Masaladan Midgaanimada iyo waxa ay salka ku hayso asalkeedii hore ayaan jeclahay in mowduuceygan maanta aan si tafaftiran ugu faaqido, si aan u daahfuro in sheeko baraley hore, dad aan kala sareyn, wada dhashayna isku kala takooraan, iyadoo laleeyahay labo walaalo ah midna waa midgaan, ka kalena waa nasab, tanina na tuseyso maangaabnimada umadan Soomaaliyeed.
U soo laabo aragtida kow lagu salgooyo midgaanimada, oo ah tan sheekada oranaysa waa waxa jiray labo walaalo, labada walaalaha ah ayaa waxa soo foodsaarey gaajo aad u daran, iyagoo waayay wax ay afka gashaan, dabadeedna helay bakhti, iyagoo bakhtigii nafta kula tacaalay, markii nafi kusoo laabatay ayay socod bilaabeen, iyagoo helay dad marti soora, mid ayaa is matajiyay, markii soor loo keenay, halka kii kalena diiday in uu is matajiyo, tanoo deeto la yiri, maadaama uusan iska matajin bakhtigii kani waa midgaan.
Kaba dhig in sharaftii iyo xurmadii dadkani Soomaalida walaalaha ay ahaayeen ku lahaayeen ku waayeen bakhtigan uu diiday ninka loogu abtirinayo in uu iska matajiyo, sidoo kalena aan ku sifeyno in bakhtiga oo lacuno ay midgaanimadaba horseed u tahay.
Hadaba su’aashu waxa ay noqonaysaa Waa ogtahay, ama waan wada ognahay, in Qabaa’ilkii shalay Gobanimada sheegan jiray, maanta horseed u yihiin wax walba oo xun, iskana ilow in Bakhti buusan iska matajin daliil u aheyd Midgaanimada, maxey noqonaysaa Ajigu Bakhtiga iyo xumaha kale ee uu labacanleynayo maanta, isaga oo aan baahiyu u keenin, daliilka uu la imanayo?
Maxey tahay Nasabnimada uu ku faanayo ninka calan iyo ciid uu lahaa habeen casho ah dhaafsanaya?
Sarkaal Ethiopian ah, ayaa laga soo xigtay isaga oo leh Somalida maanta waxan u naqaanaa ama ugu yeernaa “ANDHI BIIRAA” oo uu ula jeeday (Hal dhalo oo Biir ah), taasoo uu kawaday damiirkooda iyo dadnimadoodu halkaas dhalo oo khamriga ah ayaa kaa xiga.
Hadaba kuwa magacani ku baxayo ma ahan Sabtee la soco, waa kuwa Ajiga nasabnimadu qoorta ugu xirnayd ku faani jiray.
Ku dhawaad labaatan sano, dal iyo dadkii Soomaaliyeed waxa ciida afka u gashey damac fool xun, oo beelihii ku hadaaqi jiray “Eebow Hanagumeyni” ku kala bixi waayeen!
Yaa Nasab ah? Yaase ku faani kara manta Nasabnimadaas?
Waa marqaati ma doonto, in manta Midhibaanku ka nasabsan yahay Soomaali oo dhan, waxaana nasabnimadaas lawadaaga in alla iyo intii xiligan xun ee Somaliyi Labaatanka sano ku dhexjirtay, aan wax hagardaamo ah ula soo bareerin, si dal iyo dadkiisaas daleesha maran yaala uga durdursan.
Xiliga xun ayaa la isbartaa, miyaysan aheyn Soomaali mid ay isku baratay xiligan, marka kuwa nasabka ku faani jiray aysanba kala aqoon Xalaasha iyo Xaaraanta, Xaqa iyo Xaqdarada, Samaanta iyo Xumaha.
Baqti aan la iska matajin, iyadoo waliba baahiyu kuu geeysay, tanoo laba
Maxay noqonaysaa, xumaha iyo fawaaxishta ka daran, Bakhtigii la iska matajin waayay, ee kuwa nasabka sheegan jiray xalaaleysteen?
Mase is weydiisay, hadii Bakhti la cunay midgaan la iskugu baxshay, waxa ay noqoneyso in la iskugu baxsho fawaaxishta manta Soomaaliyi la timid?
