Marxuum Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho (sawiro).

0
Sunday November 01, 2009 - 19:45:23 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marxuum Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho (sawiro).

    Allaah Unaxafriistee Meydki macalin nuur maxamed siyaad ayaa waxa barqadi manta laga dajiyay gaaroonka caalamiga ah Aadan Cade Ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo si diiran ugu soo dhaweyeen bulshada Reer Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah Unaxafriistee Meydki macalin nuur maxamed siyaad ayaa waxa barqadi manta laga dajiyay gaaroonka caalamiga ah Aadan Cade Ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo si diiran ugu soo dhaweyeen bulshada Reer Muqdisho.


 


Culuma’udiin, Aqoonyahano. Dhaqanka, Dhalinyarada, iyo Hooyooyinka ayaa dhamaan waxa ay si siman usoo camireen gudaha iyo daafaha garoonka halkaasi oo si qushuuci ku dheehantahay ay ugu soo dhaweeyeen meydka macalinka maclaimiinta marxuum macalin nuur maxamed siyaad oo manta lakeenay muqdisho lagana soo qaaday magaalada Nairobi oo ah goobta oo sheekha ku geeriyooday.

Meydka macalinka oo siday diyaarad qaas ah oo macalinka iyo wafdiga la socday un kasoo qaaday magaalada Nairobi ayaa wafdiga meydka waday waxa horkacayay sheekha walaayada Macalinka hayay ee Sheekh C/qaadir Macalin Nuur iyo qaar kamid ah raga ugu waa weyn qulafada macalinka.



Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cade Airbort oo manta noqday maalinti ugu mashquulka badneed ebed taasi oo kutusaneeso maxabada iyo weyneenta ay dadka muqdisho uhayaan culimadooda usoo halgantay fidinta diinta islaamka.

Hadaba munaasabada aaska Marxuum macalin nuur  maxamed siyaad oo aysan ukala harin bulshada qeybaheedi kala geidisan ayaa hadana waxa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin dhor ah oo katirsan golayaasha dowlada Soomaaliya ayna kamid yihiin.



Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Kaluumeysiga, Prof. C/raxmaan Ibbi, Wasiirka Arrimaha Dibada Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirka Lacagta Eng, C/raxmaan Yariisow, Xildhibaan Muuse Suudi, C/llaahi Axmed Afrax, C/llaahi Geeddi Shadoor, Xuseen Caraale, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Mr Dhagaxtuur iyo Kuxigeenkiisa C/fitaax Shaaweeye iyo Taliska Ciidanka Booliska.


Madaxweynaha Somaliya mudane sheikh shariif sheikh axmed oo runtii aan aaska sheekha kasoo qeybgalin ayaa waxa uu uga qeyb qaatay aaska sheekha qadka telfoonka isagoo umada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogta udiray tacsi gaar ahaan ehelka iyo qaraabadi oo ka geeriyooday alaah unaxariistee macalin nuur maxamed siyaad .

Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa ka hadlay halkii la keenay Naxashka Meydka Macalin Nuur, isagoo ku tilmaamay shaqsi ay ku faa'iday umadda oo ardaydii uu waxbaray ay yihiin macalimiin
.
Prof. Ibbi ayaa sheegay in isagoo ka wakiil ah Madaxda Qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha uu ugu tacsiyadeynayo qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Macalin, isagoo eebbe ugu baryay inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo


Sidoo kale waxa kasoo qeybgalay Culuma’udiinka ahlusunnah waljamaac sida Mudarasiiinta Darsiyada ka aqriyay masjiyada iyo mowlacyada, Macalimiinta, iyo dhamaan culima’u dariiqa Suufiyah ayaa manta kusoo xaadiray madashaani.

Sheekh Maxamud ow Cabdule cariif oo kamid eh Culuma’udiinka ahlusunnah waljamaac kana mid ah ardaydi ka aflaxda Macalin nuur maxamed siyaad ayaa warbaahitna kula hadlay aaska macalinka in badana ka faalooday taariikhda iyo halganka macalin nuur alaah unaxariistee.

Sheekha ayaa waxa uu si weyn ugu nuux nuuxsaday in maclainka uu ahaa shaqsi utaagan fidinta diinta islaamka wax walbana ka hor mariyay daacada ilaahey waxa uuna eebe uga baryay in uu janadi ka waraabiyo inti kasoo qeyb gashay aaska macalinkana danbi dhaaf ku siiyo .


Sheekh C/qaadir Soomow oo sina kamid ahaa culimadi kasoo qeybgashay Aaska macalin Nuur ayaa isna waxa uu ka hadlay macalin nuur maxamed siyaad sheekha ayaa waxa uu ugu horeen ehelka iyo qaraabadi macalinka oo ka geeriyooday eebe uga baryay samir iyo iimaan isagoo umada soomaaliyeedna ugu duceeyay in uu siiyo badal qeyr leh.

Inta badan wadooyinka soo gala Garoonka caalamiga ah ee Magaalada muqdisho oo horay looga bartay in uu noqdo mid kontoroolkiisa ay aad loo adkeeyay ayaa manta ahaa mid ka baxay xadki kontoroolka bacdamaa dadki ku noolaa magaalada muqdisho iyo gobolada la teedsan ay kusoo burqadeen.

W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail:
farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip