Liverpool iyo Manchester City oo caawa ku ballansan Eastlands iyo man Utd oo shalay la celiyey

0
Monday August 23, 2010 - 17:28:14 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool iyo Manchester City oo caawa ku ballansan Eastlands iyo man Utd oo shalay la celiyey

    Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa waxa ay caawa ku ballansan yihiin garoonka k/cagta Man City ee Eastlands saacada geeska africa Africa marka ay tahay 10-ka fiidno ee caawa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa waxa ay caawa ku ballansan yihiin garoonka k/cagta Man City ee Eastlands saacada geeska africa Africa marka ay tahay 10-ka fiidno ee caawa.

Labadaan koox waxa ay kulankii hore ee bilaawga horyaalka Ingiriiska kusoo bilaawdeen bareejo oo la kala galeen koxaha Arsenal iyo Tottenham.

Koox Man City waxa ay sanadaan soo iibsatay ciyaryahaano aad u farbadan oo ay is dhihi karto sanadaan waa ku duuli kartaa oo meel fiican ayaa ku gaari gartaa iyadoo ay kulankii koowaad ee horyaalkaanne ay ku bilaabatay bareejo oo ay la gashay dhinaca Tottenham waxaana ay caawa wajihi doontaa Liverpool oo iyana sanadaan soo iibsatay ciyaartoy badan oo iyadana sanadaan u hanqal taageyso sidii ay meel fiican u gaari laheyd oo ay usoo ceshan laheyd booskii sanadii hore ay weysay oo ahaa booska Champions League waxaana sidoo kale iyana Bareejo la gashay kulankii koowaad kooxda Arsenal.

Labada koox kulamdii ugu dambeeyey oo ay isku waxaa ay galeen bareejo oo ay is mari waayeen xilli ciyaareedki lasoo dhaafay iyadoo labadaba ay gaari waayeen in ay tiigsadan booska Champion-ka waxaana ay isbuuci lasoo dhaafay wada badiyeen kulankii koobka Uefa Europian League Cup ayagoo min hal gool kuwada badiyey.

Ciyaaryahaan Balotelli ayaa caawa la sheegay inuu qabo xanuun jilibka isagoo ay safashadiisa cadeyn laakin laga yaabo in keydka lagusoo bilaabo laakin waxaa caawa la filayaa inuu ciyaarta lagusoo bilaabo ciyaaryahaan James Milner oo ay aston Villa kasoo iibsadeen waxaa kaloo iyagana laga shakiyey safashadooda ciyaaryahaanada kala ah Kolarov iyo Jerom Boateng.

Dhinaca Liverpool waxaa caawa  ka maqnaanaya ciyaaryahaan Daniel Agger oo  xanuun qabo isla markaana laga yaabo in uu safan waayo iyo ciyaayahaan Joe Cole oo kulankii Arsenal laga saaray ciyaarta waxaa caawa ciyaarta lagu soo bilaabayaa ciyaaryahaan Charistian Poulsen oo ka yimid kooxda Juventus.

Ciyaartoyda ay macquulka in caawa lagu bilaabo.

man City

Man City: Hart, Bridge, K.Toure, Kompany, Richards, Barry, Y. Toure, De Jong, Milner, Silva, Tevez.

Liverpool

Reina, Aurelio, Carragher, Skrtel, Johnson, Poulsen, Mascherano, Kuyt, Jovanovic, Gerrard, Torres.

Dhinaca kale kulamdii shalay dhacay iyo sida loo kala badiyey

Newcastel U. 6-0 Aston Villa

Fulham 2-2 Manchester U.

Cali Sh axmed (Caliyare)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip