Duqeymo goor dhaw ka qarxay Degmooyinka Waqooyiga Muqdisho

0
Wednesday May 26, 2010 - 16:22:30 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeymo goor dhaw ka qarxay Degmooyinka Waqooyiga Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaafiic xooggan iyo daryaanka rasaasta culus ayaa hadda laga maqlayaa Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhinaca Waqooyi, iyadoo madaafiicda ay isweydaarsanaayaan kooxaha isaga soo horjeeda Dalka.

 Lama oga qasaaraha dhabta ah ee dagaalkaasi, waxaana la sheegayaa in dagaalkaasi ay ku dhinteen in ka badan 5-qof, halka 8-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen madaafiic xooggan oo gallinkii dambe ee Maanta la isku weydaarsaday Magaalada Muqdisho.

 Madaafiicdaan ayaa jawaab u ahayd  Madaafiic lagu weeraray fariisimada Ciidamada Dowladda KMG ah, waxaana dhaawacyadii ka dhashay duqeynta oo kala duwanaa la gaarsiiyay Cusbitaalada Muqdisho.

 Sidoo kale madaafiicda oo ku dhacday xaafado ku yaala Degmooyinka Kaaraan, Shibis, Boondheere iyo Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay sababtay dhaawacyo gaaray dad rayid ah.

 Madaafiicda ay dhinacyada iska soo horeeda isku weydaarsadaan Magaalada Muqdisho ayaa waxay kahsaare ka soo gaartaa inta badan  dadka rayidka ah, iyadoo kooxaha iska soo horjeeda ay isku eedeeyeen khasaaraha dhasha inay qolo kasta ay qolada kale ka dambayso duqaynta Goobaha Rayidka ku dhacda.



W/D: Abdi Shiine Moalin

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip