Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Si Kulul Afka Ugu Weeraray Alshabaab iyo Xasan Turki

0
Friday March 05, 2010 - 21:59:13 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 607
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Si Kulul Afka Ugu Weeraray Alshabaab iyo Xasan Turki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah Gudoomiyaha Ururka  xisbul salaam ayaa Salaadi Jimcaha Kadib maanta masjidka Caanka ah ee Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Abuu hureyra kula hadlay dadweynihi halkaas ku dukanayay

Sheekh aweys ayaa halkaasi ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabaneeso isagoo si aad ah ugu dheeraaday qilaafka soo noq noqday ee udhaxeeyo ururkiisa iyo Alshabaab kaasi oo sababay bur bur lixaad leh ku yimaado Ururkiisa kadib marki ay ka falaagoobeen Dad xeerada kula jiray Sheekha

Sheekh Aweys ayaa dhankiisa qiray in inta badan ay ka heshiiyeen qilaafki dhax maray Xisbul islaam iyo Alshabaab wallow sheekha wajigiisa laga dheehan karay in uu jiro wili qilaafkaka kala dhaxeeyo alshabaab

Sheekh aweys ayaa qudbadiisa kadib waxa su’aalo weydiiyay qaar kamid ah warfidiyeenada iyadoo su’aalihi qaar sheekha si careesan uga jawaabay kadib marki wax laga weydiiyay waxa ay ku heshiiyeen isaga iyo alshabaab, maadaama ay alshabaabi ay ku biireen rag miisaan ku lahaa ururkiisa

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo su’aashaasi si careesan uga jawaabay ayaa yiri “ Alshabaab waxa aanu ka heshiinay dhamaan kala shakigi nagu dhax jiray marka laga reebo arinka kismaayo oo wili la isku mari la’yahay” ayuu yiri sheekha

Sidoo kale Sh.xasan waxaa wax laga weydiiyay Sheekh Axmed Madoobe arintiisa iyo inuu iyaga wali ka tirsan yahay waxaana uu dheeraaday ka haalka arintaasi isagoo ugu horeyn ka sheekeeyay waxa uu ku bilowday dagaaladii Kismaayo ka bilowday .

"Magaalada Kismaayo waxaa isla qabtay Shabaab iyo Xisbul Islaam,laakiin dhanka Shabaabka ayaa bilaabay inay fiiriyaan dano dhaqaale,markaa ka dibna waxay magaaladii ka saareen dhankii Xisbul Islaam,waana mida keentay in Sheekh Axmed Madoobe Kenya loo raacdeeyo,islamarkaana la yiraa waa Ridoobey" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo intaasi ku daray inay shabaab hor dghigeen cadeymo ah in ninkaas ridoobey balse ay keeni waayeen.

Waxaa uu ku cel celiyay Sheeh Xasan Daahir Aweys inay qatar tahay in qof Muslim ah la yiraa waa rido,waxaana uu carabka ku adkeeyay in Sheekh Axmed Madoobe ka tirsan yahay Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam.

"xitaa Gabar Mulim lama dhihi karo waa rido hadaan loo hayn adilo cad cad" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Tusaale u soo qaatay Dowlada Soomaaliyeed Madaxdooda oo uu sheegay inay Taankiyo Gaalo hoosta galeen,sidaa daraadeedna iyaga ay cadahay inay rido yihiin.

"anaga koley waxaan u naqaan Sheekh Axmed Madoobe sarkaal Xisbul islaam ka tirsan mar hadii Shabaabku keeni waayeen adilo cad cad oo ku saabsan inuu cadowga la shaqeeyo." ayuu yiri Sh.Xasam Turki oo si weyn u difaacay Sheekh Axmed Madoobe

Mar uu ka hadlayay warkii ka soo baxay Mas'uulka Xisbul Islaam ugu sareeya Degmada Luuq ee Gobolka ee ahaa inuusan Sh.Axmed Madoobe katirsaneyn Xisbul Islaam ayuu sheekh Xasan daahir ku tilmaamay mid isaga shaqsiyadiisa ku ekeyd islamarkaana aysan iyagu la qabin.

Sheekh Xasan ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday saaxibka ay jaalka wada ahaayeen ee sheikh xasan turki isagoo mar wax laga weydiiyay fikirkiisa ku aadan ku biirida sheikh xasan turi ee ururka alshabaab waxa uuna yiri

"sheekh Xasan Turki waa qofkii aas aasay Ururka Xisbul Islaam haddana isagoon ila tashay ayuu isaga biiray Alshabaab,taasna waxaan ku fasari karnaa taariikho hore Dunida u soo maray oo ahayd in waqti hore oo qoladii aragta qolo ay is leedahay waa kaa xoogbadatan ay sameyn jirtay inay ku biirto qoladaasi kale cabsi darteed,sheekh xasan turki sidaa soo kale ayuu sameeyay" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir

Hogaamiyaha Xisbul Islaam waxaa uu intaasi ku daray in Sheekh Xasan ay qaraabo dhow yihiin Sh.Axmed Madoobe,sidaa daraadeed ay ahayd inuu ka celiyo haduu qalad ku jiro hadii kale uu ku taageero go'aankiisa.

" Xasan Turki waan ku caayaynaa go'aankiisuu uu Alshabaab ku raacay waxaana leenahay uf... uf "ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo si caro leh u muujiyay inuusan la dhacsaneyn go'aankii Sheekh Xasan Daahir uu ugu biiray Xarakada Al-shabaab

Sheekh Xasan Daahir oo ah Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa markii ugu horeysay si kulul uga hadlay go'aankii dhawaan uu Sheekh Xasan Turki ugu biiray Ururka Ashabaab.

"sheekh Xasan Turki waa qofkii aas aasay Ururka Xisbul Islaam haddana isagoon ila tashay ayuu isaga biiray Alshabaab,taasna waxaan ku fasari karnaa taariikho hore Dunida u soo maray oo ahayd in waqti hore oo qoladii aragta qolo ay is leedahay waa kaa xoogbadatan ay sameyn jirtay inay ku biirto qoladaasi kale cabsi darteed,sheekh xasan turki sidaa soo kale ayuu sameeyay" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir

Hogaamiyaha Xisbul Islaam waxaa uu intaasi ku daray in Sheekh Xasan ay qaraabo dhow yihiin Sh.Axmed Madoobe,sidaa daraadeed ay ahayd inuu ka celiyo haduu qalad ku jiro hadii kale uu ku taageero go'aankiisa.

" Xasan Turki waan ku caayaynaa go'aankiisuu uu Alshabaab ku raacay waxaana leenahay uf... uf "ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo si caro leh u muujiyay inuusan la dhacsaneyn go'aankii Sheekh Xasan Daahir uu ugu biiray Xarakada Al-shabaab

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip