Wararkii ugu Danbeyay Ee Weerarkii Jaamacadda Gaarisa

0
Thursday April 02, 2015 - 11:09:20 in Wararka by
  • Visits: 741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu Danbeyay Ee Weerarkii Jaamacadda Gaarisa

    Xoogag hubeysan oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab inay ka tirsan yihiin, ayaa aroornimadii hore ee saakay weeraray Jaamacadda Magaalada Garissa, oo 3km oo keliya ka baxsan Magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab inay ka tirsan yihiin, ayaa aroornimadii hore ee saakay weeraray Jaamacadda Magaalada Garissa, oo 3km oo keliya ka baxsan Magaalada.
Xoogagan oo xoog kula wareegay Dhismaha Jaamacadda, ayaa waxaa laga dhex maqlaya qaraxyo iyo rasaas xoog leh. Xilligii Jaamacadda la weerarayay waxaa ku sugnaa arday.

Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Militariga Kenya, ayaa hareereeyay Dhismaha Jaamacadda Garissa. Ciidamada Kenya waxay muddo saacado ah ay dhooban yihiin banaanada, iyagoona gudaha u geli kari la’ Dhismaha Jaamacadda.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaaya in weerarkan uu saamayn ballaaran ku yeeshay Magaalada Garissa, waxayna qoysasku ka walaacsan yihiin in ubadkoodu waxyeelo ka soo gaarto.

Ardayda dhigata Jaamacadda Garissa, ayaa waxay qaarkood ka yimaaden Magaalooyinka Waqooyi Bari Kenya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip