Doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Magaalada Garoowe

0
Sunday October 07, 2018 - 09:58:08 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada kursi ka banaan Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Magaalada Garoowe

    Magalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa goordhow ka bilaabatay doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Doorashadan ka dhaceysa Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku tartamaya labo Musharax,kuwaasi oo kala ah Wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Maxamuud Cabdullaahi Maxamed.

Goobta ay ka socoto Doorashada Kursiga ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ergadii dooran laheyd Musharixiinta iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) Madax ka tirsan Puntland iyo Xubno kale.

Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa madasha ka hadashay,iyadoo sheegtay in goordhow ay Codeynta bilaabaneyso.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip