Soomaaliya waxay soo maartay maalmo kala duwan, maalin xun iyo maalin wanaagsan, haba u badnaadeen maalmaha xun, iyadoo waliba ay heerar kala ahayd marka lagu sameeyo is barbar dhig, maalmaha xun ee na soo maray, waxaa ugu sii xumaa burburkii Dawladda, 19-kii sano ee murug maarugta, colaadaha iyo dagaalada sokeeye, dalkana ku baahday gees-ka-gees fawdada iyo jaantaa rogan, 19-kii sano ee tiiha lagu jiray iyo xarig jiidka aan dhammaadka lahayn, waxaa Soomaaliya soo maray maalmo kala sarreeya kuna duwan(soocan) xummaanta, maalinba waxay noo dhibtay maalin.
Ujeedka qormadu ma ahan inay soo koobto wixii dhacay December kasta, balse waxaan isku dayeynnaa inaan ka soo qaadanno dhacdooyinka kala duwan oo wada dhacay isla bashaa, waxaan u adeegsannay sida ay kala horreeyeen xagga sanadka, Inagoo ka soo billownay sooyalka hore deedna ku keennay kii ugu dambeeyey ee dhacay isla bishan sii gabaabsiga ah, marka qofkii aweeddiisu tahay inuu wax ku daro taariikhdan way u furan tahay.
Burburkii Dawladdii dhexe!!!.
Balaan ka billaabo 31 December sanadkii 1990-kii oo ku beegan burburkii dawladdii, waxaa maalintaa iyo bishaa wixii ka dambeeyey dalku galay dagaal magacyo kala duwan yeeshay qaabab kala duwanna isu rogay, dhibaatadii ka dhalatay ay wali taagan tahay oo aysan dhammaan ama aan laga gudbin, waxaa maalintaasi horseed u noqotay heeryada habacsanaanta iyo hiilka qabiilka aan loo hayb dayin ee aan la hubsan.
December 1990-kii waxaa dalku u gacan galay jabhado hubaysan oo ka soo wada duulay dhanka Itoobiya, waxayna ku guulaysteen inay dalka diirtaan oo aysan hambayn jiingad lamayeeri iyo mutuleel, waxay ku guul darraysteen inay amaankii jiray wax ku biiriyaan ama sii adkeeyaan maadaama uu meesha ka baxay nidaamkii, mindhaa lagama fekerin maxaa dhacaya haddii sidaan wax loo maareeyo?!.
Runtii bisha December waxay reebtay xanuunno aan waligood bogsoonayn lagase yaabe inay wax iska badalaan sida wax yihiin ama wax ku socdaan, bishani waxaa lagu xasuustaa maalmo aad u qaraar oo Somali soo maray ayna ugu horrayso rididdii dawladii dhexe iyo burburintii qarankii Somaliyeed, oo aan filaayo inay tahay mid sabab u ah wixii xigay ee dhacay ama ka dambeeyey.
Dagaalkii sokeeye iyo colaadihii ka dhex qarxay Somali ilaa jibsin hoose waa midda ilaa hadda taagan ee aan wali lagu guulaysan in xal laga gaaro, dhacdooyinkii kala gadisnaa ee soo maray dalka intii u ku jiray burburka waxaa lagu xisaabin karaa xilkeeda bisha December oo ah bishii ay dawladdii dhacday, ujeedka ma ahan in maalin bil sanad iyo xilli go'an la eedeeyo ee waa uun tilmaam xilliyeed timid xilligaa oo la eeday!.
Burburka qof qoys ilaa qaran ku timid waa mid natiijadiisa la arkay ama la gaadhay, maxaa yeelay Somali wixii astaan dawladeed ay lahayd waa la wada moosay, dhaqan wixii ay layadna waa laga wada tallaabsaday, hidde la ilaalsho isaga warkiis haba sheegin wax badan oo laga sarriingan jiray maanta wa lagu dhiirraday, taasna waxaa u sababa buburka aan waxba hambayn ee dhammaan wada gaadhay ee lagu wada gumoobay!.
Dabcan December 1990-kii ka sheekaynteedu dhammaan mayso oo ma ahan mid sadarro iyo dhowr xariiqmo lagu soo koobi karo, balse waxaa mar walba meesha yaalla ee aan la illoobi karin wixii dhacay dhammaadkii bishaa iyo sanadkaas oo noqday bilowga burburka Somali, beegsiga biri magaydada iyo bililiqada baahday ee waxba aan baal marin, waxay astaan u noqotay sanadaha balowga colaadaha.
Galitaankii Xabashida ee Muqdisha!!!
Waxaan ku labaynaynnaa maalintii soo galay Muqdisha, ciidanka Xabashidu wuxuu horay u caadaystay inuu ku soo xad gudbo soona galo xadka uu Soomaaliya la leeyahay, gaar ahaan gobalada iyo degnooyinka ku teedsan xuduudka sida: gobalka Gedo, Bakool, Mudug iyo Galguduud, balse 28-kii December 2006-dii waxay Ciidanka Xabashida ee qalabka sida soo galeen Magaalada Muqdisho, Xaruntii Dalka, Xuduntii wadanka, Hoygii Umadda, maalintaas waxay ahady maalin Murugo leh, waxay ahayd maalin Tiiraanyo leh, waxay ahayd maalin Xanuun badan leh, waxay ahayd maalin Wadani kasta oo Soomaaliyeed is waydiiyey sida ay wax u socdaan? Iyo sida ay wax u dheceen? Waa hubaal in wadaniyiin badan ay la ilmeeyeen maalintaas waxa dhacay?, ayna ku reebtay gocosho iyo xusuus aan kala go'ayn inta ay nool yihiin.
28-ka December maalin kala barta taariiqda Soomaalida, wixii la soo maray ee sooyaal ah iyo waxa soo socda ee la xiriira Aayaha, maalin taariiq cusub u bilaabatay Soomaalida, maalin ay xusi doonto taariiqdu, balse waa su'aale maxay ku xusi doontaa?!, maxay ku sheegi doontaa?!, maxay ku tilmaami doontaa?!, siday uga warbixin doontaa?!.
28-ka December 2006-dii, waxay caro iyo ciil ku abuurtay inta ay ku dambayso laabtooda dareenka Wadaninimo, heer ay ku sigteen inay is daldalaan ama is marjiyaan, Xabashidu marka ay soo galeen gudaha Magaalada Muqdisho waxay isla markiiba baro ciidan ka dhigteen: Astaamihii Qaranka, Barihii laga maamuli jiray Dalka, sida: Wasaaraddii Gaashaan-dhigga, oo ahayd halka laga bixin jiray amaradii dagaalkii 77-ban, ee dhax maray labada cal, waxay kaloo degeen Villa Soomaaliya, Aqalkii Madaxtooyada, taasina waxay daliil marag ma doonto ah u tahay ujeedada gurracan ee Xabashidu la maagan tahay Soomaaliya, bal u fiirso ciidankii huwanta ee UNISOM ee Soomaaliya yimid horraantii sagaashamaadkii, marna ma degin baro tilmaamaysa Astaan Qarannimo, sidoo kale eeg ciidamada Ugandha waxay ku ekaadeen garoonka diyaarada iyo dekedda weyn ee Muqdisha, balse waxa Xabashidu u dageen Wasaaradda Gaashaan-dhigga, Xaruntii Xisbiga Hanti Wadaagga kacaanka Soomaaliyeed, iyo Villa Soomaaliya, waxay muuji!
naysaa danaha ay usoo galeen Soomaaliya ayna ku doonayaan inay Soomaaliya ku sii haystaan!.
Soomaalidu ma waxay sugaysay 28-ka December oo kale?, Xabashse ma ku soo dhacday inuu Muqdisho ku dhex maro dabaado gaashaaman iyo cudud Military?, dabcan taas waxaa ugu yeeray wadaadadii Maxkamadaha, waxaana ku marti qaaday Dawladda Empagathi, waa la yaab in Xabashku wuxuu xeelad iyo xoog ku qaadi waayey ay Soomaalidu u suura galiso, una sahasho sidii ay u xaqiijin lahaayeen!, 28-ka December waa maalin uu la Cirroobay Sabiga Soomaaliyeed, Cirroolana uu la calaacalay, Xaamiladiina ay la dhicisay, xanuunkeeda awgeed iyo walbahaarka ay wadato darteed, 28-ka December maalin billow u aheed dhibkii Soomaaliya ku habsaday sanadkii 2007-da, Dhimashada, Dhaawaca, Qaxa, Bara-kaca, Xasuuqqa, iyo Boobka Hantida Dadweynaha.
28-ka December maalin mugdi galisay aayaha Soomaaliya, maalin la garwaaqsay Dulliga iyo Ducfiga ay Soomaaliya dul sabbaynayso, 28-ka December maalin dib usoo noolaysay Dagaal-oogayaashii daashaday Soomaaliya, maalin kor u qaadday Tabcanayaasha Yigreega, maalin Xushamaysay Xigaalada Xabashida, 28-ka December maalin Murugo!, Maalin Naxdin!, Maalin Gocosho!, Maalin Xumeed!, Maalin Tiiraanyo!, Maalin Haydaaro!, Maalin dareen!, Maalin Dhiillo!, Maalin walaac!, Maalin Walaahood!, Maalin Walwal!, Maalin Balaayo!, Maalin Dullinimo!, Maalin Gunnimo!, Maalin qiyaano!, Maalin Lur!, Maalin Marooro-Dillaac!.
Dhacadadaa waxaan kaga maansooday maansadaan gaaban oo aan ugu magac daray “Maxmiyad” waana tan Maansadii:
Maalmaha la soo maray
Maantaynu noogniyo
Maalmaha la sugayaa
Ma 28-ka desemberaad
Maalin la maida maqasheen?
Malamalayn maxay tari?
Mala'awaal muxuu qaban?.
Maalin yahay madoobee
Murugada badneydee
Magaalooyinkii dalkaygii
Muqdishoo anuunka ah
Maxmiyadda ku tuurtee!
Misfinoo maciiniyo
Miles gacan ka Galisee.
Maalin yahay qarabinee
Masiibada lahaydee
Mugdi galisay aayee
Mawdkiina badisee!
Mindhacira gowsee.
Mooryaan adeegtiyo
Maqaawiir quwaaxoo
Maankooda fadhinoo
Magac aan lahaynoo
Madax sheeganaysaad
Masuulnimo u dhiibtee
Midigtood ku sallintee.
Madaafiic garaacii
Marastii qaxeenoo
Maatadiina le'atee
Muluqyadiina salaleen.
Miskiin xoogsanaayiyo
Macalinkii baraayiyo
Mowlu maal kis haystaa
Maalin yahay maxbuustee.
Mudashada wanaaggii
Mowlow Ilaahoow
Maalintaan xumaysee
Magaceenna bi'isee
Miyaanay qiyaasnayn?!
Ma dunidaa na dayacdoo
Meel nagu ilowdoo
Mus jaan nagu xootoon
Marnaba noo dhimrinayn?
Mise Inagaan nuglaynoo
Maamuus u qalminoo
Qaranimo mudnaynoo
Madaxbannaani Garanayn?!
Miyaad naan lahayn dhiig?!
Ma dareenaanan qabin?!
Maad sidaan is dhaantaan?!
Macruuf maad samaysaan?!
Midnimo wada guddoontaan
Mowqif wada qaadataan
Mar wada Istaagtaan
Maya, fara galin tiraahdaan
Militari shisheeyana
Ma rabnba tiraabtaan
Markaasaa sharaftiyo,
Magac qaran yimaada
Mahdintuna Xigaysaa!!!.
Qaraxii Hotel Shamow!!.
Waxaan ku sadaxaynaynnaa 03-ka December 2006 maalintaas oo qarax aad u xoogan lala beegsaday xaflad qalin jabin ah oo ka dhacaysay Hotel shamow, qaraxaas oo ay ku naf waayeen arday, dhaqaatiir, macalimiin, wariyayaal, waalid iyo siyaasin ay ku jiraan wasiirro, qaraxaas oo runtii aad u gilgilay magaalada muqdisha beerayna xaalad aad u murugo badan, qaraxaas oo aan cidna sheegayn qolyaha afka duubtana ay iska wada fogeeyeen.
Qaraxaas wuxu beegsaday dhaqaatiir markaas dhamaysay jaamacadda Banaadir qaybta Caafiamadka oo dhigaysay muddo shan sano ah, wuxuu indha tiray umadda oo u horseeday mugdi iyo jahli maadaama la beegsaday aqoonyankii barri dadka u adeegi lahaa, dhacdadaan waxay ka mid noqotay dhacdooyinka aadka u saameeyey umadda Somali.
Dhacdadaan waxaan ka tiriyey meerisyadan oo aanan wali soo bandhigin qaybse ka ah maanso gaaban oo aan ugu magac daray “Dareen” oo aan ku daah furay Silsiladda Deelleeyda Qariga 21-aad ee ay wadaan dhalinyaro Somaliyeed waana kuwan Meerisyadii:
Dulmigii Shaamoow
Duhurkii la weeraray
Ardadii la duubee
Darajada mudneydee
Digriigiyo aqoontiyo
Dugisayada dhameeyeen
Ninka dilay muxuu yahay?!.
Ditoor caafimaadoo
Cudarada daweeyiyo
Ubaxii dalkeennaan
Berri daadahaynlaa
Waalid soo daryeeliyo
Xubnaheeda dawladda
Ninka dilay muxuu yahay?!.
Wariyaha diyaariya
Farriimaha dagaalkiyo
Dirirtiyo colaadaha
Dadka u adeegoo
Daabula dhambaallada
Nabadana u doodaa
Ninka dilay muxuu yahay?!.
Ugu dambayn ma ahan bisha December mid dhacdooyinkeedu intaan ku eg ama ku kooban, balse Aniga intaan ayaan ka soo qaatay ee waxaa qofkii wax ku daraya u furan inuu ku biiriyo wixii taariikh ah ee uu hayo, si loo aruurso taariikh dhaxalgal ah oo kooban si sahlanna loo heli karo.
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
December Bil Murugo iyo Gocosho Badan!.( Bashiir M. Xersi)
Maalmuhu kala wanaagsan, dadkuna kala aayan wacan, shucuubtuna kala aayo hagaagsan, adduunkuna waa mareeg Maalmuhu ku wareegaan, Maalmuhu waxay isugu jiraan: qaraar iyo macaan, xun iyo wanaagsan, madow iyo cad, murugo iyo farxad, jaadadkaas maalmaha