Guddoomiye Tarsan: "Fikradda 4.5 waa cadowga ugu weyn ee Dadka iyo dalka Soomaaliyeed u diidan wadaniyadda"

0
Wednesday August 04, 2010 - 15:17:57 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Tarsan: "Fikradda 4.5 waa cadowga ugu weyn ee Dadka iyo dalka Soomaaliyeed u diidan wadaniyadda"

    Guddoomiyaha G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo shalay ka qeyb galay xaflad ka dhacday degmada X/Weyne laguna furayay xafiisyo cusub oo degmadaasi laga furay ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad gebigeed ay si weyn u soo dhoweeyeen shacabka dega

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo shalay ka qeyb galay xaflad ka dhacday degmada X/Weyne laguna furayay xafiisyo cusub oo degmadaasi laga furay ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad gebigeed ay si weyn u soo dhoweeyeen shacabka degan Degmada Xamar Weyne, waxa uuna Md. Tarsan ugu horeyntii ka hadlay taariikhda degmadu leedahay iyo marxaladihii kala duwanaa ee horay u soo maray iyo waliba xaaladda ay maanta ku sugan tahay

Waxa uu sheegay Guddoomiye Tarsan in ka maamul ahaan Degmada X/Weyne ay u doorteen inay noqoto degmada ugu weyn ee ay ka fulinayaan mashaariic lagu horumarinayo, waxa uuna dadka degmadaasi ka ballanqaaday in maamulka G/Banaadir dhowaan halkaasi ka bilaabayo tababaro loo furayo qaar ka mid ah dadka degan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu dadweynaha degmada X/Weyne u sharxay rabitaanka maamulkiisa la damacsan yahay degmadaasi oo uu sheegay inay doonayaan sidii ay dib ugu soo noqon lahayd waxyaabihii ay caanka ku ahayd degmadaasi, waxa uuna soo qaatay magacyada goobihii caanka ahaa ee ku yiilay.

Dhinaca kale Guddoomiye Tarsan waxa uu si weyn uga hadlay fikradda 4.5-ka oo uu sheegay inay tahay cadowga ugu weyn ee hortaagan horumarka dadka iyo dalka, isla markaana haddii aan lagu dhaqmo aanay jiri doonin wadaniyad, hufnaan, karti, ammaanada iyo daacadnimo inay dadku ku wada shaqeeyaan.

"Qabiil Qaran ma dhisi karaa, maamul wanaagsan ma keeni karaa, qabiilka wuxuu horseedaa burbur iyo colaad" ayuu yiri Guddoomiye Tarsan oo ku booriyay dadka degan X/Weyne inay ka hortagaan wax kasta oo u horseedaya dib u dhac, waxa uuna sheegay in dadka degmadaasi ay diideen in xadaaradoodii la burburiyo.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip