Sheekh Somow oo si indho la'aan ah utaageeray hadaladi kasoo yeeray madaxweyne Shariif

0
Tuesday November 17, 2009 - 23:40:17 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Somow oo si indho la'aan ah utaageeray hadaladi kasoo yeeray madaxweyne Shariif

    Kadib hadalki gafka ahaa ee kasoo yeeray Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu dhaliyay dood iyo cambaareen badan taasi oo ka kala imaaneesay qaeybaha kala gedisan ee Bulshada somalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib hadalki gafka ahaa ee kasoo yeeray Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu dhaliyay dood iyo cambaareen badan taasi oo ka kala imaaneesay qaeybaha kala gedisan ee Bulshada somalida.

Sheekh Soomow oo Difaacay Madaxweyne Shariif iyo Xildhibaano Dhaleeceeyay madaxweynaha.

 Sheekh C/qaadir soomow afhayeenka Culimad aahlusunnah waljamaac ayaa si waafi ah waxuu difaacay hadalki kasoo yeeray madaxweyne sheikh shariif isagoo dhanka kalena eedeeyay Gudoomiyaha ahlusunnah waljamaac ee bartamah soomaaliya.

 Sheekh C/qaadir somow oo iminka ku sugan gudaha dalka sacuudiga kana qeyb qaadanayo munaasabada xajka ee sanadanai ayaa waxa uu wax laga xumaado kutilmaamay haal uu sheegay in uu kasoo yeeray sheikh cumar kaasi oo madaxweynaha loogu qabtay mudo dhan 48 saac in uu raali glein ka bixiyo.

 ‘ Waxa ka raali galineenaa madaxweynaha iyo dowladiisaba in ay raali ka noqdaan hadalka aan munaasabkooda aheyn ee kasoo yeray sheikh cumar sheikh maxamed faarax ‘ ayuu si kulul uyiri.

 Sheekh somow ayaa waxa uu waxba kama jiraan kutilmaamay hadalki sida weyn ugilgilay quluubta culimada ahlusunnah iyo shacabkooda isagoo kuna tilmaamay madaxweynaha in uu yahay nin ahlusunnah ah oo kaso jeedo qoys ahlusuna nimada caan ku tahay.

 Hadaba waa su’aale ma dhabaa in sheikh cumar sheikh maxamed gudoomiyaha ahlusunah ee bartamaha soomaliya oo ugafay madaxweyne sheikh shariif?

 Su’aashani ayaa waxa ay kamid aheyd su’aalo dhowr ah oo la weydiiyay soomow  balse jawaabta su’aasha ayaa ah ‘ Madaxweyne shariif waxa uu si bar bar dhigay ahlusunnah iyo kooxaha dhiigyo cabka ah sidoo kale waxa uu muujiyay in culimada  ahlusunnah ay yihiin rag saldano doon ah oo qaab is muujin ah dagaal ugu jira taasi oo xaqiiqda ka fog’ sidaa waxa yiri sarkaal katirsan culimada ahlusunnah ee jooga gudaha soomaaliya.

 Ma ahan marki ugu horeesay oo hadalo iska soo horjeeda ay ka yimaadiin dhinacyada culimaa ahlusunnah waljamaac balse kala hadalka soo yeeray caawa ilaa maanta ayaa waxa uu yahay midki ugu foosha xumaa waayo qaar kamid ah culimada ahlusunnah ayaa waxa ay ustaageen si indho la’aan ah in loo taageero dowlada iyadoo loo eegeen hadii ay geesaneeso gaf aqlaaqi iyo mid caqiidi intaba.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip