GEEDDI: SAADO CALI WARSAME WAA SOOMAALIYAD DHAB AH

0
Saturday August 07, 2010 - 21:48:58 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GEEDDI: SAADO CALI WARSAME WAA SOOMAALIYAD DHAB AH

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saado Cali, waa Danjirada ( Ambassador) danta guud ee Soomaliya iyo dhiba-nayaasha Somaliyeed, meel kasta haka joogaanee   todobada  (7) qaaradood ee adduunka.
 
Sida ay Soomaali  badan ay u qirsan tahay, Saado Cali qabiil uma qayliso ee waxay Qareen ( Lawyerad amba Lawyer) u tahay ilaalinta  midnimada Somaliya, qaranimada Soomaliya iyo u qaylinta  qoonka dulman  laga soo bilaabo sanadkii 1971kii, markii ay qaaday heestii caanka aheyd " Ninkii madaxweyne dhaarta dhoobada dalka ugu horreeyay, dhiggiisa markii la doortay xukunka xarrakada u dhiibay miyaa miyaa xabsi dhagax ah jiifa, dhammaan heer Waqooyi aaway? iwm.
 
Haddii aynu soo qaadano qaar ka mid ah heesihii  ay qaaday xilligii Xukuumadii Militariga aheyd  ee  dalka soo  hogaamisay sanadahii  Oktoobar 21st, 1969 -  Disember 31st, 1990kii waxaa ka mid ahay:-
Waa maan guracan iyo garasho jaan, soo bari Gelley Land-cruiser gado, guuxiisa mood  mood gob inaad ku tahay geeska Afrikow.


 
Cayaarihii Goballada " Baroon ayaa ka qeyb galay"  Banaadir waaba joognee Buuhoodle, Mudug iyo  Beled-weyne yaa tegay?  iyo qaar kale oo badan, iyadoo  nafteeda  geliyay halis aan la qiyaasi kareyn, waayo Dowladdii xilligaas jirtay waxay dadka ku bireyn jirtay Mindi af leh,
 
meesha xilligaan  oo la joogo 2010,   ay Al Shabab dadka ku bireyso Mindi aan Af laheyn iyo Miinooyin loo dhigo Masaakiin aan waxba galabsan, oo ah dan yar aad u diifaysan
 
Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Rochester, MN.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip