
Geerida naxtinta leh ee kutimid macalinka ayaa la ogeysiinaa ehelka iyo qaraabadi oo ka geeriyooday alaah unaxariiste macalin nuur Maxamed Siyaad meel kasta oo ay joogaan.
Geerida kutimid macalinka ayaa durba waxa hoyga Macalinka Buux dhaafiyay Jaaliyada soomaalida kunool wadanka kenya iyadoo culimo dhoor ahna ay iminka ku sugan yihiin hoyga macalinka ka degnaa magaalada Nairobi iyadoo oo uu horkacayo culimada sheekh Ismaan Xidig .
sidoo kale shabakada warsheekh oo kamid aheed dadki dadki gaaray caawa hoyga macalinka ayaa ehelada macalinka waxa ay xaqiijiyeen meydka in loo duulin doono magaalada muqdisho oo looga aasi doono Masjidka macalin biimaalow oo ah halka uu ka dar daarmay macalinka sida ay noo sheegeen qaar kamid ah ehelada macalin nuur maxamed siyaad
Macalin nuur ayaa xirfadiisa waxa ay aheed wadaad si weyn looga yaqaano gudaha iyo dibada islaamka caana ku ah fidinta diinta islaamka gaar ahaan abuurida iyo gacan kuheynta dhoor madaaris qur'aanka kariimka laga barto.
Tacsi: Waxa caawa ku geeriyooday Magaalada Nairobi Macalin Nuur Maxamed Siyaad
war deg deg ah oo iminka nasoo gaaray ayaa waxa ay sheegayaa in caawa magaalada nairobi ku geeriyooday alaah unaxariistee macalin nuur maxamed siyaad oo kamid ahaa culimada soomaaliyeed ee sida weyn loo yaqaano