Miyaysan cadeyn in MIDGAANIMADU aysan aheyn wax aan kuba fadhin xumaha lagu tilmamayo, ee waxa ibtilada dhaliyay tahay ceebaha aan hidaha iyo dhaqanka loo laheyn, maantana yaal Daas walba oo kuwii Nasabnimada ku hadaaqi jiray.
Caaqil ka mid ah kuwii Madhibaanka ee Gobalada dhexe ku noolaa, ayaa laga soo sheegay in uu u tagay mid ka mid ahaa caaqilada qabaa’ilada kale, asaga oo ku leh “Hebelow hal maalin oo aan Bakhti cunay, ayaan Midgo kunoqonay, Idinkuna maalin walba bakhti ayaad cuntaan, ee waxa aad noqoysaan kawarama”.
Ceeb allaha asturo,
Marag ma doonto weeye ceebihii gunnimada ku aslanaa ee ka dhacay magaalooyinka Soomaaliyeed, Muqdishana horyaalka u aheyd, waxa foolxumadaas walwaalayayna waa kuwii Nasabnimada Doodoodu aheyd.
Miyaysan aheyn manta in lagu dhawaaqo magacooda ay mudan yihiin, amase si gesinimo leh, loogu sheego in Nasabnimada iyo ficilkoodu is laheyn.
Halkaan ka akhriso Maansadii “NASABNIMO MA SHEEGAA”oo isla mowduucaan aan ku daahfurayay
Shamsadaa dusheena ah
Shucaacaa ileyskiyo
Shacnigaa ka muuqdaa
Sharci bay ku joogtaa
Shimbirahaa ordaaya
Sharqi iyo galbeedka
Badahaa shixnadu mari
Buurahaa shashabaniyo
Dhulka shamac loo dhigay
Cirkaa ku shoolaqan
Shukrigii illaahiyo
Sharci bay ku joogaan
Anna oogta aan shidi
Inta xumaha shiishiyo
Ceebaal Shashabiyaha
Ku shirkoowday waxan jirin
Baalaleey Shuf bay
Shuuxshuux horeetoo
Dadyow lagu shirqoolana
Shukadii lasaariyo
Shiraac in aan ka feydaa
Sow shacuurtu ima barin
Runta shaabad wadatana
Mu’min iyo shariikuba
Ruuxa sheega weheshade
Taas waxaa u shaahida
Hadii shaleyto oday
Bakhti uu shifeystay
Shiikhsaday baruurtiis
Sharaftiis ku waayay
Kuwa maanta shixirka ah
Sheydaankiyo ibleyska ah
Shabahaaya aadmiga
Ka shiraacday diintoo
Shaqfaduna ka maqan tahay
Miyaadan u sheegteen
Magacii shalay baxay
Midkaloo ka shisha maray
Ajiguna sidii shaal
Lashuxleyn dariiqyada
Maxaa sheeko baraleey
Anaa shuunsareetiyo
Anaa shishe u sii ridan
Ama taajka shaaska leh
Ama shiikha duula leh
Ama cudud la sheego leh
Soo xirantay sheekadaas
Warkii Aji shushubi jiray
Isku sheegi jiray waa
Gunimaday shareysteen
Saaka may ka sheexaan
Sow yagaan sidii shini
Ku shamuumay xumihii
Warxun sheegoow lagu sheeg
Adiguna is sheegtay
Waayuhuna ku shaaciye
In aad sheyb u tahay xumo
Taas waxaa u shaahida
Ninka aan shaqo u kicin
Abidkiisna shaah shuban
Shantu in ay u hoortoo
Shaxaad dooni mooyee
Aan shuqul kale u dhalan
Shafka waxuu u taagoo
Nasabnimo u sheegtaa
Sharuucdeeda maan helin
Ninka shaaricaa u xiray
Shandad in uu ku baartoo
Shuftay xaabe khaate ah
Shafka waxuu u taagoo
Nasabnimo u sheegtaa
Sharuucdeeda maan helin
MIDGAHAA KA MUDAN INTII MAGAC NASABNIMO KU MARMARSOON JIRTAY
Ereygan Midgaan ayaa ah mid soomaaliyi intii mudo ah dad gaar ah isticmaali jirtay, tanoo dhaxalsiisay dadkii loo qoondeeyay magacan in umadii soomaaliyeed ee kale laga sinji sooco iyadoo wax walba oo xuna la caadeystay in dhabarka loo saaro dadkan,