Nus Darsin ilmo Wada dhashay ah oo qarax miino ugu Dhinteen Gobolka Galgaduud

0
Tuesday December 15, 2009 - 15:10:59 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nus Darsin ilmo Wada dhashay ah oo qarax miino ugu Dhinteen Gobolka Galgaduud

    Wararka ka imaanaya Degmada Balnbal ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Qarax xooggan oo ka dhashay miino dhulka ku aasnayd ay dishay ugu yaraan lix caruur ah oo walaalo ah, kuwaasoo ahaa reer guuraa uga cararay deegaankooda abaarro halkaasi ka dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Degmada Balnbal ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Qarax xooggan oo ka dhashay miino dhulka ku aasnayd ay dishay ugu yaraan lix caruur ah oo walaalo ah, kuwaasoo ahaa reer guuraa uga cararay deegaankooda abaarro halkaasi ka dhashay.


 
Hareer Xasan Barre Guddoomiyaha degmada Balabal ayaa ka hadlay falkaasi qaraxa Miino ahaa, wuxuuna sheegay in deegaan ku dhow Balanbal oo 3-km u jira Degmada Balanbal inuu qaraxaasi ka dhacay, wuxuuna sheegay in caruurta dhimatay ay karsanayeen xilliga uu shilku ku dhacayay raashin, isagoo sheegay in falkaasi ay ka bad baadeen Aabihii iyo Hooyadii reerka oo halkaasi ka maqnaa iyo iyo gabar yar oo hooyada xambaarsanayd.
 
"Wuxuu qaraxu ka dhashay Miino dhulka ku aasnayd muddo aad u fog, halkaasoo ay caruurtu ku karsanayeen Cunto ay cunaan, waana masiibo xoog leh, waxaana laga ururiyay goobtaasi qaraxu ka dhacay Hilbo iyo jirkii caruurtii dhimatay" ayuu yiri guddoomiyaha degmada Balanbal oo sheegay in sidoo kale qaraxu uu wax u gaystay Dameero iyo xoolo halkaasi daaqaayay.
 
Aabbihii iyo Hooyadii dhalay caruurtaasi ku dhimatay qaraxa Miino ayaa si aad ah uga argagaxay musiibada ku habsatay caruurtooda, waxaana hadal laga waayay Aabihii dhalay Caruurtaasi, isagoo ay naxdini xooggan ka muuqatay, balse waxaa iska caadi ahayd Hooyada dhashay caruurtaasi oo iyadu sheegtay inay aaminsan tahay qadarta Alle.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip