Siyaaradi Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman 2005

0
Friday July 18, 2008 - 16:05:57 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaaradi Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman 2005

    Kulan diimeedkan lagu xusayay shiikha weyn shiikh c/raxman shiikh cumar iyo Sh. Muxumed shiikh c/raxman oo isna ah shiikh caalim ah oo Shiikh Cabdi wiilkiisa ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan diimeedkan lagu xusayay shiikha weyn shiikh c/raxman shiikh cumar iyo Sh. Muxumed shiikh c/raxman oo isna ah shiikh caalim ah oo Shiikh Cabdi wiilkiisa ah.

 

 

 

Masha'iikhda: Sawir fadhi ah
 
Kulan diimeedkan lagu xusayay shiikha weyn shiikh c/raxman shiikh cumar iyo Sh. Muxumed shiikh c/raxman oo isna ah shiikh caalim ah oo Shiikh Cabdi wiilkiisa ah.

kulan diimeedkaan oo sanadkiiba mar lagu qabto xarunta Shiikh Cabdi Celi oo ku taal Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, Waxaa ka soo qeyb galay dhamaan culumaa'udiinka Ahlu Sunnah Waljamaac gaar ahaan culimada Dariiqooyinka Sida Qaadiriyada,(Uweysiyo Seyliciyo) Axmadadiyo Saalixiyo, Rufaaciyo,iyagoo isaga kala yimideen dhamaan gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi qudbooyin baraarujin ah ka soo jeediyay qaar ka tirsan culumaa'udiinka Soomaaliyeed ee kulankaas ka qeyb galay.

kulankan ayaa sidoo kale waxaa fariin guud loogu diray shacabka Islaamka ah, gaar ahaan kuwa Soomaalida ah gudaha iyo dibada in ay ka fogaadaan waxyaabaha sababi kara dunuubta iyo fawaaxishada iyo waliba duco ay Masha'iqda U duceeynayaan Islaamka oo dhan gaar ahaan Soomaalida.

Mashaa’iqda ka soo qeeb gashay xuska ayaa waxa ka mid Shiikha Saxibul sijaajaha Dariiqada Qaadiriyada Somaliya ee dhawaan geeriyooday alaah u naxariisto Shiikh Aweys Shiikh Muxidin (Sh. Aweys Thani).
Sh. Axmed Sh. Max’ed Xasan (sh: Axmed gabale).
Sh: Max’ed Macalin Xasan.
Sh. Shanyaalow Sh: Max’ed Nuur Macalin( Luqman) oo ka mid ah mashaa'iqda waaweyn ee Soomaaliyeed isla markaana ka mid ah mashaa'iqda ka diin qaaday shiikheena weyn SH. C/raxman Sh. Cumar (Sh. Cabdi Celi) ayaa dhamaan u duceeyeen shacabka soomaaliyeed inuu alle- ku hagaajiyo waddada toosan, waxayna sidoo kale Masha’iqdu sheegeen in loo baahanyahay in umadda Islaamku ay is walaashadaan ayna isu jeclaadaan si Ilaah-Dartii ah.

 

 

Masha'iikhda oo kor laga masawiray Shiikh Qaasim iyo Shiikh Aweys Banaan baxa Shiikh C/raxman Shiikh Cumar iyo masha'iikhda ka soo qeeb gashay, Reer Shiikh Axmed Gabale iyo Shiikh Qaasim Qaar ka mid ah masha'iikhda ka soo qaybgashay xafladda

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip