Hordhac: Jacaylku sidiisaba lama arko, lamana uriyo lamana maqlo laakiin waa dareen qofka bani’aadamka Illahay ugu talo galay in loogu noolaado laguna camiro koonkan aynu ku nool nahay iyadoo la raacayo tilmaamaha ama dariiqa uu Alle SWT u jideeyay, hase yeeshee inta badan tirakoobka arrimaha jacaylka dhabta ahi dhex maro lamaanaha aad ayay u yar tahay 70% inuu u hirgalo sidii wanaagsaneyd.
Haddaba Sheekada ARRIN WAALID IYO CADAABTII JACAYLKA waa qiso dhab ah oo ka dhacday magaalooyinka Muqdisho, Nairobi, Jiddah iyo Stockholm bilowgii sanadka 2009-ka, waxayna ku saabsan tahay lamaanayaal jacayl wadaag ah, balse ay soo food saareen caqabado isku hor gudbay hamigoodii.
Inkastoo dhalin yarada maanta ay yihiin kuwo aad u qadriyo arimaha jacaylka iyo raadintiisaba ayaa haddaba waxaa dhacdo in ay hanan waayaan arimo uga yimaado dhanka waalidka awgood. Sidee waalidka ay ugu qancin karaan inay ka qaadaan cunaqabateynta iyo faquuqa dabarka looga dhigay lamaanayaashaas?.
Sheekada ARRIN WAALID IYO CADAABTII JACAYLKA waxay ka tarjumeysaa jacaylka noocyadiisa kala duwan, gaar ahaan midka daneysiga ah, ee aan laga lahayn mustaqbal wanaagsan iyo kan dhabta ah, iyagoo lamanayaasha dhibaato aan halkaan lagu soo koobi karin kala kulmaya nacabkooda.
Si kastaba ha,ahaatee waxaa jirto kuwo daneysatayaal ah oo kudaneysta arimaha jaceylka iskana dhigo kuwo u heelan jacaylka iyo baahidiisa dadkaasi ayaa waxay iska dhigaan dad qadariyo jacaylka laakiin waxay kuraadsadaan arimo laxiriiro dhaqaale taasina waa mid aan shaqo kulahayn arimaha jacaylka, jacaylka sidiisaba dhaqaalo iyo dhaqaale daro kuma xirmo ee waa wax aan indho lahayn dhegana lahayn dareen uun ku kooban, taasina waxay kutusi kartaa inuu ubaahan yahay in laga ilaalsho wax qiyaano leh iyo axdi kabax lagu sameeyo waqtiyada qaar ayaa waxaa la arkaa in waalidku uu iska dhegatiro arihama jacaylka uu ubadkiisa kuwaaniyo in uu uguuriyo qof dhaqaalo leh ayna ku amraan kadib ayaa waxaa dhacado in aywada dhaqmiwaayaan labada leykugeeyay leyskuna qasbo mararka qaarkood ayaa waaa dhacdo inay isdisho amaba ay aado ruuxii ay jeclayd.
Jacaylku wuxuu u baahan yahay dad isku heelan qiimeeyana marwalbana xusi kara dhib iyo dheefna isla qeybsado wax walbana isla socodsiiyo.
Inkastoo aynu ognahay in arimaha jacaylka uu aad udhib badan yihiin haddana sideebaa looga dhaafi karaa xaaladaha lasoo darisay arimaha jacaylka loona xusi karaa loogan dhaadhicinkaraa waalidiinta aan aaminsaneyn arimaha jacaylka iyo haddii leyku diido labada ruux ee ishanatay dhibaatada ay lakulmi karaan? !!!!!!!!!!!!!!!
La soco Qeybta 1-aad
(Sheeko) ARRIN WAALID & CADAABTII JACAYLKA!!! (W/D: Raaxo Max'ed Shariif)