Ali diiriye Aloore oo dhawaan Cabdi Shujri Cali Xirsi Umagcaabay Gudoomiyaha Amniga Xoogaga Ahlu Sunna Bad-baadada Qaranka ee Gobolka Mudug oo Galabta Waraysi siiyay Qaar aka tirsan Warbaahinta Gobolka Mudug Waxa uu kaga hadlay Xaaladda Amaan ee Magaalada oo uu sheegay inay tahay mid kasii daraysa kadib markii ay ku soo bateen kooxo uu
uu ku sheegay inay Nabadda Gobolka Car qaladaynayaan
Waxa uu Cali diiriye xusay in Ciidadama Ahlu Suna ee Gudoomiyaha Amaniga uyahay laga bilabo Caawa 7:00fiidnimo ilaa 6:00 Aroornimo ay wadanyaan Roondo ay ku sugayaan Amaanka Xaafadaha iyo wadooyinka Magaalada Galkacyo oo uu ka dayriyay Xaaladdeeda Amaanka Habeenidii ugu danbeeyay waxa uu sheegay inay il Gaar ah ugu eegi doonaan Gawaardida xiliyada danbe socda ee ay wataan kooxaha buracad badeeda oo uu ku eedeeyay inay Amni darida qayb weyn ku leeyihiin
“Magaalada waxaan ku soo fasaxaynaa Ciidamo aad ubadan waxay Sugayaan Amaanka Guud ee Xaafadaha &Wadooyinka waxay ka shaynayaan Nabad Galyada dadku waa iny la shaqeeyaan Ciidamada markii la gaaro Afarta fiidnimo lama Ogolaanayo Gaari socda Magaalada dhex deeda marka laga reebo kuwa lagama maar maanka u ah bulshada waxaan digniin ueedinaynaa Kooxaha Burcad badeeda ee Gawaarida xiliyada danbe ku dhex wata Magaalada qamrigana isticmaala waxaan u sheegaynaa in talaabo culus laga qaadayo Sidoo kale Cidii lagu Qabto Hub & Qamri waxaa lala tiigsanayaa Shareecada Muxamadiyada” Ayuu yiri Cali Diiriye Aloore. Oo intaasi raaciyay inay Socon doonaan roondooyinka xiliyada habeenkii ah ilaa laga xaqiijiyo Nabad Galyo buuxda.
Cali diiriye oo wax laga waydiiyay in hawl glada ay wax ka Ogyihiin Saraakiisha Ciidamda Galmudug waxa uu kaga jawaabay “Anaga waxana ka shaqaynaynaa Amaanka dadkeena iyo dalkeean Mas’uulka ugu Sareeya Ciidamada Galmudug waa Max’d Nuur Cali Gadaar waxaana nahay isku Mawqif Nabadduna waxay noo tahay dan adeer.
Kadib hadalka Cali diiriye Aloore waxaa wadooyinka iyo Xaafadha Magaalada Galkacyo Cawa lagu arkayay Ciidamo aad ubadan oo ku labisan tuutaha kana Amar qaataha Ahlusunada uu Gudoomiyaha ka yahay Cabdi Shukri isla markaana si foojigan roondo Usamayanya waxayna talaabooyinka ugu horeeyay ay wax ka qabteen caawa ahaayeen Waxyaabaha Baaruuda ah ee ay ku Ciyaaran Caruurta oo ay ka aruuriyeen. Taas oo dhibaato ku qabaan dadweynaha Magaalada Galkacyo.
“Cali Diiriye Aloore Ciddii lagu Qabto Hub iyo Qamri Waxaa lala Tiigsanayaa Shareecada"