Nasashada Jim-caha Shabakada Warsheekh Xiriirka Dowladaha Somaliya & K/Afrika, Dhibaatadi Isir Naceebka-Macluumad Kale!!-Sawiro-(Dhamaad)

1
Friday December 11, 2009 - 17:57:50 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nasashada Jim-caha Shabakada Warsheekh Xiriirka Dowladaha Somaliya & K/Afrika, Dhibaatadi Isir Naceebka-Macluumad Kale!!-Sawiro-(Dhamaad)

    Waa markale iyo Maqaalkeeni Nasashada Jimcaha oo aan idin soo gudbino jimco walba si ay qeyb uga noqoto nasashadii jimcaha ayaa waxa ku qaada dhigi doonaa qeybti ugu dambeesay qormooyin taxane inoo ahaa oo uga hadleenay xaalada somalida konfur afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa markale iyo Maqaalkeeni Nasashada Jimcaha oo aan idin soo gudbino jimco walba si ay qeyb uga noqoto nasashadii jimcaha ayaa waxa ku qaada dhigi doonaa qeybti ugu dambeesay qormooyin taxane inoo ahaa oo uga hadleenay xaalada somalida konfur afrika. qormadeena maanta waxa kusoo qaadan doonaa 1) xiriiradi ka dhaxeeyay dowladihi soo maray dalka somaliya iyo dowlada wadanka konfur afrika. 2) Xiriirka ka dhaxeeyay jaaliyada Somalida Dhaxdeeda 3) Ururada Somalida Dhaxdeeda ka jira qaar kamid ah . 4) iyo Dhibaatadi Isir Naceebka ee halakeesay Ajaanibta kunool K/Afrika

Maxa kala socotaa xariirka Soomaaliya iyo South Africa ka dhaxeeyo? 
 
Waa labbo dal oo qaarada Afrika kaga kala yaala labbo cirif, cirifka koonfureed iyo kan barri, waxay iskaga midyihiin xagga dhererka xeebaha, Koonfur Afrika waa dalka koowaan ee ugu xeebta dheer, Soomaaliyana waa tan labbaad ee qaarada, marka intaasi laga taggo wax kasta oo kale oo dhan ku kala duwanyihiin.
 
Calaaqaadka ka dhaxeeyana ama dhex maray waa mid aad u yar ama aanan jirrin, tusaale ahaan Soomaaliya waligeed safaarad kama furan dalkani, Koonfur Afrikana la mid, taasi waxaa ugu wacnaa xiligii nidaamkii midab takoorka uu dalkani ka jirey baasaboorka cagaarana ee Soomaaliya waxaa ku qornaa “waad ugu safri kartaa dhamaan wadamada aduunka marka laga reebo israa’iil iyo South Afrika” markii dalkani uu xoriyada qaatayna oo ahayd 1994 tii Soomaaliya wax dowlad ahba kama jirrin.
 
Balse waxa jiro Wakiilo iyo Wafuudo ka tirsan hadba dowlada xiligaasi jirta oo booqasho iyo kulamo la qaato qaar kamid ah asxaabta dalka konfur afrika iyo madaxda dowlada intaba.
 
Bishii maarso sanadkii tagay ee 2008-dii, madaxweynaha Iminka ah dalka konfur afrika laakin xiligaasi ahaa madaxweynaha xisbiga talada haya ee ANC oo kumanaan dad ah kula hadlay Jaamacada Vista ee Mamelodi, Pretoria hool ku yaala ayaa u sheegey dadkaasi in Soomaaliya ay xittaa hub siin jirtey dagaalyahanadii ANC ee xoriyad u doodka ahaa, waxyar ka hor inta uusan dadka la hadlin ayuu la kulmay dad matalada dadka deegaanka iyo madaxda Jaaliyada SASA kuna yiri “Soomaaliya xittaa waxay baasaboor siin jirtey saraakiishii sirdoonka ANC oo ay aduunka ugu kala safri jireen sidii iyagoo Soomaali ah, laakiin xogtaasi waligeey cidna uma sheegin”, Zuma xiligii xoriyad doonta wuxuu soo maray xilka madaxa muqaabaraadka ANC.
 
Madaxweynihii hore ee dalkani Thabo Mbeki ayaa qoraal uu sameeyey ku sheegey in 3 jeer uu Xamar booqdey sanadihii ay Soomaaliya heeysay xilka gudoomiyenimada Afrika, xiligaasi oo ahayd markii madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre kumanaan dad ah magaalada Harare ugu sheegey in haddii aanan Mandela lasoo deeynin ay Soomaaliya weerari doonto K/Afrika.
 
Laakiin dabayaaqadii sedeetameeyadii oo ahayd xilli Siyaad Barre ay ku kaceen jabhado baddan, aduunkana uu hub ka waayay, ayuu xukumadii midab takoorka ee dalkani la galay heshiis uu hub kaga iibsaday, hubkaasi wuxuu kii markii dambe ciidamada badda ee Tanzania ay qabsan doonaan taasina waxaa ka dhashay in kumaandoostii Soomaaliya ey la wareegaan madaxtooyadii madaxweyn Julias Nyarere ee Daarasalaam.
 
Siyaad Barre xilligaasi ayay u suurogashay sida la sheego in uu si qarsoodi ah xabsiga ugu booqdo Nelson Mandel, nidaamkii midab takoorkana ka codsado in Mandela la siidaayo.
 
Waxaa xusid muddan in duuliyeyaashii geeystey duqeyntii 1988 kii ee Hargeysa ay ahaayeen calooshood u shaqaystayaal Koonfur Afrika u dhashay oo la kireystey.
 
Si kastaba xariirka labbada waddan wuxuu ahaa mid wanaag iyo xumaanba leh, wallow uu wanaaga aad u badnaa, kaasoo ah kan keeney in Soomaalida laga qadariyo dalkani, sanadii 1997 dii markii ay daadadka waaweyn Soomaaliya halakeeyeen, Madaxweyne Mandela ayuu ahaa ninkii qaranka ugu baaqay in Soomaaliya la caawiyo, sanadihii dhawaa safiirka K/Afrika UN-ka u fadhiya Qaramada midoobey ayuu ahaa kan sida weyn ee aan la illaawi karrin ugu ololeyeey qadiyada Soomaaliya, meel dhexdhexaadna iska taagay.
 
South Afrika waxay soo dhaweysey inka baddan 30 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah, inka baddan kala barna kuwaasina ay dalkani ku yeesheen hanti aan la malayn karrin, taasi waxay ka dhigtey Soomaalida halkani joogta in ay nooqdaan kuwa Soomaaliya u dirra lacagta ugu baddan wadamada kale ee aduunka ee ay Soomaalida ku dhaqantahay xittaa Maraykanka oo loo maleeyo in lacag baddan laga soo dirro, xog uruurintaan ayaa waxa laga helay shirkadaha xawaaladaha somalida oo ah isha kaliya ee xaqiijin karta arintaas.

Waa side Xiriirka kadhaxeeya  Bulshada Somalida kunool Wadanka Konfur Afrika ?

Jaaliyada somalida konfur afrika waa bulsho miisaan weyn ku leh shucuubta ajnabiga ah ee kula nool dalkaasi iyagoo si weyn loogu amaano xaga wax soo saarka shaqada iyo la macaamilada Shirkadaha waa weyn ee ka shaqeeya gudaha wadanka konfur afrika.

Jaaliyada somalida konfur afrika marka aad fiiriso xiriirka ka dhaxeeyo waa mid aad uliito marka loo eego xiririada ka dhaxeeya jaaliyada ajaanibta ee kula nool gudaha wadanka konfur afrika .

Tusaale Jaaliyada somalida konfur afrika ma ahan bulsho isku xiran si Somalinimo ah oo leh hal af iyo hal ujeedo oo hal dhinac uga soo wada jeestaan cadawga qura kuna xaliyaan qilaafyada dhaxdooda ah taasi oo aad ka dheehan karto in aysan laheen hal hogaamiye oo la isku raacsan yahay.

Balse waxa jiro xiriiro lamid ah in meydka la isla duugo oo runtii somalida si weyn ay isugu timaado kolka oo geeriyoodo muwaadin somaliyeed oo meydkiisa si tartiibta waafaqsan diinta islaamka la iskula duugo wallow tan muhiimka ah ee gafsan yihin tahay in laga fikiro nolosha kuwa haray iyo qaabka loo difaaci lahaa dhibaatada ku timaada.

Sidoo kale waxa jiro xiliyo qaar oo koox koox isugu yimaadiin dabaala dega sanad guuro maalinta calanka la saaray ama Xuska nabigeeni muxamad CSW ama Siyaarooyin Culuma’udiinka Somaliyeed ee diinta usoo halgamay fidinteeda.

Aqristoo hala yaabin in Jaaliyada somalida konfur afrika ay yeelan weeso hal maamul oo ay isku raacsan tahay kaasi oo wax ka qabta dhibaatooyinka soo wajaha jaaliyada isla markaana xiriiro kala gedisan la sameeya heya’adaha amaanka, waxana cudurkaan wada tashi la’aanta la qaba dhamaan jaaliyadaha dibada ee wadamada somalida ay kunool yihiin oo sidaan oo kale is bar bar yaacsan.

Balse jaaliyadaha Somalida dibada ku nool sida qaaradaha Yurub iyo Ameerika runtii oo ah wadamo horumaray waxa ayaan daro ah in ay ku dayan la’yihin wili jaaliyadaha asaagooda laakin waxa ay wax badan dhaamaan jaaliyadaan wadanka konfur afrika oo runtii iyaga in badan bishii ama sanadkiiba ku dhacaan tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo aysan jirin cid udacwooto lagaba yaabee in muwaadin kastaa oo dhibkiisa uqarsado yaanan ku ogaan cid aan waxba ka qaban Karin .

Hadaba shabakada warsheekh oo had iyo jeer utaagan soo bandhigida xaqiiqda ka dhax jirtay jaaliyadaha soomaaliyeed eek u nool wadamahada dibada iyo xaaladaha ka dhacaya gudaha somaliya ayaa ujeedkeeno yahay baraarujin iyo xasuusin shacbiga somaliyeed lagu xasuusinayo Murtidooda quruxda badan ‘ Gacmo wada jir bey wax ku gooyaan’

Qaar kamid ah Dukaamanka ay Somalida Konfur Afrika ku ganacsato




Muuqaalo kamid ah kulamada Jaaliyada ee xusaska Nabigeeni
Muxamamed CSW iyo Xuska Owliyada Ilahey


Muuqaalo kamid ah qaabka ay Jaaliyada isula duugto kolka oo geeriyoodo mid kamid ah muwaadiniinta somalida konfur afrika



Majiraan wax ururo  Somali ah si iskood ah ugu istaagay Xaalada Somalida Konfur afrika ?

(Sojasa) oo ah Urur ay kumidoobeen suxufiyiinta Soomaalida konfur afrika ayaa waxa looga dhawaaqay isla wadankaasi kuwaasi oo si iskood ah ugu istaagay in ay dhooraan isla markaana hay’adaha udooda xuquuqda aadanaha ay usoo tabiyaan tacadiyada lagula kaco somalida konfur afrika.

Ururkaani oo ay qeyb ka yihiin suxufiyiin rug cadaa ah ayaa waxa gudoomiye u ah Suxufiga Maxamed Deeq Muuse (Deeq Darajo) Ahna Madaxa Xafiisyada Shabakada Warsheekh ee Bartamaha iyo Konfurta Qaaradaan Afrika.

Mudane Deeq Darajo oo ka hadlaya wax qabadka ururkooda ayoo waxa uu shabakada warshekeh usheegay in ay dadaalo badan ka geesteen soo bandhiga xaalada qatara oo soo wajahada jalaiyada somalida isla markaana aysan jirin cid si gaar ah ugu taageerta hoshaan culus oo ay wadana ururkooda balse ay si Somalinimo ah isku xilqaameen ayna wadayaan inta karaankooda ah .

Majiraa Wargeys ka hadla amuuraha Somalida Konfur Afrika ?

(Dece 2008) Waxa  markii koowaad, uguna horeysey oo wargeys ay soo saareen xirfadlayaal saxaafadeed kaasoo ku baxa luuqada afka Soomaaliga, kana soo baxa dalka K/Afrika, wargeyks waxa uu kasoo baxay Cape Town, waxaana laga aqristey inta baddan dalka.

Magaca Warsidaha  waa Xog-Maal, waxaana iska kaashaday soo saaristiisa xirfadlayaal saxaafadeed oo aqoon dheeraad ah iyo tabobar heer sare ah u leh arrimnaha warbaahinta.

sida lagu sheegey qoraal hordhac oo bogga hore kusoo baxay,kuna saxiixnaa tifaftiraha Mudane Maxamed Raage oo ah aqoonyahay Soomaaliyeed ayaa lagu sheegey in ujeedka wargeyska uu yahay in fariimaha xaqqa ah lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkani K/Afrika, isla markaasina uu yahay mid ka madax banaan dhamaan ururada iyo afkaaraha kala duwan, ujeedkana ay tahay oo kaliya in dadka ay helaan meel ay ku kala warqaataan.

Waa Sidee Xiriirka Isboorti ee Somalida Konfur Afrika ?

Tartan Isboorti oo lagu maamusayay Soo saaristii wargeyska ugu horeeyay ee ku hadla afka somaliya oo ka hadla xaalada somalida konfur afrika kaasi oo kasoo baxa gudaha wadanka konfur afrika.
 
Tartankani oo ay ka qeybgaleen 4 kooxood oo Cape Town ka dhisan ayaa biloowdey 28 dii December sanadkii hore, wuxuuna soo gabogaboobey 3 dii janaayo goortaas oo ciyaartii kama dambeysta ahayd ay ku laactameen kooxaha Banaadir Stars iyo Isfaham Stars waxayna ciyaartani ku dhamaatay Bandir Stars 4-3 Isfaham Stars, waxaana koobkii xayuubsaday Banaadir Stars oo taageerooyaashooda iyo ciyaarooyda ay garoonka si layaab leh ugu damaashaadeen iyagoo wada jidbeysan.

Kooxda Banaadir Stars ee ah laacibiinta kubbada ciribta ku laada ayaa xayuubsaday koobkii daahfurka wargeyska  Xog-Maal ee Cape halka kooxda xidigaha Isafaham Stars  ee balooniga hawada ku maamula ay ku hartay wax lagu tilmaami karro nasiibka oo ka hiiliyey kadib gool ku laad (rigooro) lagu kala bixinayay kooxaha markii 90kii daqiiqo ay gool iyo gool  isku mari waayeen.


Maxa ka xasuustaa Rabshadihi Isir Naceebka ee lagula kacay Ajaanibta ku nool Konfur afrika gaar ahaan Somalida ?

Jimco:5/23/08    in ka badan 120 dukaan oo soomali leedahay oo boob loogu geestay magaalada cape town ee dalka koofur africa 3 qofna ku dhaawcantay iyadoo inti ka bad baaday qalalaasahaana ay ku faafeen qeybaha naddoon ee wadanka konfur afrika

Sabti 5/24/08 halkee ayay maraysay xaalada somalida ku dhaqan dalka koofur africa?yaase u maqan?
 
Bal inala xasuuso sida ay shabakada warsheekh uga hadashada dhibaatada heesatay jaaliyada somalida kunool wadanka konfur afrika 24/05/08.

kumanaan soomaali ah ayaa hor tubnaay wadooyinka waa weyn ee magaalada cape town ayagoo wejiyadooda ka muuqatay murugo iyo naxdin ka dib markii ay ka so carareen hantidooda oo dhac iyo boob loo gaystay
 
 Dhibatadan ayaa gaartay dhamaan tuulooyinka ku hareereesan magaalada cape town in kastoo ay jireen dukaaman weli loo geesan boob

dukaamankaas ayaa ku yiilay meelaha ay dagaan dadka midabka ah oo cadaan xigeenka ah walow ay jirin dukaan ku yaala goobaha madowga ah oo xiligaasi  shaqeenayay.
 
 waxaa jiray ururo islaamis ah oo u istaagay dhibaatada Balaaran  ee ku habsatay soomalida ururadaas ayaa waxaa ka mid ah MJC iyo ISLAMIC RELATIVE kuwaas oo cunto iyo hooy ugu deeqay dadkaan dhibaateesan ilaa lagala kulmaaya dowlada south africa iyo UN-kaba
 
    waxaa kaloo jira ururka dhalin yarada soomaliyed ee gobalkan westren cape oo ayaga aad isugu xilsaaray arimahan ayaa ayaga waxa ay muujiyeen dadaalkooda waxayna abaabul xoogan ugu jiraan sidii ay isugu xiri lahaayeen soomalida iyo UN-ka
 
waxaa sidoo kale cabsi saa,id ah soo wajahday goobaha ay dagaan qowmiyada kalarka ah oo ayaga weli wax boob ah aysan ka dhicin weli waxaa kalo soomaalida layaab ku noqotay gobolka B.E ahaa gobolkii ugu amaanka xumaa ayna ku badnaayeen dadka modowga ah in aysan wax ka dhicin cabsi na laga qabin in ay ka bilaabato boob iyo dhac.
 
   si kastaba ha ahaatee boobkaan xoogan ee loo gaystay soomalida ku sugan dalkan koofur africa ayaa ah boobkii ugu xooga badnaa ayna dadka ka wada siman yihiin hadii laga reebo soomali aad u yar oo weli ganacsanaya walow ay iyagana cabsi saa,id ah haysato.


Arbaco, 28 May 2008 caafimaad xumo iyo nafaqa daro oo soo wajahday soomaaldii lagu barakiciyay dalka koofur africa

   soomalidi laga soo barakiciyay goobahooda ganacsiga ayaa waxaa soo food saaray xaalado kala duduwan oo isugu jira caafimaad daro,nafaqa la,aan,jiif xumo,iyo raashiinka dhacay oo lagu quudiyo.dadkaas ayaa wejiyadoo laga dheehan karin nayad jab iyo dar xumo weyn ka dib markii aan ku booqday xerooyinka ay ku sugan yihin sida xerada fishok ee ku taala duleedka magaalada cape town .

    ururka dhalinyarada oo gobalka westren cape oo ku howlanaa arimahan barikicinta iyo sidii dib ugu dajin lahaayeen dadkooda dhibaataysan ayaa daba gal ku sameeyay raashinka la siiyo

muwaadiniinta soomaliyeed ee ku dhibaatesan xerooyinka waa wayn ee cape town ka dib dhalin yaradaas waxa ay heleen astaamo cadeenaya raashiin dhacay in la siiyo ama lagu qudiyo dhibanayaashaasi dhalin yarada ayaa balan qaaday in ay hor keeni doonaan astaamahaasi saxaafada iyo hay,adaha u dooda xaquuqda aadanaha.

Isniin 6/02/08  mudaaharaad weyn oo ka soo qeyb galeen dhamaan ajaanibta ku nool dalka koofur africa oo horseed u aheed soomali oo ka dhacay magaalada cape town
 
        mudaaharaadkan weyn oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacay magaalada cape town ee dalka koofur africa

mudaaharaadkan ayaa ujeedkiisu ahaa mid loogu soo horjeedo jinsi naceebka iyo boobkii loo gaystay muwaadiniinta soomaliyeed oo ku dhaqan guud ahaan dalkani koofur africa dibad baxayaasha ayaa socod dheer ku soo maray wadooyinka waa wayn ee magaalada cape town ugu danbeyna socod ku soo afjary daarta dheer ee barlamaanka dalkani koofur africa mudaaharaadkani aya waxaa ka soo qeyb galay dhamaan ajaanibta kale oo ayagana ku sugan dalkani koofur africa iyo mas,uuliyiin sar sare.
  
     mudaaharaadkani ayaa waxaa gadaal ka yimid soomaalida ku xareeysneyd xeroyinka qaxootiga ee fishok oo ku yaala duleedka magaalada cape town kuwaas oo aan weli dowlada koofur africa aysan u balan qaadin wax ay ku qancaan hadii laga reebo in ay xerooyinka ku quudiyaan soomalidaas oo aad u sugayay

mudaaharaadkani ayaa mar qura marka ay soo gaareen la soo galay goobta mudaaharaadka dar dar culus kuwaas oo durbadiiba dadkii ka soo horeeyay ku amray in ay siibaan funaanadaha loo qeybiyay waxayna hal mooqif; kaas oo ah in aysan rabi in ay sii joogaan guud ahaan dalkani koofur africa ay doonayaan in dib loogu celiyo dhulkooda hooyo ama gacan sedexaad oo ay ku wareejiso dalalka canada ama sweden kuwaas oo codsaday qaxootiga soomaaliyeed ee hantidooda laga boobay.


Dhamaad:  Waxa halkaan kusoo gunaanadeena qormooyinki taxanaha ahaa ee aan uga hadleenay xaalada somalida konfur afrika iyo taariikhda ka dhaxeesa labada dal.


W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail: farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com
C/o: Kampala-Yugandha

waxana sidoo kale gacan weyn iga siiyay qeybo badan oo kamid ah qormooyinkaani Wariyayaasha kala ah

     

Mr Hanad Mohamed (hanadk@gmail.com)
Mr Maxamed Deeq Muuse (
deeqdarajo100@hotmail.com)

Sidoo kale waxa xaga su'aalaha igala qeyb qaatay ganacsato katirsan somalida konfur afrika oo ay ka mid yihin

1) Xasan Cadow Xasan waa muwaadin somaliyeed kuna noolaa wadankaasi
2) Xuseen Maxamud Faras 
3) C/raxman Sheekh Abuukar

Sidoo kale xaga Sawirada waxa isna iga saacidayGanacsade:
Axmed sheekh Da'ud

Waa Markale iyo Bahda Warsheekh oo idin leh waa inoo jimcada danbe iyo qormo Bilow ahow Xiiso badan

Ralated Links:

  1. Taariikhda Fog ee Dadka iyo Dalka Konfur Afrika? (Qeybti 3,aad)
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip