DANEYSTE IYO DAACAD, Shirib: Afar walxaato Ceyn ku taal

0
Thursday September 23, 2010 - 16:40:50 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    DANEYSTE IYO DAACAD, Shirib: Afar walxaato Ceyn ku taal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DANEYSTE: Haye sxb ii waran? waa Maxay tabeelahaan aad sidato?

DAACAD: Waa Astaanta dabaaldegga maalinta nabadda ee 21-ka Septembar
DANEYSTE: Xagee nabaddu taal, ma waxaad bilowday sheekooyinkii qilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya dhaliyay?
DAACAD: Qilaafkaas waa laga gudbay oo Ra'iisal Wasaaruhu taariikhdow baal dahab ah ka galay.
DANEYSTE: Macnaha ma fahmine maxaad ula jeedaa?
DAACAD: mar hadow istiqaaladi dhiibay ow badbaadiyay jiritaanka Dowladda waa loo hambalyeeyay.
DANEYSTE: War xagee Dowladdu taal, ma inaan isku dhacnaad dooneysaa oo hadda dhexdeena khilaaf ka abuurto?.
DAACAD: Dadku runtay fahmeen oo ogaadeen in koox diinta ku gambeysa baxbaxsadkoodii la waabiyay.
DANEYSTE: Sow ma ogid nabadda ka jirta degaanada ay wadaadadu xukumaan?
DAACAD: Allaha kaa cafiyee yaan isku dhicin.
DANEYSTE: Adeer borobogaando way dhammaatay runta ayaana arki doontaa ee soo raac isbedelka cusub ee culimada diinta.
SHIRIB
DAACAD:
4-walxaatoo CEYN ku taal...iyo afar kaleeto waa cajiib

Culumadaan cisey jirnoo...cawaan la yiri waa cajiib
Caruur la soo cirbadayoo...la ciidameeyay waa cajiib
Calanki xiddigti cadoo...callaal madooba waa cajiib
Caqiida Muslinya cadaan...carrab la gooyo waa cajiib

DANEYSTE: Ka gudube iiga warran Hay'addaan CCD lagu magacaabo ee maalmahaan la soo baxday dardarta cusub? ma UNkaa, ma IGAD baa, ma EUbaa,...Ma......
DAACAD: Sug, sug, sug aan ku gahamsiiyo waa Hay'ad aqoonyahano Soomaaliyeed asaaseen oo lagu magacaabo Hay'adda Wadahadalka Bulshada (CCD) oo u taagan daryeelka iyo wax u qabashada dadka dhibaateysan.
DANEYSTE: Waa tahaye iiga waran shirka Q/Midoobay ee Shariifka ka habsaamay intii ay Sharma'arke is heysteen?
DAACAD: Shariifka Sharma'arke shirkowga darnaaye mala socotaa in 20-Kun oo ciidan ah Golaha Ammaanka la hor dhigay oo Soomaaliya loo soo diro.
DANEYSTE: Adeer taasi waa riwaayadda Mahinga iyo Musafeni wadaane haddii boqol kunna la keeno wacade in Mujaahidiinta aan la loodin kareyn.
DAACAD: Taasi waa ruwaayadda warbaahinta lagula wareegaayo.
DANEYSTE: Waxay la mid tahay Wasiir Warfaafin oo Wasiir kale idaacad FM ah siinayee, iiga waran Jaamacadda Carabta?
DAACAD: Dowladda Soomaaliya ayay bil walba ugu deeqday.
DANEYSTE: Taasi waa riwaayadda Prof. Ibbi uu Yeman uga soo wareejiyay maraakiibtii Qarankee iiga waran Ereteriya?
DAACAD:
DANEYSTE: Ereteriya waxay iminka dhexda u xiratay xalinta Soomaaliya kaddib markii saaxibkood Riyaale tareenka laga tuuray.
DAACAD: Waaba arkay in dhibka Koonfurta ka taagan Somalilandka dambeysee macasalaama.


W/Diyaariyay:
Maxamed Xasan JEERI
jeri114@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip