SIRTA KA DANBEYSA MOOSHINKA MADAXWEYNE XASAN SHEIKH

0
Sunday August 16, 2015 - 12:26:27 in Wararka by
  • Visits: 1788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIRTA KA DANBEYSA MOOSHINKA MADAXWEYNE XASAN SHEIKH

    Bur-burkii dagaalada sokeeye ee Soomaaliya, ayaa ah waxyaabaha inta badan aan la isweydiin maxaa keenay ama sababay, dad baa aaminsan in bur-burka uu ahaa wixii ka danbeyey 1991, laakin asalka wixii keennay ilaa hada aaney jirin cid ka hadasha si fur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bur-burkii dagaalada sokeeye ee Soomaaliya, ayaa ah waxyaabaha inta badan aan la isweydiin maxaa keenay ama sababay, dad baa aaminsan in bur-burka uu ahaa wixii ka danbeyey 1991, laakin asalka wixii keennay ilaa hada aaney jirin cid ka hadasha si furaha xalka loo helo. Mar hadii ay dhibaato dhacdo, waxaa kaliya ee muuqdaahi xalkuna ku jiro waa in la is weydiiyaa waxa dhacay(DHIBAATADA) maxaa keenay? Si ay u dhib yaraato xalka la raadinayo, loona soo af jaro colaaddii raagtay lana helo wadiiqo kalsooni buuxda ku abuurmi kara shacabkuna is dhex galaan, dowladnimaduna hagaagto.
Ayaan darrase mar weliba hanaanka dowladnimo waa la cuuryaaminayaa, waxaaney u lug xiran tahay shaqsiyaad Maafiya ah, kalsooni ka heysta qabiilo ay ka soo jeedaan una arka hanaanka dowlidnimo haduu dhismo in aysan dani ugu jirin oo maamulada ay ka soo jeedaan aysan heli doonin sadbuursigii ay mudo ku soo naaloonayeen, ayaga oo jaqayey dhiig ummadeed oo aaney xaq u yeelan. Dadkii xaqoodii lagu dul noolaana aysanba ka hadal ugu yaraan.

Aan usu soo laabto cinwaanka maqaalkeyga una daadago dulucda sheekadu iyo halkey sirtu ka qurunsan tahay, waxaa la yiri Baarlamankii soomaaliya ayaa Mooshin ka keenay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, in ay ka keenaan xaq bey u leeyihiin laakin shuruudihii loogaga keeni lahaa ma waafaqsana Dastuurka Federaalka lama hayo, oo aan aheyn Madaxweynuhu Dastuurkuu ku tuntay iyo Musuq baahsan baa dhacay I.W.M. Cadeyn toos ah oo gaarsiisan ilaa heer Maxkamadeed lama hayo iyo inuu galay qiyaano Qaran.

Baroortase orgiga ka weyn, sheekadu Madaxweyne Xasan Sheeikh maaha, waxaa loo socdaahi waa laba arrin mid waana arrin culus dadka ay quseysa ayaana laga rabaa in ay feejignaan badan sameeyana madaxweynaha ku garab istaagaan, guryahana ka soo baxaan waana mustaqbalka iyo aayatiinkooda la rabo inaanu dhismin, dhiigoodana la jaqo laguna dul noolaado ebbed. Aan kala qaado halkey sheekadu ka dhanaan tahay balse wejiyo kale loo yeelayo.



Markii lagu dhawaaqay Maamul Goboleedka GALMUDUG, dad bey calooshu xanuuntay, kaaga darane markii la yiri 1-da September waxaa furmaya maamul Goboleedyada harsan ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo Banaadir oo gooni ah ayaa la sameyn doonaa calool xanuunkii wuxuu isu badalay QARAS kacday, iyo in aan hurdo la ladin, loona soo tafaxeyto, halaga gaarsiiyo Xasan Sheikh hadii kale asiguna power dheeraad ah ayuu helayaa ee xagga dowladnimada, dadkiisa oo hurda ayuuna hurdadii ka toosiyay, waayo maamulada harsan waa meesha kaliya ee dowladnimadu saldhigato weligeedna sal dhiganeysay, dadyowgaa aan maamulada laheyna canshuurtooda la iska dhuuqo, dhiigoodana la jaqo, hadey maamul helaana, kooxaha Maafiyadda ah, maalintaasa ugu danbeysa xaq dadow ay cunaan iyo musuq ay ku dhaqmaan,

Ujeeddadu waxey tahay in laga hortago oo la carqaladeeyo Maamulka awoodda badan ku fadhin doona ee Hiiraan iyo SH/dhexe gaar ahaana halka loo sii dan leeyahay waa Inaanuu Maamul State ah noqon Gobolka Banaadir, ileyn dekeda iyo Eeraboorka oo la iska dhuuqayo ayaana sii socon doonine.

Waxaan ugu digeynaa Madaxweyne Xasan Sheekh in aanu ku kadsoomin siduu horeba u yiri, kooxo qas wadayaala uma joogsaneyso soomaaliya, in uu talaabada ay mudan yihiin asigoo la kaashanaya inta samaha iyo qaranimadu ku weyn tahay ka qaado ee uu Dastuurkuna u fasaxayo. Qeeyla dhaanta Baarlamaankana waxey daba socotaa, sidaan aniga iyo in badan 100% qabno, qudbadihii ay ka kala jeediyeen Furitaankaa Xaflada loo qabtay dadka ka soo kala jeeda labada Gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe Madaxweyne Xasan iyo Madaxeynaha maamul Goboleedka Galmudug oo ay ku sheegeen in G/Banaadir uu ugu danbeyn doono dhismihiisa.

Waa su’aale yaa wada qaska maanta? Yaase diidan in maamulada harsan dhismaan? Yaase wax Musuqaya? Sadar muuqda su’aal ka dhanne, shaki kuma jiro, maamulada qaar ee dhisan ay geed dheer iyo geed gaaban ugu jiraan inaan dowladnimadu hagaagin, dadkuna sinnaan noqon, caddaaladuna horumarin, ayaga oo dowladaha deriska ah ee aan daneyneyn, in dalku hagaago loo soo marro. Yaasse laga rabaa in ay ku baraarugaan.

Shacabka ku nool Galmudug, Hiiraan, Shabeelada Dhexe iyo Banaadir waaye cidda loo socdo ee la rabbo in gurigooda feynuusta ka dansanaato laguna dul noollaado, waana wax qof weliba garan karo waxa isku soo aadiyay Mooshinkan iyo maamulada la yagleelayo, waxaan kaloon ka rabnaa madaxweyne Xasan Sheekh qudbadaadii hore ee furitaankii shirka Hiiraan/SH/dhexe waxaa ku jirtay in Gobolka Banaadir u danbeeyo, Shirkaadii jiraa’idna ee u danbeyey Kooxaha Maafiyada kaga hadleysay waxaa ku jirtay in Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe u noqonayo kan u danbeeya. Shirkaadii jiraa’id iyo Mooshinkuba waxay ka marag kacayaan in waxa la isku heysto ama la diidan yahay uu yahay G/banaadir adiguna qudbadahaadii tii hore iyo shirkii jiraa’id ee danbo kala duwanaaayen, Meynaan garan sababtaad shirkii jiraa’id ku tiri, Hiiraan iyo SH/Dhexe ayaa u danbeyn doona, Banaanir oo aad horeyba u xustay hadana aadan carabka ugu adkeyn.

Waa yaabbe ma kooxaha Maafiyada ee aad ummada soomaaliyed u cadeysay waxa ay yihiin ayaad ku beer laxowsaneysaa, ku dejineysaa mise adigoo og waxa mooshinka keennay inuu Banaadir yahay oo aan la rabin toodii la qaadatay mise adigaa siyaasadda noogaga xog oggaalsane ujeeddo aan bogga jirin ee faruuryaha ku eg baad ka laheyd ????

Madaxweyne Xasanow ogoow hadii maqaalkankani quseeyo arinka aan ka hadlayo ama walaahowga nagu jiro, kooxaha Maafiyada hadaad riyadooda ka dhabeyso, ilaahay kuma cafiyo aduun iyo aakhiro, dadkaagiina ceelka la rabo in ay ku dhex jiraan adigaa galiyey ayaga ma gelin. Kursigaana maalin uun baad ka tegi doontaa ee magac ka tag, eexashana igama ahanoo waxaa i gubaya in gurina feynuus yeesho gurina loo diido iftiinkaa. Hadaanu nahay shacabka G/banaadirna, waa calaacashoo timo ka soo dhashaan in Maafiyo G/banaadir u lug xirnaado qabiiladey doonan haka soo jeedane kuwo fog iyo kuwo dhowba.

Waxaan xuseynaa labada shaqsi ee ugu af dheer, C/laahi Goodax Barre iyo C/laahi Jaamac Kobaweyne iyo kuwa daaha hoostiisa isku qarinayoow, waxa la idiin adeegsanayo waa dadkiinii hadeynaan ka soo laabanina waad ka xukun cuslaan doontaan Maafiyada gadaashiina boorka isku qarinaya ee laalushka idin siinaya. Waana laga soo gudbay xiligii laalush ummad loo af duubbi jiray, waxaana leenahay Qaranimada ha waarto, Soomaalinimada ha waarto, Midnimada ha waarto, cadaalladuna ha waarto.

Kuwa caloosha ka jiran ee Qarastu ku kacdayna ilaahay ha idin caafiyo haduusan caafimad jirin ummada ha idinka hor wareejiyo duul idinka qeyrb badana ha idinku badalo Aaamin

W/Q: ILyaas Xiriirshe

Ilyaas81@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip