(Nasashada Jimcaha) Siyaaradi Macalin Da’ud Macalin Nuur ee Degmada Warsheekh (Sawiro)

0
Friday August 22, 2008 - 12:01:23 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Nasashada Jimcaha) Siyaaradi Macalin Da’ud Macalin Nuur ee Degmada Warsheekh (Sawiro)

    Waa markale iyo Maqaalkeeni aan ugu magac darnay Nasashada jimcaha oo Jimco waliba aan idinku soo bandhigo Qormada Nasashada oo aan ugu talagalnay in ay Aqristayaasheena kala qeyb qaadato Nasiinada Siidul Ayaamka (Jimco)..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa markale iyo Maqaalkeeni aan ugu magac darnay Nasashada jimcaha oo Jimco waliba aan idinku soo bandhigo Qormada Nasashada oo aan ugu talagalnay in ay Aqristayaasheena kala qeyb qaadato Nasiinada Siidul Ayaamka (Jimco)..

 

 



Hadaba Qormada Maanta ayaan waxa ku eegi doonaa Dhinaca Diiniga iyo Siyaaradi Macalin Da’ud Macalin Nuur ee Degmada Warsheekh .

Hadii aan wax yar idinka Xasuusiyo Macalin Da’ud Macalin Nuur waxa uu ka mid ahaa Owliyada Ilaaahey kuwaasi oo wax waliba ka hor mariyay Fidinta Diinteena Islaamka habeen iyo maalina utaagnaa Dacwada.



Macalin Da’ud Macalin Nuur waxa uu ahaa Macalin ay ka aflaxeen Macalimiin Fara badan iyo Masha’iq oo ilaa iyo iminkaba ay daadsan yihiin dunida Dacaladeeda iyadoo wax la isku sheegto ay ugu qiimo badan tahay Xarafka Diiniga ay la is baro .

Macalin Da’ud Macalin nuur sidoo kale waxa uu ahaa Sheekh Caalim ku ah Culuumta kala gedisan Shareecada Islaamka isagoo Safka hore kaga jiray Culimada Hogaanka Fidinta Diinta Islaamka lagu Qadariyo Gaar ahaan Degmada Xadaarada Islaamiga Caanka ku ah ee Warsheekh isagoo sidoo kale isla degmadaan ka ahaa Macalinka Dugsiga Degmada Warsheekh taas oo ilaa iyo Macalinka oo ka geeriyooday oo Arday waliba oo dugsiga la geeyo uu gacantiisa ugu xariiqi jiray Xarafka ugu horeeyo ee Ardaygu dhigto.




Macalinka ayaa sidoo kale waxa uu ahaa Mid naxariis badan isla markaana dadka ku dhiira geliyay Barashada Diinta isagoo hadba sida ay wax ku fahmi karaan ugu jilci jiray isla markaana ku dhira gelin jiray Raga  iyo Dumarkaba  in ay wax bartaan isla markaana ka fogaadaan in Caqiidadooda dulowdo.

Alaah unaxariistee macalin da’ud Macalin Nuur waxa uu ka mid ahaa Masha’iqda ka aflaxday Sheekheena Sheekh C/raxman OW Cumar Al Celiyi Al Qaadiriyi Alwarsheekhiyi.



Hadaba Siyaarada Macalinka ayaa waxa Sanadiba mar lagu Qabtaa Lariixa Macalinka ee Degmada Warsheekh iyadoo ay kasoo qeyb galaan dhamaan Culimada ka aflaxday sheekha iyo Owlaadiisa intaba.

 Siyaarada macalinka ayaa sanadaani waxa ay kusoo gaba gabowday Jawi Qurux badan .

W/D: Abdirahman Sheikh Abdullaahi
Webmaster Shabakada Warsheekh
E-mail:
farxad95@hotmail.com Ama webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip