|
Qur'aan aqriska siyaaraadka ayaa waxaa uu bilaawday 14/12/1426h/14/01/2006m Subacyada siyaaraadka ayaa bilaawday 01/01/1427h kuna beegan 11/02/2006m iyada oo banaan baxyada siyaaraadka ay kala dhaceen 10/01/1427h ahna 09/02/2006m iyo 12/01/1427h ahna 11/02/2006m. Siyaaradkaan ayaa si aad iyo aad u weyn looga wada tagaa dhamaan gobolada dalka iyada oo intaan kasii balaarneed xiliga uu dalku lahaay maamul dhexe. Siyaaraadkan ayaa waxaa ka qeyb galo culuma'udiinka somaliyeed ayaga oo wacdi iyo tusaalooyin ugu soo jeediyo in ilaah uu dalka iyo dadka somaliyeed u soo dajiyo nasri qeer leh sidoo kale ayaa waxa ka dhacay inta ay socotay xuska masha'iqda muxaadirooyin waa weyn oo dadka caamada ah ee somaliyeed looga digo kooxaha raad raaca iftiinak islaamka jah wareeriyay in ay ka fogaadaan oo wax aqoon ah ulaheen diinka sidoo kale ayaa waxa ay masha'iqda soo ban dhigeen taariikhda masha'iqda, (taariikhda oo faah faahsan insha'alaah webka ayaan idin soo gili doonaa).Masha'iqda halkaa sida aadka ugu hadashay ayaa waxa ka mid ahaay Shiikh Cismaciil Cali Cumar iyo Shiikh muuse maxamed Rooble oo ah culimo aad uda'yar isla markaana ka mid ah talaamiida ama ardayda, Sh: muxumed Sh: C/man ayaga oo inta aysan wacdin fasax iyo idin ee ka qaateen masha'iqda ka waa weynaa ee halkaas iskuugu yimid taas oo culimada ahlsuna waljamaaca ee ugaar tahay is ixtiraamid iyo weyneenta masha'qda waa weyn iyadoo ugu danbeyntii ijaasada qaadiriyada meeshaa looga qaatay sxbul waqtiga ee dariiqada qaadiriya asayid shiikh axmed bin shiikh uweys. Culimada ka soo qeyb gashay siyaarada ayaa waxa ka mid ahaa: W/D C/raxman Shiikh C/laahi (Farxad95@hotmail.com)
|
Siyaaradi Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Muxumed 14/12/1426h-14/01/2006.
SOMALIAx 14/12/1426h-14/01/2006. Waxaa ka dhacay degmada Warsheekh ee duleedka gobolka shabeelaha dhexe siyaaradi weyneed ee masha'iqda ahlu sunada wal jamaaca ee SHEEKH C/RAXMAN BIN SHEEKH CUMAR IYO SHEEKH MUXUMED BIN SHEEKH C/RAXMAN