Sh. C/qaadir Cali Cumar oo Qudbad aan looga Baran ujeediyay Shacabka Reer Muqdisho

0
Wednesday July 14, 2010 - 11:19:34 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sh. C/qaadir Cali Cumar oo Qudbad aan looga Baran ujeediyay Shacabka Reer Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda KMG ah Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa khudbad uu jeediyay maalinimadii shalay uga hadlay xaaladda nabadgelyo xumo ee ku sii kordheysa magaalada Muqdisho, wuxuuna Wasiirku tilmaamay in sababta arrintaasina ay qeyb ka yihiin shacabka magaalada Muqdisho, hase yeeshee Wasiirka waxa uu sharaxaad ka bixiyay qaabka lagu heli karo nabad buuxda oo ka dhacda magaalada Muqdisho.

Khudbadda Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda KMG ah waxa uu uga hadlay dhacdooyinka dalka ka dhacaya oo uu sheegay inay iyagu la socdaan, isagoo sheegay in kooxaha mucaaradka ah ay iyagu mas'uul ka yihiin falalka ka dhacaya Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in dowladda KMG ah aysan ka hortegi karin haddii aysan dadweynaha garab ku siin soo celinta amniga.

"Dadka guryaha ka kireeya kuwa nabadgelyo xumida ka dambeeya haddii ay sheegi waayaan sow ma cada inay iyagu qeyb ka yihiin?" ayuu isweydiiyay Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo sheegay in maanta ay jirto fursad lagu gaari karo nabadgelyada Muqdisho, isagoona intaasi raaciyay hadalkiisa in nabadgelyada ay tahay waxa ugu horeeya ee umaddi ku gaari karto nolol iyo horumar dalka oo dhan ku baaha.

Waxa uu sheegay Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo dhinaca kale ka warbixiyay tallaabooyinka ugu horeeya ee asaaska u ah in Muqdisho noqoto 20-sano kaddib mid nabad ah marka hore loo baahan yahay midnimada shacabka, ayna meel iska dhigaan wixii horay u dhex maray una jeestaan sidii ay qalabka ugu qaadan lahaayeen cadowga nabadda Muqdisho.

"Gumeysigii aan la diriri jirnay tan way ka daran tahay, waxaana looga gudbi karaa midnimada iyo iskaashiga shacabka Muqdisho" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda KMG ah oo isagu in badan goob joog u soo ahaa isbedeladii dalka ka dhacayay iyo xaaladda uu maanta ku sugan yahay dalka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip