Maxaad ka Taqaanaa Machadka FTMS ee Dalka Malaysia, Warbixin Kooban.‏

0
Sunday January 24, 2010 - 13:46:08 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka Taqaanaa Machadka FTMS ee Dalka Malaysia, Warbixin Kooban.‏

    Machadka FTMS wuxuu ku yaallaa magaaladda Caasimadda ee Kuala Lumpur ee dalka Malaysia. Hadaba machadkaan waxaa la-aas aasay sanadka markuu ahaa 1986-kii. Wuxuuna xiriir wanaagsan la-yeelahay jaamacaddo badan oo ku yaalla wadamada caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Machadka FTMS wuxuu ku yaallaa magaaladda Caasimadda ee Kuala Lumpur ee dalka Malaysia. Hadaba machadkaan waxaa la-aas aasay sanadka markuu ahaa 1986-kii. Wuxuuna xiriir wanaagsan la-yeelahay jaamacaddo badan oo ku yaalla wadamada caalamka.

 

Sidoo kale wuxuu xuruumo ku lee-yahay wadamada, Singapore, Brunei, Uganda, Hong kong iyo Vietnam. Waxaa kaloo jira Arday fara-badan oo aan ku sugneyn dalka Malaysia, balse Distance Learning Centres wax ku barta ayaa waxaa kamid ah sida, Somalia, Uganda, China, Mongolia, Combodia, iyo Loas.

 Machadkaan waxaa wax ka dhigta Arday fara-badan oo Soomaaliyeed, kusoo u yimid heerarka waxbarasho ee kala duwan.

 Hadaba maalinimadii jimcihii aanu soo dhaafnay ayaa booqasho ku tagay Machadkaasi si’aan wax badan uga soo ogaado, Nasiib wanaag waxaan la kulmay ninka ugu sareeya ee qeybta suuq-geynta u qaabilsan, kaasoo lagu magacaabo Mudane Azhari Bin Omar, waxaana la-yeesho wareysi dhinacyo badan taabanaaya.

 Waxaan kaloo la-kulmay Ardayda Soomaaliyadeed ee wax ka barata Machadkaan.

Axmed C/raxmaan Ciise (Xariir), wuxu kamid yahay Ardayda Somaliyadeed ee wax ka barata Machadkaan, waxaan wax ka weydiiyey Tayada Machadka, wuxuuna yiri

“maalintii aan ka imid Somaliya iyo maanta iskukey mid maaha, taasoo ugu wacan, inaan ka helay ilbaxnimo, aqoon sare iyo inaan maanta ku qanacsanahay Machadkaan”.

 C/qaadir Macalin isna wuxu kamid yahay Ardayda Somaliyadeed ee wax ka barata Machadkaan, waxaan ka weydiiyey sida uu u arko Machadkaan iyo waxa uu kusoo kordhiyey wuxuuna yiri “waxaan ka imid magaaladda Muqdisho oo ay dagaaladdu ku habsadeen, waxbarashadii aan ka waayey Muqdisho waxaan ka helay Machadka FTMS”.

 Machadka FTMS wuxuu bixiyaa kuliyado kala duwan sida, Professional Accounting & Finance, Computer Science, Qeybaha kala duwan ee Business,Hospitality, English Program iyo kuwo kale oo badan, Kuliyadaha uu bixiyo oo dhan Machadkaan ayaa waxaa lagu dhigtaa Luqada English. Dhanka kale Ardayda aanan ku wanaagsaneyn luqada English, wuxuu Machadku u haayaa Fursad wanaagsan oo uu ku baran karo Luqada English.

 Mr Azhari ayaa ugu horeyn waxaan ka weydiiyey Ruuxii daneenaayo Machadkaan waxa laga doonaayo wuxuuna yiri “Ardayga sharuudaha looga baahan yahay waxa weeye

1-dhamaan Basaboorka oo Copy ah, 2-Shaadada dugsiga sare oo Copy ah.

3- 8 Xabo oo sawiro ah. Warqad cadeyneyso caafimaadka ardayga  iyo lacagta xareynta”

 Sidoo kaloo wax ka weydiiyey Fiisaha waxbarashada ee Ardayda inta cisho ay kusoo saari karaan, wuxuuna i sheegay ku dhawaad 2 isbuuc ilaa 3 isbuuc.

 iskusoo wada-duuboo Machadkaan ayaa si’aad ah u soo kobcaaya, taasoo ay isku raaceyn Ardayda Somaliyadeed ee wax ka dhigata.

Ruuxii daneenaayo Machadkaan wixii faah faahin intaas dheer wuxuu kala xiriiri karaa aqoon114@hotmail.com.

 

Xasan Cadde

Kuala Lumpur Malaysia.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip