TV-ga caalamiga ah ee Universaltv ayaa waxa uu ka mid yahay war baahinta ugu afka dheer ee ku baxda afka soomaaliga waxaana uu ka hawlgalaa Qaaradaha Adduunka oo idil,waxaana hubaal ah in uu ka qayb qaato isku xidhka bulsho weynta ku bahawday ama ku hadasha Afka soomaaliga ee guddaha iyo dibadaba waxaana uu sidoo kale ka qaybqaataa tabarucaadka iyo taabagelinta dadka danyarta ah ee somalida
Tv-gan oo ka mid ah Tv-yada faro kutiriska ah ee ay soomalidu leedahay ayaa waxa uu ugu adeegaa qaybaha kala duwan ee bulshada si ay ku dheehantahay sinaan caddaalad dhex-hexaadnimo daacad iyo eexla’aan
Todobaadkan ayuu Wasiirka Warfaafinta xukuumada Somaliland Mudane Geel jire waxa uu ku sheegay warmurtiyeed uu soo saaray in ay si KMG ah shaqada uga joojiyeen Universaltv kadib markii buu yidhi ay Madaxda Tv-ga ee Somaliland ay la shaqayn waayeen Wassaarada Warfaafinta waxaana uu intaasi ku darray in ay ka qaban waayeen taleefanka marar ay wasaaradu isku hawshay sidii ay ula xidhiidhi lahayd laakiin waxyar uu kadib warmurtiyeedka Wasiirka waxaa ka hadlay arintan mid kamid ah madaxda sarsare ee Tv-ga oo sheegay inay haboonaan lahayd in wasaaradu lasoo xidhiidho ama warqad usoo dirto xafiiska guud ee Tv-ga oo ku yaala Magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska.
Hadaba Dadweynaha ku dhaqan Magaaladani Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo aanu waxka waydiiney balsida ay u arkaan go’aanka KMG ah ee ay Wasaaradu Warfaafintu qaatay ee ku kuwajahan Tv-ga Universal ayeey ka muujiyeen aragtiyo iyo Aarah kala gedisan waxaana ay dadka qaarkood soo jeediyeen in ay Wasaaradu ay go’aan saxsan qaatay loona baahanyahay in Tv-ga ku hadla afka xukuumada ee SLNTV la gaadhsiiyo dibada si uu isugu xidho Bulshada reer Somaliland ee gudaha iyo dibada halka qaarkalena ay ku tilmaameen inay tahay arin lagu fududaadey isla markaana ay xukuumada usoo jeediyeen inay si deg-dega uga noqoto ugana baaran degto go’aanka KMG ah ee ay Wasaaradu qaatay halka kuwa kalena ayba ku tilmaameen arin meel kaga dhacaysa Saxaafada xorta ah
“Aad iyo aad ayaan ula yaabay Wasaarada markaan maqlay go’aankii ay ku joojisey Tv-ga waana ka xumaadey run ahaantii waayo waxa uu ka mid ahaa universal warbaahinta ugu culus ee sida xooga leh uga qaybqaadata isku xidhka gudaha iyo debada ee bulshada markaa waxaan leeyahay haka noqoto xukuumada iyo wasaaraduba go’aanka waliba si degdega”hadalkan ayaa waxa uu kasoo yeedhay Axmed Maxamed oo kamid ah daawadayaasha universaltv waxaa isna fekerkaa ka duwana qaba Muuse Maxamed oo kamid ah daawadayaasha Tv-ga ee gobolkan waxaana uu aragtidiisa ku bilaabey “waaranigu aad ayaan u taageersanahay go’aanka wasaarada ee ku wajahan Tv-ku sheegan universal oo caadeystay jebinta sharuucda saxaafada caalamiga iyo tan dalkaba marka anigu waxaan soo jeedinayaa in keena(SLNTV) la gaadhsiiyo dibada si aynu uga maarano kan “
waxaa kale oo iyana jira dadweyna aad u tirro badan oo ku kala qaybsan talaabada Wasaarada ee ku wajahan kasii shaqeynta Universal ee gudaha Somaliland kadib markii ay si ku meelgaadh ah shaqada uga joojisey Tvga
Horraantii sanadkan ayeey ahayd markii ay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Xisbul Islaam mamnuuceen in fogaan araga Universal ka shaqeeyo dhulka ay ka taliyaan waxaana uu si caadi ah haatan uga hawlgalaa Maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland oo keliya, lamana oga ilaa hada sida uu ku danbeyn doono go’aankan Wasaarada warfaafinta Somaliland wallow uu yahay mid KMG ah oo si fudud lagu dhamayn karo
Iskusoo wada xooriyoo Warbaahinta ayaa ayaamahakan si weyn u qaadaa dhigeysay go’aanka wasaarada iyo go’aamadan iska daba imanaya ee Tv-gu kala kulmaya geyiga somalida
Waa Qalinkii Weriye Aadan Karaama
Email:proaadan10@hotmail.com
Burco/Togdheer
Wasidee Dareenka Reer Togdheer Xidhitaanka TV-ga Universal?