Dagaalki qaraaraa ee aroornimadi hore ee saakay ka qarxay tuulooyinka hoos yimaado degmada Masagaway ee Balaquwad iyo Maraay Suuley ayaa waxa lasoo sheegayaa in uu haatan marayo heer gabo gabo ah, iyadoo ciidamada dagaalka udhaxeeyana ay iminka kala joogaan fariisimo aad uga darugsan halka marka hore dagaalka ka bilaawday.
Dagaalka oo marki horeba sida la sheegay ku bilaawday weerar ay qaadeen dhinaca Ahlusunnah ayaa wararki udambeeyay ee aanu ka heno deegaanadaani sheegayaan in culuma'udiinka ahlusunah ay halkaasi kasoo hoyeen guulo taariikhi ah iyadoo dagaalka iminka marayo deegaanada kala ah Ceel Abaaji iyo Hilowle gaab oo ka wada tirsan degmada Ruun Nirgood ee Gobolka Sh/Dhexe.
Culuma'udiinka ahlusunah oo taageero hiil iyo hooba ka helay Dadka ku dhaqan deegaanadaani ayaa waxa ay dagaalki maanta usaamaxay in ay jibaaxaan masaafo aad udheer marka loo fiiriyo fogaanshaha ay isu jiraan Degmada Masagaway oo ah halka ay kasoo ruqaansadeen iyo Ceel Abaaji iyo Hilowle Gaab oo ah halka iminka marayo Dagaalka.
Ahlusunah ayaa sidoo kale waxa ay tibaaxeen dagaalki maanta in ay ku dileen in ka badan 75 ruux oo katirsan maleeshiyada xarakada alshabaab iyadoo tiro intaa ka badan oo dhaawac ah , ahlsunnah ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay jiraan tiro Ciidan katirsan Alshabaab oo aan cadadkooda la cayiman in ay nolosha kusoo qabteen isla markaana la marsiin doono waajibaadkooda .
Dagaalki Maanta oo ahaa mid qaraar isla markaana ay ka qeyb qaadanayeen gurmadyadi udambeeyay ee labada dhnac soo kala gaaray gaar ahaan dhinaca ahlusuna oo iyaga gurmadka ugu badan ee soo gaaray ahaa dadka deegaanka ah oo ubadan beeraleeda iyo geeleyda gobolka halka dhinaca Xarakada alshabaabna oo gurmad kasoo gaarayay Fariisimanka ay ku kala leeyihiin deegaanada ay ka taliyaan iyadoo sidoo kale ay jirtay gurmad xoogan oo maanta soo gaaray alshabaab kuwaasi oo ilaa iyo gobolada Bay iyo Bakool kasoo ruqaansaday.
dagaalka maanta oo iminka kusoo biyo shubtay laba jiho oo kala ah Ceel Abaaji iyo Hilowle gaab ayaa waxa uu iminka dagaal xoogani ka socdaa dhanka Hilowle gaab halkaasi oo ciidan gaarayo ku dhawaad boqol oo katirsan xarakada alshabaab ay ku go'doonsan yihiin, iyadoo go'doon galida ciidankaani loo aaneenayo laba sifo mid waa ciidanki oo aan garaneen dhulka iyo goofafka gaar go'anka ah ee iminka dagaalka kusoo fiday iyo Ciidamada ahlusuna oo marki horeba ahaa dad deegaanka ah aadna ugu dheereeyo aqoonta dhulka howdka ah ee iminka dagaalka ka socda.
hadaba kala soco wararkeena danbe iyo halka ay ku dambeeyaan cutubyadaan ciidan ay isla galay Howdka Deegaanka Hilowle Gaab ee Gobolka Shabeelaha Dhexe
Dagaalki Balaquwad iyo Maraay Suuley oo lagu kala Baxay iyo Ahlusuna oo guulo Taariikhi gaartay