Sannadka marka la gaaro bisha 6-aad waxaa gebi ahaan joogsada barafka ku soo dawa dhulka Qaaradda Yurub qaasatan dalkani Sweden waxaana uu dib u bilowdaa bisha 11aad inta badan balse Axadii ayaa waxaa Waqooyiga Sweden qaatasatan buuraha Luppland iyo Tornedalen ku soo daatay barafkii ugu horeeyay ka gadaal kadib 5 billood ka dib.
Soomaali badan oo degen ayaa waxaay ka mid yihiin dadka ka yimid wadamada koleelaha ee Afrika iyo Aasiya inkastoo aay la qabsadeen balse aad ayay uga cawdaan ama uga qeyliyaan xilliyada barafka da'ayo.
Balse Dadka Iswiidhishka ah waa aay jecelyihiin barafka badankooda inkastoo aay ka sii jecelyihiin xilligi Xagaaga oo aay helaan fasax dheer, habeenka oo soo yaraada maalintana dheeraata, tusaale ahaan Xilliga Jiilaalka ah waxaay qoraxda soo baxdaa 7da ama 8da waxaayna marka aay ugu dhaqsida badnaata dhacdaa 2da ama 14ka duhurnimo xilliga Xagaaga maalintii qoraxda waxaay soo baxdaa 4ta ama toban saacaroortiiwaxaayna dhacdaa 8daama 9ka amase sedexsaac habeenkii sida dadka qaar u yaqaanaan taasoo dadka Muslimka ay aay aad ugu wareeraan xaga Salaadaha oo isku soo dhadhawaada.
Ugu dambeyn waxaa la saadaalinayaa sannadkaan Wadanka Sweden in barafkii ugu badnaa uu ka di'i doono balse la arki doonee sida aay noqoto saadaasha.
Barafka oo ka bilawday inuu ka da'o Waqooyiga Iswiidhan kahor ...
Waa arin dadka dega waqooyiga Sweden ku cusub in baraf bilowdo bisha Oct balse waa aay dhacday.