaray.

Xafladda waxay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan, waxaana halkaas loogu duceeyay Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan Walaalaheena Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Waddanka gudihiisa in uu Ilaahay ka feedo dhibaatada & murugada, uguna beddelo naxriistiisa iyo raxmadiisa. Waxaa Eebbe laga  tuugay in Dalka Soomaaliya uu Nabad iyo xasilooniba ku soo celiyo, ummaddana u fidiyo nolol ku dheehan tahay   bash bash iyo barwaaqo, quluubtoodana uu mid ka dhigo, intii fidno & dhibaato ku haayo shacbiga soomaaliyeedna uu Ilaah ka qabto,kana badbaadiyo fidnadooda, dhagarkooda & musiibadoodaba. Aamiin. Aamiin.




Wabilaahi Towfiiq

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip