Jaamac Aadan oo horay uga tirsanaa Sirdoonka Puntland oo lagu qaarijiyay Gaalkacyo

0
Friday November 06, 2009 - 08:47:59 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamac Aadan oo horay uga tirsanaa Sirdoonka Puntland oo lagu qaarijiyay Gaalkacyo

    Marxuum Jaamac Aadan oo horay uga tirsanaa Ciidamada Sirdoonka Puntland ayaa habeenimadi xalay kooxo hubeesani ku dileen gudaha magaalada gaalkacyo ee Maamul goboleedka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marxuum Jaamac Aadan oo horay uga tirsanaa Ciidamada Sirdoonka Puntland ayaa habeenimadi xalay kooxo hubeesani ku dileen gudaha magaalada gaalkacyo ee Maamul goboleedka Puntland.

 

Marxuumka aya sida la sheegay waxa uu indhawaalaba la daala dhacayay xanuuno soo wajahay taasi oo sababtay in uu ka fariisto howlihi u hayay maamulka puntland.

Dableyda hubeesani ayaanu suura galin in gacanta lagu dhigo walow goobta lagu toogtay marxuumka ay aad ugu dhawaayeen cutubyo katirsan Ciidamada Booliska Puntland.

Ehelada Marxuumka geeriyoday oo shabakada warsheekh la xiriirtay ayaa waxa ay muujiyeen sida ay uga xunyihiin dilka loo geestay marxuumka walow ay muujiyeen niyad xumo rajada laga qabo in gacanta lagu soo dhigo kooxihi dilka geestay.

magaalada gaalkacyo ayaa indhawaalaba waxa taxane ka noqday dilka dadka rayidka ah iyadoo ay yartahay talaabada ka dhanka ah falalkaani ay qaadaan maamulada ka arimiya Magaalada Gaalkacyo .
jaamac aadan

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip