Suuqa weyn ee Bakaaraha oo galabta lagu soo tuuray tiro madaafiic ah

0
Monday October 06, 2008 - 19:27:03 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuqa weyn ee Bakaaraha oo galabta lagu soo tuuray tiro madaafiic ah

    Duqeyn Hoobiyeyaal ah ayaa lagu tuuray Suuqa Bakaaraha, iyadoona goor dhow weeraro Hoobiyeyaal ah lagu ekeeyay Xarunta Madaxtooyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqeyn Hoobiyeyaal ah ayaa lagu tuuray Suuqa Bakaaraha, iyadoona goor dhow weeraro Hoobiyeyaal ah lagu ekeeyay Xarunta Madaxtooyada.


Sida muuqata Madaafiicda ku habsatay Suuqa Bakaaraha ayaa jawaab u ah Madaafiic ay Xoogaga Hubeysan ku duqeeyeen aqalka Madaxtooyada oo uu degan yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

Daaro ku yaal Suuqa Bakaaraha ayaa lagu soo waramayaa inay Madaafiicdu ay ku habsadeen, kuwaasi oo qiic iyo uuradooda aad loo arkayo, waxaa sidoo kale la sheegayaa in Madaafiic ay ku dhaceen Daarta Xawaalada Amal Express.

Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga waxyeelada ay geysteen madaafiicada lagu soo garaacayo suuqa Bakaaraha waxana la arkayaa Qiica iyo Uurada ka dhalaatay Madaafiicda goobaha ay ku dhacayaan.

Madaafiic ayaa ah kuwo si toos ah uga soo dhacaya Xarunta Madaxtooyada villa Somalia iyo xarumaha kale ee ay Ciidamada Ethiopianka ku leeyihiin Caasimada Muqdisho

Dhawaanahan waxaa suuqa Bakaaraha uu weheli u naqday Madaafiicda lagu garaaco xiliga la weeraro xarumaha Dowlada iyo Fariisimaha Ciidamada Dowlada iyo kuwa shisheeye ee magalada Muqdisho.

Wixii warar ee ku soo kordha Madaafiicda lagu garaacay Bakaaraha kala soco wararkeena dambe. Hadii Eebe inoo ogolaado

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip