Warbixin Xarigga Albashiir xaq Miyaa misa Xeelad Reer Galbeed

0
Sunday June 14, 2015 - 20:11:06 in Wararka by
  • Visits: 1518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin Xarigga Albashiir xaq Miyaa misa Xeelad Reer Galbeed

    Maxaa lagu haystaa Al-Bashiir ? >Qodobadee loo cuskanayaa in la xiro? > Maxaa ka dhacay Darfur? > Waa Kuma Al-Bashiir ? > Maxay dhalin kartaa xayiradda la saaray Al-Bashiir >

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa lagu haystaa Al-Bashiir ? >Qodobadee loo cuskanayaa in la xiro? > Maxaa ka dhacay Darfur? > Waa Kuma Al-Bashiir ? > Maxay dhalin kartaa xayiradda la saaray Al-Bashiir >
Koonfur Afrika ma waxay la jirsan doontaa Afrikaanka mise reer Galbeedka?

Maxkamadda sare ee dalka South African ayaa soo saartey amar ku meel gaar ah oo xannibaya sodcaal uu dalkaasi uga baxo Madaxweynaha Suudan Jen. Cumar Xasan Al-Bashiir oo kaga qayb galayey magaaladda Johannesburg shirka 25-aad ee caadiga ah ee madaxda Afrika, iyadoo loo cuskaday taasi dalab ka yimid maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC oo ku eedeynaysa xasuuq uu ka gaystey gobolka Darfur.

Go’aanku maxkamaddu wuxuu leeyahay waa in uu joogaa dalkaasi Koonfur Afrika oo aanu ka bixin Al-Bashiir ilaa inta inta dib loo eegayo codsiga maxkamadda ICC ee ah in loo gacan galiyo iyo in kale. Al-Bashiir wuxuu ganafka ku dhuftey eedeymaha loo soo jeediyey isagoo beeniyey inuu ku kacay wax gumaad ah, isla markaana aanu hogaansami doonin go’aamadda maxkamadda.

Talaabada ay ku dhaqaaqday dawlada Koonfur Afrika ee ay si diiran uggu soo dhaweysay dalkeeda Madaxweyne Al-Bashiir markii uu imanayey waxay dhalin doontaa xiisad cusub oo ka dhex dilaacda maxkamadda ICC iyo ururka midowga Afrika (AU), kuwaasi oo goor hore ku eedeeyey maxkamadda inay beegsato oo kaliya Afrikaanka, waxaa midowga Afrika uu goor ugu baaqay in ay joojiso dacwadaha ka dhanka ah madaxda Afrika.

Al-Bashiir oo ay maxkamadda ICC ku soo rogtey bishii March ee 2009-kii wuxuu ka baaqsaday safarro uu ku tagi lahaa wadamo kala duwan oo sheegay in haddii uu cagta soo dhigo dalalkooda ay xiri doonaan, iyagoo fulinaya dalabka ICC, waxaase uu booqday dhawr wadan oo uu saaxiib dhaw la yahay kuwaasi oo dhagaha ka furaystey dalabka maxkamadda caalamiga ah ee ICC.
Diblumaasiyiinta u dhuun-daloola arrimaha Koonfur Afrika waxay leeyihiin Koonfur Afrika waligeedba waxay iska indho saabi jirtey maskaxnuunka diblumaasiyaDda, laakiin tani waxay hadda u muuqata in ay si cad oo ku talagal ah u qaaday arrin muran ku jiro, iyadoo u muuqanaysa inay la jirsanayso wadamada reer Galbeedka oo doonaya xariga Al-Bashiir.

Haddii ay noqoto in dalwada Koonfur Afrika ay u ogolaato in uu dalkiisa hooyo dib uggu laabto taasi macnaheedu waxay tahay inay wajahdo loolan sharci maaddaama ay ka mid tahay saxiixayaasha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka, iyadoo taasi sidoo kale horseedi doonto cambaarayn caalami ah, waxayna taasi ku noqon doontaa dhabar-jab jiritaanka maxkamadda ICC.

Haddiise ay qaadato dhabaha kale oo ay xirto ama xayirto Al-Bashiir, waxay taasi ka dhigan tahay in xukuumadda Pretoria ay dagtay ama shirqooshay hogaamiye Afrikaan ah, iyadoo lagu macnayn doono xaalad aanay cidnna ku guulaysan.

Laakiin sida cad waxay u muuqanaysaa in dawlada Koonfur Afrika ay si cad u dooratay inay xigsato reer xukunka Galbeedka taasi oo ay madax badan oo Afrikaan ah kalsoonidooda ku qabi doonin.
Maxaa loo haystaa Al-Bashiir ?

Si ku cad website-ka maxkamadda ICC waxaa madaxweyne Al-Bashiir lagu eedeynayaa Masuuliyad gumaad ka kooban 10 qodob, taasi oo saldhig looga dhigayo masuuliyadiisa shakhsiyadeed iyadoo la cuskanayo qodobadka 25(3)A.
Waxayna kala yihiin

Shan qodon oo la xiriira dambiyo ka dhan bini’aadamtinimada : dil qodobada 7 (1) A
• Shan qodon oo la xiriira dambiyo ka dhan bini’aadamtinimada : dil qodobada 7 (1) A
• Xasuuq qodoba - 7(1)(b); barakicin xoog ah - qodobka7(1)(d); tacadi-qodobak 7(1)(f); & kufsi -qodobka 7(1)(g);
Laba qodob oo la xiriira dambiyo dagaal: Si kutalagal ah farida dagaal ka dhan dad shacab ah ama si ka soo horjeeda shakhsiyaadka shacabka ah ee aan qayb ka ahayn colaadaha waxaa loo cuskaday -qodobaka 8(2)(e)(i); & boob oo loo adeegsaday – qodobka 8(2)(e)(v).

Sadexda qodob kale ee lagu haysto waxay kala yihiin:
• Gumaad dil loo adeegsaday (qodobka 6-a), gumaad ay sababayso dhibaato si qoto dheer miskixiyan iyo jir ahaan ah (qodobka 6-b) & gumaad si ula kac ah loogu gaysanayo dad bartilmaameed ah kuwaasi oo lagu xaaladaynayo waxyeelaynta burburinta awood ahaan kooxdaas.

Waa Kuma Al-Bashiir ?

Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo dhashay 1-dii January 1944, waa 71 sano jir ku dhashay deegaanka Hoshe Bannage ee gobolka Shendi, wuxuu noqday hogaamiyaha Sudaan 30-kii Jun ee 1989kii, isagoo xukunka ku qabsaday afgambi military, waxaana koox saraakiil ah oo uu hogaaminayey ay xukunka kala wareegeen xukuumaddii Sadiq Al-Mahdi.

Wixii ka horeeyey 16-kii October 1993 ilaa xiligii afgambiyo dhacay wuxuu ahaa gudoomiyaha golaha kacaanka ee badbaadda Qaranka, laakiin sanadkii 1993-kii ayuu madaxweyne isku magacaabay.

Maxaa ka dhacay Darfur ?

Bishii February 2003-dii labo ka mid ah kooxo dhawr ah oo mucaarad ah oo kala ahaa ciidanka xoreynta Sudaan (SLA), dhaqdhaqaaqa Caddaaladda iyo Sinnaanta (JEM) waxay qaadeen kacdoon ka dilaacay Galbeedka Suudaan iyagoo ku eedeeyey xukuumadda Khartuum inay dayacday gobolka oomanaha isla markaana ay hubaynayso maleeshiyaadka asalkoodu Carabta yahay kuwaasi oo waxyeelo u gaysanaya dadka gobolka ku dhaqan ee aan Carabta ahayn balse Muslimiinta ah.

Colaadaasi oo socotey mudo shan sano waxaa ku geeriyooday 200 kun oo qof, kuwaasi oo u dhintey cudurro, colaad iyo gaajo, waxaa kale oo ku barkacay 2.5 milyan oo qof, laakiin xukuumadda Suudaan waxay qabtaa in colaadaasi ay ku dhinteen 100 kun oo qof.

Waxaa jiray doood balaaran oo la xiriiray xaaladda in gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan ay ka socdaan xasuuq ka dhashay dagaaladda u dhaxeeya ciidamada dawladda iyo kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda kuwaasi oo qarxay sanadkii 2003-dii.

Xoghayihii hore ee arimaha dibada Ameerikaanka Collin Powell ayaa 9-kii September 2004-tii wuxuu ku dhawaaqay wax uu ugu yeeray "Gumaad” inuu ka jiro gobolka Darfur, isagoo taasi ka horcadeeyey guddiga xiriirka dibada ee golaha Senate-ka Marykanka.

Xilligaasi wixii ka dambeeyey ma jirin xubin ka mid ah golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo arrinkaasi ku raacday Mareykanka, balse bishii January 2005-tii guddi caalami ah oo baaritaan ku sameeya Darfur oo lagu dhisay qaraar ka soo baxay golaha amaanka Qaramada Midoobay oo tirsigiisu ahaa 1564 ayaa u soo gudbiyey xoghahaya guud Qaramada Midoonay in waa sida guddigu hadalka u dhigay’e "dawladda Suudaan aanay ku dhaqaaqin siyaasad ka hortagaysa gumaadka jihaysan”, waxaana gudigu uusan cararaabin in si toos ah madaxda dawladdu ugu lug leedahay xasuuqa laga soo sheegay Darfur.

Bishii March 2005 ayaa golaha amaanka Qaramada Midoobay waxay si rasmi ah ugu wareejiyeen warbixintii gudigu soo saaray xeer ilaaliyaasha maxkamadda ICC, iyadoon warbixintu cadayn nooca gumaadka ka dhan ah Aadmiga, labo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee Golaha oo kala ah Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ka baaqday kulanka loogu gudbiniyey warbixinta maxkamadda ICC.

Qaadiyada maxkamadda ICC waxay sheegeen inay si dhab ah u qaadanayaan qaraarka tirsigiisu yahay 1564 ee ay soo gudbiyeen wadamada Jarmalka, Britain, Romania & Mareykanka isla markaana ay u qaadan doonaan shakhsiyaadka iyo ururada lagu xusay qaraarka ku lug lahaanshaha "Xasuuqa” Darfur.

Bishii April 2007, Qaadiyada maxkamadda waxay soo saareen amar lagu soo xirayo wasiirkii arimaha dibada Suudaan Ahmed Harun iyo hogaamiyiha kooxda Janjaweed Ali Kushayb iyadoo lagu eedeynayo dambiyo ka dhan aadamiga iyo dambiyo dagaal.

Bishii July 2008-ii maxkamadda ICC waxay soo saartey 10 qodob ka dhan madaxweyne Al-Bashiir oo ku aadan dambiyo dagaal, iyadoo sida maxkmaddu sheegtey ku eedeysay Madaxweyne Al-Bashiir "in uu abaabulay uuna fuliyey qorshe si dhamaystiran loogu doonayey in lagu tir tiro sadex qabiil oo asalkoodu ka soo jeedo Darfur.

Bishii March sanadkii 2009 maxkamadda ICC waxay soo saartey amar xarig ah oo lagu soo xirayo Madaxweyne Al-Bashiir, waxaana lagu xusay bayaanka maxkamadda in ahaanshihiisa Madaxweyne inaanay ka reebayn in la soo taago makamadd.

W/Q: Mowliid Xaaji Cabdi:
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip