Shir Ciwaankiisa laga dhigay Soomaaliya iyo Xigmadda Shareecada islamarkaana uu ka qeyb galayaan Madaxweynaha dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo culumaa’udiink Caan ah ayaa maanta ka furmay Magaalada Dubia.
Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Xarunta Caalamiga ee dib u cusbooneysiinta ayaa waxaa uu rasmi ahaan uga furmay Magaalada Dubia ee isugu taga Imaaraadka Carabta.
Kulankaani oo uu shir gudoominayo wadaadka Caanka ah ee u dhashay dalka Mauritania Sheekh Cabdala Bin Beeh ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheeklh Axmed,Mashiir Sawaari Dahab oo ka mid ah madaxdii soo martay dalka Suudaan, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Axmed walad Cabdala iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Ururka Islaamka.
Ujeedada shirkaani ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay in dhinacyada Soomaaliya isku haya ay miiska Wadaxaajoodka isugu yimaadaan iyo sidoo kale in daboolka looga qaado waxyaabaha shareecada Islaamka ay ka qabto in la dilo dad Islaam iyadoo la adeegsanyo hubka nuucyadiisa kala duwan sida ay Xaqiijiyaan ilow wareedyo ku dugan halkaasi.
Shirkaani ayaa waxaa uu imaanayaa xili dalka Soomaaliya ay ka jiraan dagaalo adag oo dhibaateeyay shacabka Muslimiinta ee ku dhaqan guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo Bartamaha Soomaaliya.
Madaxweyne Shiikh Shariif Sh Axmed oo ka qayba galaya Shirka Xigmada Shareecada Islaamka...