Macalin C/qadir: "Beesha Mantaan Cabdule Xiliyadaan Danbe ma helin Xushmadadeedi"

0
Wednesday August 18, 2010 - 22:48:12 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalin C/qadir: "Beesha Mantaan Cabdule Xiliyadaan Danbe ma helin Xushmadadeedi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoonyahan aad u da' yar oo lagu magacaabo ( Macalim c/qadir cusman) kana soo jeeda Beesha ay Somaliweyntu aadka u qaderiso, beeshaas oo la yiraahdo Mantaan Cabdulle, ayaa u waramey suxufi madax-bannan oo si kedis ah ay ugu kulmeen Suuqa weyn ee ay Soomalidu leedahay, Suuqaas oo lagu magacaabo " Karmeel" ee magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota wadanka Mareykanka.

Aqoonyahan macalim, ayaa u sheegay suxufiga madaxa-bannan, in uu aad ula yaaban yahay guud ahaan xaalada Soomaliya, gaar ahaan labaatankii (20) sano ee ugu danbeeyey sida ay wax u socdaan iyo halka ay gaartay is-xaqirida ku wajahan beelaha Soomaliyeed qaarkood, waxaan u soo joogay iyadoo Beesha aan ka soo jeedo ee deegaankeedu ku teed-san yahay caasimada Soomaliya ee muqdisho aan lagula tartamin Madax-ka noqoshada Maamulka gobalka banadir sida Guddoomiyaha Gobalka banadir iyo Duqa magaalada Muqdishu, ayuu yiri Macalimku, iyadoo ay wejigiisa ka muuqatay caro xoogan.

Maantana arrintu waxay mareysaa in si aad ah loola tartamo shaqsiga ka soo jeeda Xamar iyo Xamar-daye ee haddii uu soo boxo xitaa shaqsiga ka soo jeeday beesha Xamar iyo xamar-daye la xaqiro oo aan la sheg-sheegin shaqsigaas ka soo jeeda X&XD kartidiisa iyo wax qabad-kiisa mudada uu xilka haayo iyo marka uu ka degaba xilka balse aad loo buun-buunsho shaqsiyaadka kale ka soo jeeda beelaha kale kuwooda qabta xilka sare ee gobalka Banadir.

Aqoonyahamku, waxaa kaluu xusay inaysan beeshu ku lahayn xubno golaha Wasiirada iyo golaha Mudanayaasha Baarlamaanka, taas oo ah caddeymanka xaqiraada lagu haayo Beesha Xamar iyo Xamar daye ah.

Meesha uu Aqoonyahankaan wareysiga ku bixinaayay meel aan sidaas uga fogeyn waxaa taagnay Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banadir isla markaasna ahay Duqii hore ee Magaalada Muqdishu Mudane Mohamoud Hassan Ali Gabow ( Cadde Gabow) balse kama uusan war-hayn wareysigaan uu bixinaayay Aqoonyahankaan, Gudoomiye Cadde Gaabow waa siyaasi aad u fur-furan, dadkana ka qosliya marka uu u sheekeeyo, lehna karti uu ku kasban karo taageerayaal badan.

Qore: Farah Mohamoud Hussein ( Farah Seefey)
Seefey62@gmail.com
Minneapolis MN.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip