Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Kenya ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay inay Ciidanka ammaanka u direen Xadka deegaanka Mandheera si ay u ogaadaan sababta ka dambeysa in shineemooyinka la xero Daawashada Ciyaarahana la joojiyo.
Ciidamo ka tirsan Sirdoonka Dalka Kenya ayaa la geeyay Magaalada Mandheera si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa Culimada Deegaankaasi oo dhawaan soo jeediyay in la xero Shineemooyinka, lana mamnuuco daawashada Ciyaaraha oo dhalinyarada inta badan daawadaan.
Dowladda Kenya ayaa ka shakisan Culimada Mandheera inay iyagu ka dambeeyeen, islamarkaana amarkaasi ay ka heleen Al-Shbaab, waxa uuna Sarkaalka hadlay uu sheegay inuu jiro xiriir ay la soo sameeyeen Al-Shabaab Culimada Deegaankaasi, wuxuuna sheegay Sarkaalkaasi in Al-Shabaab ay Hambalyo u soo direen Culimada Deegaankaasi.
Dowladda Kenya oo sheegtay iney al shabaab uga shakisantahay amarkii lagu xiray shinemoyinka mandhera
Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya inuu ka dambeeyo in la xir xiro Shineemooyinka Degmada Mandheera ee Gudaha Dalka Kenya.