Bismilaah wabihi nastaciin.
ilaah baa mahad leh allahaasoo inagasoo dhexsaaray rasuulkii muxamamed ahaa nabad iyo naxaris korkiisa ha ahaatee..inooguna soo dhiibay kitaabk ay wax walbaaba ku dhanyihiin..ilaah ha unaxaristo dhammaan intii raacdey wadada toosan ee uu inoo jideeyey..asxaabtiisii taabiciyiintii iyo salafkii iyo khalafkii suubana intaba aamiin!!..kadib;
Halkaan waxeynu kusoo qaadan doonaa banaanta ay banaantahay xuska dhalashada nabiga loo sameeyo sanadkiiba mar(mowlidka)..waana suuno wacan ..waxaana usoo qaadan doonnaa addilla qur,aanka ah iyo aqwaasha nabiga iyo a,immada islaamka ugu waa weyn ee ah war galka.
Hor iyo horaan waxaa xusid mudan in dhalashada nabiga ee laxusaa in ay tahay mid gadaal islaamku khalafkii ahaa ay bilaabeen qarnigii todobaad ..waxaana bilaabey boqorkii arbil ee boqor mudafir la oran jiray...kaasoo islaamka ujideeyey sunno wacan oo waliba lamahadiyey.
Farqiga udhaxeeya BIDCO iyo SUNNA WACAN.
BIDCO waa wax cusub luqad ahaan , sharci ahaana waa bidco ama wax ku cusub diinta islaamka oo aan sal iyo raad toona ku laheyn khur,aanka ama axaadiithta nabiga..ama labaduba ka hor imaanaya."وكُلُّ بِدْعَةٍ ضلالَةٌ": waxaa kaloo lamid ah xadiithka nabiga :-"مَنْ أَحْدَثَ في أَمْرِنَا هَذَا ما لَيْسَ مِنْهُ فَهُ وَ رَدٌ":..labadaan axaadith gadaal baanu ka micneyn doonaa hadii ilaah idmo.
SUNNO WACAN-na waa wax walbo oo aan ka hor imaaneyn diinta islaamka sida qur,aanka ama aqwaasha nabiga ama axaadiithta nabiga lagasoo wariyey ..oo ay sameeyeen islaamka nabiga gadaashiis.
Aayadahaan hoose baana daliil u,ah marka uu ilaah ammaanaayo mu,miniinta ilaah rumeeyey ee reer nabi ciise ilaah waxaa uu oranayaa sidatan hoose
قَالَ تعالى وَجَعَلْنَا في قُلُوب الَّذينَ اتَّبَعُوهُ رَأفَةً وَرَحْمَةً وَرَهْبَانِيَّةً ابْتَدَعُوهَا مَا كَتَبْنَاها عَلَيْهِمْ إِلا ابْتِغَاءَ رِضْوَانِ الله ﴾ [سورة الحديد، 27،
waxaanu ka yeelay quluubta kuwa raacay nabi ciise jilicsanaaniyo naxariis rahbaaniyada cusub ee ey layimaadeena mahaan mid korkooda waa jib ku aheyd ee illahey raali ahaan shahiisa uun bey ku doonayeen) surada al-xadiid-27.
iyo xadiithka nabiga ee muslim uu soo wariyey ee sidan ah:-
"مَنْ سَنَّ في الإسْلامِ سُنَّةً حَسَنَةً فَلَهُ أَجْرُهَا وَأَجْرُ مَنْ عَمِلَ بِها بَعْدَهُ مِنْ غَيْرِ أَنْ يَنقُصَ مِنْ أُجورِهِم شىْءٌ، وَمَنْ سَنَّ في الإسْلامِ سُنَّةً سَيِّئةً كانَ عَلَيْهِ وِزْرُهَا وَوِزْرُ مَنْ عَمِلَ بِهَا مِن بَعْدِهِ مِنْ غَيْرِ أنْ يَنْقُصَ مِنْ أَوْزَارِهِم شىْءٌ"، رواهُ مُسْلِمٌ في صَحيحِهِ مِنْ حَديثِ جَريرِ بنِ عَبْدِ اللهِ البَجَلِيِّ رَضيَ اللهُ عَنْهُ.
( Qofkii islaamka sunno wacan ujideeya ajarkeeduu leeyahay iyo ajarka qofka sameeya isaga dabadii iyagoon ajarkoodana aan waxba laga jarin..qofkii islaamkana ujideeya sunno xunna isna xumaanteeduu helaayaa iyo qofka xumaantaas isna sameeya oo raaca isaga dabadii iyagoon kuwa xumaantaas sameeyeyna xumaantoodaas aan waxba laga jarin) ka eeg saxiixul muslimka .
Waxaa uu kusoo wariyey Imam al-xaafid al-bayhaqii kitaabkiisa lo yaqaan :-(munaaqib al-shaafici) in Imaamkayaga imaam al-shaafici uu bidcada uqeybshey laba qeybood oo kala ah :-1-bidco wacan oo lamahadiyey oo aan ka hor imaaneyn diinta islaamka iyo axaadiithta nabiga iyo 2-mid xun oo xaaraan ah oo ka hor imaaneysa diinta islaamka iyo axaadiithta nabiga waana tan nabiga ka digay ee baadida ah.
Ereyga ah "كُلُّ بِدْعَةٍ" bidca kulligeed" waxaa loola jeedaa horta weedh ahaan waa caam laakiin ulajeedadu waa qaas ahaan..micno kale waxkastaa oo cusub oo dhan baadi maahan sida maangaabka ay ufahmayaan ee ula jeedadu waa bidcada badi- deed .. waayo af carbeedku kalmadda KULLU hadba weedha ay ku jirto bey cabirtaa oo mar-mar bey qaas noqottaa sida ilaaheyba uu kitaabkiisa ku yiri:-(﴿ تُدَمِّرُ كُلَّ شَىْء ﴾ [سورة الأحقاف، 25]" duufaantii reer caad loo soo diray bal eeg aayadda kulligood iney baa-ba,een reer caad baad ufahmeysaa oo waatan uu ilaah oranayo (dhamaantood huf bey ka dhigtey)..laakiin ereyga KULLU halkaan markaan badi baa loola jeedaa laakiin qaar baa ka bad-baadey oo yaa bad baadey ? waxaa ka bad baadey nabiga iyo inta rumeysey eeg aayadda hoose siyaaqeeda:-﴿ وَلَمَّا جَآءَ أَمْرُنَا نَجَّيْنَا هُودًا وَالَّذِينَ ءَامَنُوا مَعَهُ بِرَحْمَةٍ مِنَّا وَنَجَّيْنَاهُمْ مِنْ عَذَابٍ غَلِيظٍ ﴾ [سورة هود، 58]. 8marka amarkayaga uu yimi waa aanu ka bad baadinay huud iyo inta isaga lasocotey ee rumeysey..naxariistayada darteed oo cadaab adag baanu iyaga ka badbaadiney) BAL EEG LAFDIGA AMA WEEDHA KULLU waa caam kor ahaan hadana waxaa loola jeedaa mid qaas ahaaneed...aan soo qaadano hadana tusaale kale oo kusaabsan ereyga kullu .. bal eeg xadiithka nabiga nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee:-(:"كُلُّ عَيْنٍ زانيةٌ"..) oo ah micnahedu il kastaayi waa zaaniyad bal eeg waa caam hadana nabiga waxaa uu ula jeedey waa dadka caadiga ah ee aan aheyn nabiyada waayo iyaga zaaniyiin ama orankaro oo iyagu waa macsuumiin ilaahbaana kitaabkiisa ku yiri sidata.:-(﴿ وَكُلاًّ فَضَّلْنَا عَلى الْعَالَمين ﴾ [سورة الأنعام، 86]. (dhammaan nabiyada ilaahbaa dadkoo dhan ka fadliyeelay) marka ereyga kullu saas buu mar mar ku noqon karaa caam laakiin loola jeedo hadana wax qaas ah ,,hadaan tusaale kale soo qaadano nabiga calyhi salaatu wassalaam waxaa uu yiri sidatan:-(وَقَدْ وَرَدَ في الْحَديثِ الصَّحيحِ الَّذِي رَوَاهُ أَبُو دَاوودَ في سُنَنِهِ في بَابِ ذِكْرِ الصُّورِ وَالْبَعْثِ أَنَّهُ صلى الله عليه وسلم: "كُلُّ ابْنِ ءادَمَ تأكُلُ الأَرْضُ إلا عَجْبَ الذَّنَبِ مِنْهُ خُلِقَ وَفِيهِ يُرَكَّبُ" xadiithkaan waxaa soo wariyey abuu daa,uud sunankiisa waana saxiix in nabigu yiri in qofkastaa oo dhintaa dhammaan ay ciidu cuneyso) laakiin hadana ereyga kull ama dhamaan markaan waxaa uu nabigu ula jeedey waa uun dadka caadiga ah ee kuma jiraan nabiyada..waayo nabiga isagaa horey inoogu sheegay in anbiyada aysan jirkoodu taabaneyn ciida ama dhulka sida tan buuna yiri:-"إِنَّ اللهَ حَرَّمَ عَلَى الأَرْضِ أَنْ تَأكُلَ أَجْسَادَ الأَنْبِيَاء" ( ilaah waa uu ka xaaranyeelay anbiyada jirkooda iney ciidu cunto )..sidaasi daraadeed imaam al nawawi markii uu sharaxayey xadiithka ah (kullu bidcah) waxaa uu yiri halkaan lafdi ahaan ama weedh ahaan kullu waa caam laakiin loola jeedo bidcada badideed (ka eeg sharaxiisa saxiixul muslimka-mujalladka lixaad baalka 154 aad).
