soo dhoweyn iyo sii sagootin loo sameeyey laba xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka fkmgs

0
Monday November 02, 2009 - 16:11:39 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    soo dhoweyn iyo sii sagootin loo sameeyey laba xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka fkmgs

    Rochester, MN. Xaflad aad loo soo agaasimey ayaa ka dhacday magaalada Rochester ee gobalka Minnesota taariikhdu markey aheyd galabnimadii Axada November 1st, 2009. Xafladaas oo isugu jirtay soo dhoweyn iyo sii sagootin loo kala sameeyey Xildhibaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rochester, MN. Xaflad aad loo soo agaasimey ayaa ka dhacday magaalada Rochester ee gobalka Minnesota taariikhdu markey aheyd galabnimadii Axada November 1st, 2009. Xafladaas oo isugu jirtay soo dhoweyn iyo sii sagootin loo kala sameeyey Xildhibaan Sheekh Abdi Yusuf Ali oo dhowaan soo gaaray magaalada Rochester, asagoo dhowaan ka soo laabtay Soomaliya gaar ahaan caasumada Soomaliya ee Muqdishu, soona gaaray qoyskiisa oo degan magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota.

 


 
Sidoo kale xafladaas, waxaa lagu sii sagootinayay Xildhibaan Mohamoud Ghedi Aw Hilowle oo hawl caafimaad u joogey  Mareykanka, gaar ahaan ku sugnaa in muda ah   magaalada Rochester ee gobalka Minnesota dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, balse dhaqaatiirtii la tacaaleysay daaweyntiisa ay  caddeeyeen wixii ka danbeeya bartamaha bishan November 2009-ka, in uu geli karaayo safar dheer Mr.  Aw Hilowle.



 
Ugu horreyntii, waxaa xafladdaas ku furey aayadaha Qur'aanka kariimka ah Sheikh Mohamoud Jaysaani oo ka mid  ah culumaa'udiinka aad ka  looga yaqaan gobalka Minnesota oo dhan, gaar ahaan magalada Rochester, sheikhu wuxuu aad uga hadlay waxa uu Ilaahay faray Addoo-mankiisa iyo cadaalada looga baahan yahay qofka nasiibka u yeeshey qaaditaanka Xil Qaran.
 
Waxaa kaloo halkaas qudbado dardaaran ah oo qiimo badan ka soo kale jeediyay xeel-dheereyaal Soomaliyeed oo isugu jiray siyaasiin, saraakiil, aqoonyahano, culumaa'udiin, duubab dhaqameedyo iyo waxgarad ka koobnay bulshada Soomaliyeed  qeyba-heeda kala duwan, waxayna kala ahaayeen mudanayaalkii halkaas ka  soo jeediyay hadalo aad u xigmo badney:-





  Islaw Ahmed Islaw, Islaam Haji Abdisalaam Jama, Garsoore Abdirahman Ereg,  Sheikh Abdullahi Mohamed ,Mohamed Hasan Nurrow ( Abdulle), Xaji Xuseen Jimcaale, Haji Abdalla Sheikh Mursal,  Haji Mohamed Hassan, Haji Mahamud Ayrish iyo qaar kale
 
Intaas ka dib, waxaa hadalkii qaatay Xildhibaan Maxamuud Ghedi Aw Hilowle, wuxuuna ku billaabey hadalkiisii " bismilaahi rax-maaniraxiim, mudanayaal iyo Marwooyin, marka hore waxaad iga guddoontaan salaanta Islaamka oo ah A/C WW. Salaanta Islaamka ka dib,  mudanayaal iyo marwooyin, maadaama aan muddooyinkaan danbeeyey aan idin la joogey, ma filaayo inaad xiisad weyn u qabtaan khudbad dheer oo aan halkaan ka soo jeediyo galabta, laakin waxaan hubaa in aan dhamanteyn u ooman nahay inuu Xildhibaan Sheekh Cabdi Yuusuf Cali warbixin guud  naga siiyo xaalada Soomaliya, gaar ahaan caasumada Soomaliya ee Muqdishu oo uu  Xildhibaanku ka soo labtay dhowr Asbuuc ka hor, waxuna ku soo dhaweyay codbaahiyaha Xil. Sheekh Cabdi Yuusuf.




 
Xildhibaan Sheekh Cabdi Yuusuf ayaa ugu horreyntii halkaas ka soo jeediyey dhowr Aayado Qur.aan oo  tilmamayay waxa uu Ilahay faray umadiisa iyo waxa uu ka reebay, aayadahaas oo qashuuc weyn  gelisay qalbiga  ka soo qeyb-galayaashii xafladdaas, Xildhibaanku wuxuu ka yiri arrimaha Soomaliya " dhamaanteyna waa la soconaa waxa ka dhacaaya Somaliya, waayoo waxaan haysanaa warbaahinta kala duwan aduunka isla markasna qof kasta ee naga mid ah waxaa wadankii u jira  asxaab u soo tibisay wixii  markaas cusub,waxaan idinla socodsiinayaa in somaliya waxa ka jira ay tahay kaliya sexed garab kuwaso oo kala ah Xisbul-Islaam oo dowlad doon ah kursina raba wadahadalna noo socdo, Dowlada oo dhinac ah kuna lamaansan Ahlusuna Waljamaaca, iyo kuwan hugan shaarka diinta ee Al-Shabaab xisbiyadan kale garanay waxay rabaan laakin Alshabab waxay rabaan waxa ay tahay inay bedelaan Calanka iyo Astaanta Somaliya iyo dhaman inay baabi’iyaan ilaha dalka oo dhan ee la is dhihi karo waa muhiim. Qudbadii xildhiban Sh.Abdi ka dib waxaa halkaas ducada ku soo xiray Shiikh Omar Abdulqadir axmed (Naaji). Guntii iyo gabo gabadii waxay xafladaas ku dhamaatay gubaabo iyo dhiirigelin siyaasadeed.



 
 
Xafladaas waxaa xiriiriye  Wariye Mukhtar Ahmed Mohamud ( Katiitow)
 
 
Wariye Mukhtar Ahmed ( Katiitow)
katiitow@yahoo.com
Rochester, MN

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip