Dadka degan Gobolada Jubbooyinka, Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa ka cabanaya cadaadiska, caga jugleynta iyo hanjabaadda uga imaaneysa maamulada xarakada Al-Shabaab iyagoo maalinba maalinta ka dambeysa soo saara awaamiir kala duwan oo ku wajahan dadka ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dhinacyada howlahooda iyo noloshooda.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee dadka degan goobaha ay Al-Shabaab maamusho waxaa ka mid ah ciidamada Al-Shabaab oo iyagu ugaarsi ba'an ku haya dhallinyarada iyo ragga da' dhexaadka ah kuwooda dhaadheer ee jooga leh, iyadoo magaalooyinka Marka iyo Qoryooley ragga degan lagu amray inay ka qeyb galaan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho sida uu sheegay mid ka mid ah beeraleyda degan Qoryooley oo sababo nabadgelyo u qariyay magaciisa kuna magaalada Muqdisho.
Ninkaan oo naftiisa la soo baxsaday ayaa waxaa kale oo uu sheegay in gurigiisa ay ugu yimaadeen ciidamo ka tirsan maamulka xarakada Al-Shabaab ee maamula Degmada Qoryooley isla markaana si toos ah ugu sheegay inay la jeclaadeen inuu dagaalka ka qeyb qaato kaddib marka loo tababaro hubka garabka laga rido oo Shabaabku u sheegeen inuu ku wanaagsan yahay bacdamaa uu yahay nin dheer oo xoog leh.
Gobolada Hiiraan, Sh/dhexe iyo qaar ka mid ah degmooyinka ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa waxaa isaga baxaya inta badan dadkii degenaa, kuwaasi oo ku soo qulqulaya magaalada Muqdisho, halka kuwooda dhallinyarada ah qaarkood Muqdisho uga sii tahriibaya gobolada Puntland si ay dhinaca badda ugu maraan dalalka Yeman iyo Sacuudiga.
Oday ka mid ah dadka degan gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay isbedelka ku yimid xaaladda guud ee gobolka markii ay la wareegeen kooxaha Islaamiyiinta ah, waxa uuna sheegay inay soo food saareen dhibaatooyinkii ugu weynaa muddo 20-sano ah oo uga yimid maamulka Al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay in maalin kasta dadka lagu cadaadiyo amarro aysan xamili karin dadka gobolka.
Amarada Al-Shabaab ku rogto dadka degan goobaha ay maamulaan ayaa waxay u badan yihiin arrimo qeyb ka ah taageerada dagaalada ay ka wadaan magaalada Muqdisho, haday tahay ciidamo, dhaqaale iyo xilliyada qaarkood oo dadka ay isugu yeeraan si ay u taageeraan afkaaraha xag-jirnimada ah ee ay u soo akhriyaan dagaalyahanada shisheeyaha Al-Qaacidada geeska Afrika, iyo waliba in dadweynaha lagu khasbo inay soo xaadiraan bannaanbaxyo khasab ah, xilli dadka degan gobolada ay isugu jiraan beeraley iyo xoolaley.
Cabsi soo wajahday Raga kunool Deegaanada Alshabaab