مَنْ أَحْدَثَ في أَمْرِنَا هَذَا ما لَيْسَ مِنْهُ فَهُ وَ رَدٌ
"waxaa loola jeedaa oo micnaheedu yahay qofkii kusoo dara oo layimaada waxaan shareecada islaamku ka mid aheyn oo diinta ka horimaanaya ee cusubi in lagu celinaayo qofkaas" laakiin halkaasi waxaa kabaxaaya oo laga saaray waxaan ka hor imaaneyn diinta islamka iyo sunada nabiga oo ku banaan shareecada islaamka ..waana meeshaas meesha ay mashaa,iikha nada ukala saareen bidcada in loo kala qeybiya mid xun oo diinta kahor imaneysa iyo mid wacan oo diinta aan ka hor imaaneyn waana tan ay badi culimada islaamka ee uu ugu horeyo shiikh shaafici qabaan..laakiin imaamkanaga kale ee imaam al-xaafid al-nawawi isagu shan buuba ukala saaray oo waaba uu sii bal balaarshey..
MOWLIIDKU WAA BIDCO WACAN .
Hadaba mowliidka ama xuska laxusaa nabiga dhalashadiisa waa sunno wacan waana farxad lagu farxaayo dhalashada nabiga ilaahna lagu mahadinaayo ,,lagana sheekeynayo taariihkda nabiga iyo aqlaaqdiidiisii wacneyd waana weyneyn la weyneynaayo nabiga .
ADDILLADA KITAABKA QURAANKA iyo sunnada nabiga .
ilaah waxaa uu kitaabka quraankiisa ku yiri:-( ﴿ فَالَّذِينَ ءامَنُوا بِهِ وَعَزَّرُوهُ وَنَصَرُوهُ وَاتَّبَعُوا النُّورَ الَّذي أُنْزِلَ مَعَهُ أُولئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُون ﴾ [سورة الأعراف، 157] kuwa nabiga rumeeyey ee hadana weyneeyey ee haddana ugar-gaarey ee raacay nuurka uu la yimi kuwaa iyaga ah ayaa ah kuwo liibaaney) al-acraaf- 157...hadaba kuwa nabiga rumeeyey waxaa hadana lasii raacshey hadana weyneeyey oo intaas loogama sii harine waxaa lagu sii daray hadana u gar-gaaray oo loola jeedo kuwa nooleeya sunnada nabiga ee wacan..waana kuwa nuurka raacay waayo nuurka qofkastaa ilaah mahaleelsiiyo waayo in badan baad arkeysaa laabtoodu uu ilaah madoobeeyey oo ku leh mowliid maxaa ladhahaa yaa baneeyey?!! iyo wax lamid ah kuwaa iyaga ah laabtoodu ilaah waa uu dabooley mana ahan kuwa liibaaney ee kuwa liibaaney ee uu qur,aanku inoo tilmaamey waa kuwa nuurka dhabta uraacey kadib markey nooleeyeen oo ey cusbooneysiiyeen diintiisa saana ay ugu gar gaareen xuskaas ay sameeyeen oo nabiga weyneeyey waa kuwaa kuwa liibaaney maalinta khiyaamaha ka cabaya xowdka nabiga .
Xuska nabiga waa kullan ay muslimiinta isugu imaanayaan oo markaas loogu sheekeynaayo taariikhdiisa iyo sida uu diinta ugu soo khidmeeyey..iyo siiradiisa..laysuguna adkeynaayo jeceylkiisa waana qaddarin iyo sharfid iyo waliba mahad naq ilaah loogu mahadnaqaayo nimcadaas ilaah inagu maneystey kadibna cunto ayaa halkaas lagu cunaa taasoo dar alla loo bixinaayo iyo jceylkiisa sida ku cad quraanka kariimka ah:-﴿ وَيُطْعِمُونَ الطَّعَامَ عَلَى حُبِّهِ مِسْكِينًا وَيَتِيمًا وَأَسِيرًا ﴾ [سورة الإنسان، 8] raashinkaasoo lagu quudinaayo masaakiinta ..agoonta iyo laheystayaasha dagaalka(kuwa gaalada aha).
waana kulan farxad leh oo ay muslimiintu ku kulman ..waana wax kheyr leh waxaa meeshaa laga sheegayo kulankaasoo kaleetana daliil umaba baahna ..laakiin kolley kuwa diida xuska nabiga ilaah laabtooda waaba uu madoobeeyey hayeeshee hadiiba ay laabtoodu ku qaboobeyso daliil khur,aanka ah .waa tan hoos eg
قل بفضل الله وبرحمته قبذالك قليفرحوا هو خير مما يجمعون) وقوله تعالي :- ( وأفعلوا الخير لعلكم تفلحون
oo ah micnaha ( nabi allow kuwaas ku dheh idinka eebbe iyo naxariistiisa taasi daraadeed ha ku farxeen kaasoo ah waxa ugu kheyrka badan oo laysugu yimaado) sidoo kale qowlka eebbe weynaaye (kheyr fala aad liibaanteene)
hadaba kuwa diidan kullankaasi kherka iyo farxadda ahi waa kuwo ilaahey laabtooda madoobeeyey..!!
Sababta sanadkiiba mar kullankaasi loo qabanaayo iyo halka laga keenay iyo culimada baneysey ee waa weyn.
1-Xaafidkii axaadiithta ee caalimkii caanka ahaa ee loo yiqiin imaam al xaafid al xajar isagoo baneynaayo xuska nabiga kitaab dhan buu ka qoray oo ku magacaabey* al-xaawi lil fataawaa* juskiisa koowaad pp-189-197 isagoo ka hadlaaya arinkan waxa uu yiri sidan:-(waxaa ibn cabaas allaha karaadi noqdee labadooduba lagasoo wariyey in nabigu yiri nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee markuu u yimi madiina e uu lakulmay yuhuuda oo maalintaa sooman
2-Imaam jalaaludin al-suyuudhii isna sidatan buu kayiri dhalashada xuska nabiga isagoo ka alifay kitaab isku dhan oo uu waliba aad utaageeraayo ixtifaalka nabiga eeg kitaabkiisa lagu magacaabo(حُسْنُ الْمَقْصِدِ في عَمَلِ الْمَوْلِدِ") waxaa uu arinkaan ka yiri sidatan:-nabigaa waxaa la weydiiyey sababta uu usoomo maalinta isnaanta markaasuu ku jawaabey waa maalintii aan anigu dhashey qur,aankana laygu soo dajiyey)halkaana waxaa inooga cad buu yiri imaamka in wax la jecleystey tahay in lasoomo marka ilaah nimco loogu mahadnaqaayo..diintaadana aad boorka dib uga jaf-jafeyso sidaasi daraadeed waa farxad ilaah loogu mahad naqaayo weeye nimcadaas ilaah innagu maneystey kadib goortuu ilaah kitaabkiisa ku yiri weynaaye oo kor ahaaye sidatan:-(﴿ لَقَدْ مَنَّ اللهُ عَلَى الْمُؤْمِنينَ إِذْ بَعَثَ فِيهِمْ رَسُولاً مِنْ أَنْفُسِهِم ﴾ [سورة ءال عمران، 164] dhabtii ilaah waa uu ku galladeystey mu,miniintiisa waqti uu dhexdooda dadka ilaah kasoo saarey rasuul iyaga ka mid ah)hadaba nimcadaas uu ilaah inagu galladeystey haddaan ilaah looga mahadnaqin waxaa ka imaaneysa caro ilaah waayo ilaah baa kitaabkiisa ku yiri oo ah micnaha haddaad igu mahadnaqdaan nimcadeyda waan idiin kordhin hadaadse igu caasisaan cadaabkeygu waa mid daran oo adag.
Hadalkii oo kooban xuska loo ixtifaalo dhalashada nabiga waa mid banaan waana sunno wacan oo la mahadiyey oo uu inoo bilaabey boqorkii arbil ee mudaffar la oranjiray ajarkeedana iyo inta saa ku raacdo oo sameysey ajarkeeda isgaa iska leh oo uu ilaah ku maneystey..ilaahna qofkuu doonuu wax ladoonaa ..qofkii ilaah qeyrka waafajiyana kheyrbuu ilaah ladoonaa isagaana ilaah waa fajiyey ..isaga iyo inta ku raacdeyna micnaheedu maahan in ay nabiga ka jeclaayeen asxaabtii iyo salafkii oo iyagu ahaa kheyrul quruun laakiin ilaahbaa isaga kherkaas waa fajiyey..sida uu ilaah isba kheyrkaas u waa fajiyey abuu bakar al-sadiiq ururinta kitaanka kariimka uu ku kulmiyey hal kitaab micnaha maahan in uu abii bakar nabiga ka fadli badnaa ama ka jeclaa qur,aanka ..sidoo kale isna cumar bin khattaab waxaa ilaah waa fajiyey in uu muslimiinta jamaaco ahaan meel isugu keeno salaadda taraawiixda isagoo ka yiri salaaddaa sidatan:- "نِعْمَتِ البِدْعَةُ هَذِهِ"oo ah micnaheeda tani waa bidco lamahadiyey..waana run waaba lamahadiyey..taa micnaheedu maahan in uu diinta ka jeclaa abii bakar ama kaga aqoon badnaa laakiin ilaahbaa kheyrka waafajiyey isaga ..sidoo kale hadii cismaan ibn cafaan uu bilaabey aadaanka koowaad ee salaadda jimcaha ..micnaha maahan in uu ka jeclaa diinta cumar ibn khataab diinta ma kaga cilmi badnaa ..ee ilaahbaa kheyrkaas uu isagu bilaabey ilaah waafajiyey waana bidcah wacan oo uu isagu bilaabey ..sidoo kale ayaa haddaba haddaanu innagu usameyno xuska ixtifaalaka dhalashada nabiga aanaan u aheyn kuwo ka fadli badan oo ka jecel nabiga asxaabtiisii ama ka aqoon badan ..laakiin xuskan aanu qabaneyno waa wax cusub oo lamahadiyey oo wacan waayo waanu ka faraxney nimcadaas oo ilaah missana uga mahadnaqney oo waliba weneyney oo amaaney inagoon xadkiisa dhaafsiineyn..caruurta iyo dumarka iyo aqiyaarta iyo bar baarta baanu uga sheejeyneynaa siiradii nabiga iyo jaceylkiisa inagoo dhowrena shareecada islaamka iyo aqwaasha ijmaaca islaamka ..istinbaadhka qur,aanka iyo axaadiithta..nabiga ..mana aheen maanta in aan ku muranno nabiga malaxusi karaa mise maya ! nasiib darro waxaa maanta soo baxey dad nabiga nusqaaminaaya oo aan ogoleyn in laweyneeyo oo waliba u heysta weyneyntaas iyo farxadaas iyo mahad naqaas GAALNIMO taasi waa nasib darro ilaah kuwaasi hasoo hanuuniyo waa dad baadi ah bal eeg tusaale ahaan kitaabka ama buuga uu qoray al-albaani ee lagu magacaabo (تحذير المساجد من إتخاذ القبور مسا جد) eeg pp -68-69 waxaa uu ku baaqahayaa in labur buriyo qubada cagaaran iyo qabriga nabiga oo markaas lasoo saaro nabiga qabrigana labur buriyo waayo waxa meesha lagu hayo waa gaalnimo buu ku leyahay marka culimada wahaabiyada halkaas beyba ka mareysaa ..laakiin bal eeg caalimkii weynaa alsayuudhii iyo ibn xajar iyo waliba shiikh imaam al shaafici iyo waliba imaam al-nawawi sida ay ugu weyn tahay jacayla nabiga iyo xuskiisa marka dadka culimada muctabariinta ah ee diinta laga qaadan karo waa kuwee ?..makuwa nabiga sharafta u haya mise kuwa nusqaamiya?! jawaabta waxaan udaayey aqristaha .
UGU DANBEYN / ilaah ha ina waafajiyo kheyrka .. kuwii nabigooda jecel oo xusa ilaah ha inaga yeelo aamiin!!
walaalkiin/ Osman S.Hersi ( Phoilosoph)
Columbus-Ohio state-U.S.A
cismaaneey@live.com
Xuska nabiga waa mid ku banaan diinta islaamka, By Osman S.Hersi ( Phoilosoph).