Kullan balaaran oo ay isugu yimaadeen ardayda Somaliyeed ee jaamacadaha dalka K/Afrika oo ka dhacay Johannesburg. (Sawiro)

0
Monday September 15, 2008 - 11:12:16 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kullan balaaran oo ay isugu yimaadeen ardayda Somaliyeed ee jaamacadaha dalka K/Afrika oo ka dhacay Johannesburg. (Sawiro)

    Aqoonyahano, profosooro jaamacadeed, ardayda jaamacadaha, iyo ardayda kuleejooyinka tacliinta sarre oo dhamaantood ku howlan arrimaha waxbarashada, ayaa kullan balaaran ku yeeshey xalay magaalada Johannesburg ee xarunta ganacsiga dalka Koonfurta Afri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoonyahano, profosooro jaamacadeed, ardayda jaamacadaha, iyo ardayda kuleejooyinka tacliinta sarre oo dhamaantood ku howlan arrimaha waxbarashada, ayaa kullan balaaran ku yeeshey xalay magaalada Johannesburg ee xarunta ganacsiga dalka Koonfurta Afrika, kullanka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo hormarin lahaa waxbarashada dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkani. Goorta uu kullanka furmayay ee looga hadlayay mustaqbalka dhalinta Soomaaliyeed ayaa waxaa Cape Town lagu aasayay wiil 24 jir oo rag hubeysan ay toogteen.

 

 


prof cigaal iyo prof cabdifataax iyo siciid fuuraa

 Kullanka waxaa kasoo qeybgalay in ka baddan 20 qof, waxaana soo qabanqaabiyey qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha, iyo aqoonyahano Soomaaliyeed, waxaana goobjoog ka ahaa Profasoor Cigaal oo ah bare wax ka dhiga jaamacada Vaal University of Technology ee magaalada Johannesburg, kulanku oo bilowdey casirnimadii, socdeyna illaa 08:30pm habeenimo ayaa looga hadlay ujeedkii loosoo qabanqaabiyey oo ahaa in lagu falanqeeyo, laguna laffo gurro taageerada laga geysan karro dhimista heerka aqoon darada ee Soomaalida dalkani joogto, iyadoo taasi loo marayo in wacyigalin, iyo cilmi baaris lagu sameeyo waxyaalaha hortaagan in Soomaalida ay wax ka bartaan dalkani oo fursadaha waxbarasho ay yihiin kuwa isha iyo baasha ah, gaar ahaan Soomaalida oo xagga waxbarashada la xaquuq ah dadka dalka u dhashay, maadaamaa ay qaxootinimo ku joogaan dalka.

 Kullanka fikradiisa waxaa lahaa Injineer Cusmaan oo ah aqoonyahan dhalinyar oo ka yimid dalka Canada, iminkana xirfadiisa kaga shaqeeya dalkani, mar uu hadlay wuxuu sheegey in waligiisba uu ku riyoon jirrey in ummada Soomaaliyeed uu gaarsiiyo heer wanaagsan oo xagga waxbarashada ah, uusana ka daali doonin, wuxuu intaasi ku darray in ay lagama maarmaan tahay in ardayda soomaaliyeed laga caawiyo xagga waxbarashada.

Waxaa kulanka la’isla soo qaaday in ardayda jaamacadaha dhigata ee Soomaalida ah eeysan tirro ahaan gaaraynin 50 arday, waxaana la ogyahay in Soomaalida dalka joogta ay gaarayso 30,000 (30 kun qof), oo 80% ay dhalinyaro tahay, hadaysan ka badneyn. Halkaas oo aad ka qayaasi karto baaxada waxbarasho la’aanta dadka heysada.


Cabdifataax ismaaciil iyo Cabdalla.jpg

Cabdifataax Xikam iyo caqiil.jpg

 Profosoor Cigaal oo si xeeldheer oga hadlay qibradiisa ku aadan arrimaha waxabarashada dalkani ayaa sheegey in Soomaalida ay heystaan fursado qaali ah oo laga yaabo in eeysan markale soo marrin, wuxuu tusaale usoo qaatay bulshooyin kale oo horman weyn ka qaaray arrimaha waxbarashada, waxaa sidoo kale hadal ka jeediyey kullanka Cabdifataax Ismaaciil oo ah isaguna bare wax ka dhigayay jaamacada Cape Town, horeyna shahaadada Master-ka oga qaatay, laakiin caawo ku qornaa duulimaad ku wajahnaa magaalada London ee dalka Britain halkaas oo uu ka diyaarinayo shahaadadiisa PHD-ga, Cabdifataax ayaa wax ka taataabtay qibradiisa waxbarasho maadaamaa uu ahaa arday dalka wax ku bartay, iminkana heer ka gaaray waxbarashada illaa heer uu ku shaqo gallo, iminkana uu gaaray illaa PHD, taasoo ah wax ku dayasho muddan.

 Waxaa isaguna kullanka ka aqriyey qoraal cilmi baaris la sameeyey ah Cabdifataaxa Sheekh Maxamed Xikam oo ah arday waxka barta jaamacada WITS ee Johhanesburg halkaas oo uu ka diyaaranayo shahaada Master-ka, wuxuu qoraalkiisa ku faahfaahiyey taariikhda waxbarasho ee dalka, tirada jaamacadaha dalka, iskuulaadka, tirakoobyada ardayda jinsiyadaha kale duwan ee dalka ku dhaqan, tirakoobka barmooska ardayda, isbadaladii dhacay tan iyo illaa xiligii nidaamkii midab takoorka, tusaalayaasha wanaagsan ee ay Soomaalidu kaga dayan karto ummada soo haajirey, iyo fursadaha ay heystaan ardayda Soomaalida oo uu sheegey in ay aad oga sarayso tan ay heystaan ardayda ka yimaada wadamada dowladaha leh.



Ibraahim xirsi Galaweey.

 Ganacsade Ibraahim Xirsi, kana mid ah dadka sida weyn dalka looga qadariyo ayaa isaguna kullanka ka aqriyey qoraal cilmi baaris ah oo laga soo diyaariyey caruurta Soomaaliyeed ee dalka wax ka barata, gaar ahaan kuwa waalidkooda la nool, warbixinta ayaa si qeexan loogu faahfaahiyey dhibaato xoog leh oo heysata caruurta dalkani wax ka barata.

 Ugu dambeyntii waxaa la saaray guddi 7 xubnood ka kooban oo soo sameeya qoraalo tifaftiran oo ku saabsan dhibaatada waxbarasho ee heysata mushtamaca Soomaaliyeed ee kooda yar iyo kan weynba ay ku wada mashquuleen ganacsiga geerida ka dhalato ee tuulooyinka, sida loo caawin karro ardayda dooneysa in ay jaamacadaha iyo iskuulaadka gasho, sida dadka loogu dhiiragalin karro, iyo sidii loo siin lahaa dadka xog dhab ah oo ku saabsan nidaamka waxbarashada. Gudigani 7 xubnood ah ayaa soo warcelin doona muddo bil ah gudahood, kolkaas oo la qaban doono kullanka kale oo lagu sii laffo gurro arrimaha, kadiban laga talaabo qaado.


kasoo qeybgalayaashi Kulanka

pro cigaal, galawey,injineer cusmaan.

 Xiliga uu shirka furmayay waxaa magaalada Cape Town lagu aasayay wiil 24 jir ah oo rag hubeysani ay maalin ka hor ku toogteen tuulada Delf ee Cape Town, halkaas oo uu dhex joogey ganacsigiisa, waxaa wiilkani lagu magacaabi jirrey Cabdiwali Cali Cadaan, labbo maalmood ka hor mid kale oo ay isku da’yihiin ayaa lagu diley gobolka Mpulanga, halka todobaadyadii ka horeeyey la diley illaa 6 kale oo dhamaantood dhalinyarro heerkii ay waxbaran lahaayeen joogey.

 Ardayda iyo aqoonyahana isu yimid ayaa walaac xoogan ka muujiyey dhibaatada Soomaalida heysta, iyo heerka jahliga oo gaaray heer aan la aqbali karrin, waxay sheegeen in aysan jirrin ummad hormar gaartay, illaa ay tahay mid aqoon leh mooyaane, waxay ku balan qaadeen in ey qaban doonaan intii karaankooda ah oo waxa ugu yar ee la qaban karro uu yahay in ardayga la siiyo tallo bixin halka ay wax ka jirraan si taasi ugu dhiiragaliso in uu naftiisa iyo dalkiisa iyo dadkiisa wax u barto.


sheekh cabdisamad seed iyo arday kale.

prof Cigaal.jpg 

 

Maxamed Deeq Muuse (Deeq Darajo)
deeqdarajo100@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip