Dowladda Canada ayaa la sheegayaa inay lacago fara badan oo garaysa $1.9 Milyan doolarka Maraykanka ku bixinaysa sidii ay gacan uga gaysan lahayd Qaabkii dhalinyarada Soomaaliyeed looga hor joogsan lahaa ka ganacsiga daroogada, sida ay sheegeen saraakiil dalkaasi ah.
Maamulka gobalka Alberta ee dalka Canada ayaa shaaca ka qaaday inay lacagtaan u bixinaayaan sidii loo dhimi lahaa ka ganacsiga Dhalinyarada Soomaaliyeed ee la xariirta Daroogada, iyadoo sidoo kale la sheegayo in lacagtaasi loo adeegsanaayo Barnaamijyo sadax ah oo laga hirgelinaayo guud ahaan gobalka oo idil.
Dowladda Canada ayaa sheegtay in lacagtaasi qaarkeed loo adeegsanaayo sidii Soomaalida ku nool dalkaasi ay ugu milmi la haayeen dadka Canada, iyadoo laga caawinayo xagga Shaqada, Waxbarashada iyo Luuqada.
Waxay sidoo kale Dowladda Canada lacagtaasi qeyb ka mid ah oo gaaraysa 595,000$ ay ugu talo gashay la socodka xaalada guud ee tababarka dhalinyarada Soomaalida iyadoo lacagta inta badan ay ka imaandoonto Gaaska dabiiciga ah ee dalkaasi Canada .
Sidoo kale lacag gaaraysa ilaa 202,000$ ayaa iyana la siinayaa Soomaalida ku dhaqan dalka Canada si ay caruurtooda uga ilaaliyaan denbiya ay gelayaan.
Ugu yaraan 30 ruux oo dhalinyara Soomaali ah ayaa lagu dilay gobalka Alberta shantii sano ee la soo dhaafay kuwaasi oo badankood sababsaday dhibaata uga timid dhanka ka gabnacsiga daroogada.
Dowlada Canada oo ku jahwareersan qaabki loo yareen lahaa Somalida Daroogistada