Dr. xabeeb “kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho inaan ilaaliyaan Dadka dhimirka la"

0
Tuesday April 20, 2010 - 14:44:29 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr. xabeeb “kooxaha ku dagaalamaya Muqdisho inaan ilaaliyaan Dadka dhimirka la"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta magaalada Muqdisho shir Jaraa’id ku qabtay madaxa Cusbitaalka Dhimirka Dr. C/Raxmaan Cali Cawaale (Dr.Xabeeb), wuxuuna ka hadlay xuquuqda ay leeyihiin Bukaanada dhimirka La’a ee magaalada Muqdisho jooga.
 
Dr. Xabeeb waxa uu sheegay in loo baahan yahay inaan lagu xadgudbin bukaanada qaba Cudurka dhimirka, wuxuuna dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho inaysan ku xadgudbin ama aysan dilin.
 
“Hadii ay yihiin Shabaab, Xisbul Islaam ama TFG-da waxaan ugu baaqayaa inaysan ku xadgudbin Bukaanada dhimirka la’a, waxaana u sheegaynaa inay sidoo kale soo daayaan hadii ay jiraan dad bukaano ah oo ay xabsiyada ku hayaan, anagoo diyaar u ah inaan ku booqano meel kasta oo ay doonaan si aan u hubino caafimaadkooda” ayuu yiri Dr. C/Raxmaan Cali Cawaale (Dr.Xabeeb).
 
Dr. xabeeb waxa uu sheegay in muddo 4-sanno ah ay ka shaqeynaayeen dawaynta Cudurada Dhimirka la’a, wuxuuna sheegay in mudadaasi isbitaalka xabeeb la soo gaarsiiyay tiro Bukaano ah oo gaaraya 6773-qof, wuxuuna sheegay in cusbitaalkasi ay hada ku jiraan ilaa 223-Bukaan oo xanuunsanaaya.
 
“Waxaan ku tabaynaa in Ciidamdii Itoobiyaanka ay dileen ilaa 73-Bukaan oo kuwa dhimirka la’a, waxaana u sheegaynaa kooxaha ku dagaalamaya inay ilaaliyaan xuquuda dadka Dhimirka ka jiran” ayuu yiri Dr. xabeeb oo sheegay inay diyaar u yihiin daweeyaan cid kasta oo ay u keenan.
 
Dr. Xabeeb waxa uu sheegay inuu ugu baaqayo kooxaha isaga soo horjeeda Dalka inay u turaan bukaanada dhimirka la’a, islamarkaana ay oryahooda ammaankiisa ka xiraan dadkaasi jiran.
 
Sidoo kale waxa uu sheegay Dr. Xabeeb in mar kasta ee uu dagal ka dhaco magaalada Muqdisho ay saaidayso dadka qaba Cudurka Dhimirka qaba, wuxuuna sheegay in madaafiicda iyo dagaalada ay ku kordhayaan dadkaasi xaniinsanaaya ay la il daran Cudurka ku dhaca.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip