Waxaa jirta qofka bani aadamka ah inuu ka duwan yahay noolaha kale ee aduunka korkiisa buuxa aadkana u badan oo aduunyada meel kasta ka jooga, taas waxaa cadaaynaya aayaadka ilaahay eek u dhigan diinteena islaamka ah iyo ujeedooyinka bani aadanka looga fadilay noolaha kale, waxaad arkaysaa in ay cadahay inuu yahay ibnu aadanku hormuudka iyo hogaanka dunidan loo xilsaaray maamulkeeda hadhoowna wax laga waydiinayo.
Hadaba iyada oo uu qof waliba ogyahay farqiga u dhaxeeyaa noolaha kale iyo insaanka miyaysan ugu horeyn garaadka iyo kala garashada, haddii ay mar arini kaa xumaato miyuusan caqliga wanaagsan u ahayn wax ku qaadasho iyo waano inay kuu noqoto oo aadan mar kale dariiqi marin.
Haddii waxii shalay aad ku jabtay aad hadana dib ugu noqoto saw arintu maaha ninkii yidhi intuu lumay oo la soo helay , maxaa layga soo heli beriba waan lumiye. Garaadxumana maaha arinkaasi waayo qof garan waayay wax u xun iyo wax u san miyaa lagu tilmaami karaa miyirqab ama maan fayoow.
Isku soo wada duuboo jawiga soomaaliya saw maaha sheekadii shalay iyo tan maanta isu ekaa , madaxdii shalay iyo tan maanta isu ekaa, dagaalkii shalay iyo kan maanta isu ekaa, shacabkii shalay iyo kan maanta isu ekaa, dhibkii shalay iyo kan maanta isu ekaa, aqoondaradii shalay iyo tan maanta isu ekaa , maaahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaahdaa mar I dage alle ha dago laba jeer I dagase anigaa is dagay, xadiis nebigeena csw laga wariyayna waxuu yidhaahdaa , qofka muuminka ah god keliya laba jeer lagama wada qaniino, taas macnaheedu waxay cadaynaysaa waxaad mar ku jabto inaadan mar labaad ku jabin. Ee aan ka waynaato baratona khasaaraha shalay aad kala kulantay,
Tusaale ahaan, maanta dagaalada soomaliya ka socdaa waa anigaa saxan iyo isagaa khaldan shacabku miyaysan hore usoo marin, sheekadan markii dowladii dhexe la yidhi waa rajiim kaligii talisa ee shacabkii lagu gubaabiyay inay ka gilgshaan xukunkan meleteriga ah , waxaa la tusay dantii madaxda iyo qaabkay wax u maamulayeen , lunsigii hantida iyo ku takrifalkii hantida qaran nin jeclaysigii iyo midabtakoorkii iyo cadaadiskii ka jiray ee lagula dhaqmayay umadda , iyada oo si shacabku u gadoodo xumaanta toosh wayn lagu tusayay, qaylo, gabay , hees, ruwaayad, qoraal idaacad meel walba laga soo galay , hadana ma jirin mid ka hadlayay nabadii badnayd ee waqtigaa jirtay sumcadii iyo qaranimadii waqtigaas jirtay, waxbarashadii iyo aqoontii waqtigaas jirtay hanaankii siyaasadeed ee wanaagsana ee u dhisnaa, horumarka dhaqaalaha , beeraha, warshadaha, caafimaadka iyo badaha, wadooyinka,. Ee keliya waxaa ciwaan laga dhigay waxii xumaa waxii wanaagsanaana waa la qariyay.
Kacaankii jabhadaha ayaa isaguna waxuu darsi fiican u noqday umadii barbaarisay ka dib markii laba laba u kala baxeen ragii watay oo mid waliba damcay inuu keligiii nolaado magaalo kasta oo ka mida 18kii gobol xabadu gaadhay burburkii dhaqaala xumadii iyo dhamaan adeegii bulshaduna meesha ka baxay taas waxaa cadaynayaa meelaha dhibaatadu hada ka jirto iyo meelaha nabadu ka jirtoba inaysan ilaaa hada ka dib dowladii dhacday ee hore wax isbedel oo oo la gaadhay ama looga maarmay ama wax waxqabada oo la sameeyay intii ay ka tagtay laguma soo kordhin xitaa hal wado oo gaaraysa 20 km oo cusub, inuusan jirin dhisme dowladeed oo cusub oo hada la aasaasay, inuusan jirin hanti guud sida cisbitaal ama ceelal biyood, kuwa shidaal iyo xarumo waxbarasho oo cusub oo aan ahayn kuwa khaaska ah ee loo samaystay ganacsiga
Hadaba madaxda soomaaliyeed ayaad arkaysaa inaysan lahayn khibrad maamul oo ay ku hagaan kuna kasbadaan shacabkooda, waxaad kale oo arkaysaa shacabka soomaaliyeed inaysan lahayn waayo aragnimo iyo garaad ay ku xushaan maamulkooda kuna mideeyaan fekerkooda iyo mab,da, ooda iyaga oo ka duulaya shalay waxay soo mareen.
Waxaa taas markhaati ka ah, in shacabku dagaal soo maray walina uusan ka daalin , jabhad soo maray walina uusan ka daalin , qabiil soo maray walina uusan ka daalin nin jeclaysi soo maray walina uusan ka daalin qax soo maray walina uusan ka daalin.
Madaxdu khilaafka iyo iska hor imaadka iyo lunsashada hantida qaran kama gaboobaan odayaasha dhaqanku canbaarayn wax qabad la,aana kama gaboobaan, shacabku ninka dilya taageeradiisa kama gaboobaan.
Dowlada KMG ahi dadka waxba uma hayso aan ahayn duqayn , dhac, boob, kufsi, iyo inay magaca umada soomaaliyeed ku baryo tagaan.
Mucaaradkuna waa Cudur ka daran AIDSKA waa dilaaga nabada , shacabka, dhalaanka, dumarka , duqoowda, iyo kobcinta dulmiga sicirbararka iyo daadinta dhiiga muslinka iyo ku xadgudubka caqiidada saliimka ah ee islaamkaShacabkii dagaalkii wali kama dhamaan, rajadiina kama dhamaan, qof walibana wuu ogyahay inuusan sidan xal ku imanayn diyaarna uma aha sida xalka lagu helayo.
Dadku waxay jecelyihiin nabada mana doonayaan inay raadiyaan dariiqa nabada madaxdu waxay jecelyihiin raaxada mana ogola inay helaan meeshay ku raaxaysan lahaayeen, qurba joogto waxay doonayaan meel ay dalxiis u tagaan uma diyaar aha inay dedaalkeeda sameeyaan dalku siduu nabad ku noqon lahaa, dadka inta joogtaana waxay doonayaan inay soo dhoofaan intii ka timid ma doonayaan inay dib ugu nodaan, waxaan hadalkayga ku soo afjarayaa tixdan yar.
Waxaan doonaynaa
Waa dowladnimo
Iyo daacadnimo
Deganiyo samaan
Darajiyo aqoon
Waxaan diidaynaa
Dabka iyo dagaal
Dirir iyo colaad
Dulmi iyo xasarad
Danbigiyo qatliga
Waxaan doonaynaa
Dadkoo wada xoroo
Nina dood u qabin
Deris iyo walaal
Diin iyo aqoon
Waxaan diidaynaa
Duhurkii iyo habeen
Madfac duubaaniyo
Duqayn iyo dhibkiyo
Dadka oo la dilo
Miino daadsaniyo
Dadka qaraxa sidda
Adaa daa,imee
Adigaa deeqsiyee
Adaa daahiree
Raboow noogu deeq
Sidaan doonayno
Oo naga dulqaad
Waxaan diidayno
Aamiin aamiin aamiin
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
Dowlad aan Daacad Ahayn, Mucaarad Dulmi wade ah, Iyo Shacab aan Dantiisa aqoon