Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Somalia Khadro Bashiir Cali, ayaa looga yeeray Baarlamaanka Somalia, si su'aalo looga weydiiyo arimo ku saabsan Waxbarashada dalka
.Kulanka Baarlamaanka ee maanta Xildhibaanada ay ku yeelanayaan xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa laga sugayaa, Wasiirka inay tagto.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa dalbaday in Wasiirka ay hortimaado Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, si su’aalo loo weydiiyo xilli Wasiirka ay ka cudur daaratay Isbuucii hore inay hortagto Baarlamaanka dalka.
Mahad Cabdalla Cawad oo ah Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ayaa u yeeray Wasiirkaa waxa uuna sheegay in Baarlamaanka uu qabo Su’aalo ku aadan howlaha Wasaaradda islamarkaana looga baahan yahay Turxan bixinta su’aalahaasi.
"Wasiirka waxaa laga doonaayay in maanta oo Axad ah ay hortimaado Baarlamaanka , Wasiirka waxaan ka codsanaynaa inay waqtiga ilaaliso Baarlamaanka iyada ayuu u fadhiyaa, Isbuucii hore Axadii ayeey ka cudur daaratay inay timaado xoghaynta waan ku wargelinay in loo yeero.” Ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa dhawaan dhaliilay Wasaaradaha Waxbarashada dalka iyo Wasaarada Caafimadka oo uu ku dhaliilay inaysan jirin goobo Waxbarasho iyo goobo caafimaad oo ay Maamulaan. Xukuumadda. Somaali>
Xildhibaanada Baarlamaanka oo uduyeera Wasiirka Waxbarashada Khadra Bashiir Cali
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Somalia Khadro Bashiir Cali, ayaa looga yeeray Baarlamaanka Somalia, si su'aalo looga weydiiyo arimo ku saabsan Waxbarashada dalka