Wasiirradii dawladda waxa ay u fadhiyaan shir. Illaa lix bilood tan iyo markii la soo dhisay hal ka mid ah kama uusan dhimman, oo lagama khaarijin. Mucaaradkii dawladda waxa ku dhacay jahwareer siyaasadeed iyo laga bartayaa laga badiyaa. Wasiirro gafuurka duubtay ayaa mixnad ku noqday.
Madaxweynihii waxa uu telefoon u diray Xil-dhibaankii talada keenay. Xil-dhibaanku waxa uu casho ka sugayay xaaskiisa.
“Xil-dhibaan,” ayuu yiri Madaxweynuhu, “si kastaba ha u gurracsanaato taladii aad na siisay, laakiin waa lagu aflaxay. Shaqo wacan ayaad qaranka u qabatay.”
“Laa shukran calal waajib,” ayuu yiri Xil-dhibaankii, “waxa farxad ii ah in ay shaqeysay taladii badbaadinta wasiirrada qaranka.”
“Mahadsanid,” ayuu yiri Madaxweynuhu, “nabadeey, Xil-dhibaan.”
Telefoonkii ayuu dhigay Madaxweynihii.
“Laakiin weli safarrada ma aadan yareyn ee…Mudane,” ayuu yiri Xil-dhibaankii, “haloow, Madaxweyne, Skype ma ka maarantay? Haloow! Taladaas ma kula xumaatay? Haloow!”
Xil-dhibaankii waxa uu ogaaday in uu Madaxweynuhu dhigay telefoonkii. Saa inta neef weyn soo afuufay ayuu u soo jeestay xaaskiisa oo casho la kor taagan.
“Soomaaliya waxa faceeda ka reebay,” ayay tiri xaaskii Xil-dhibaanka, “dawlad damiirkeeda iibsatay iyo mucaarad ku shaqeeyo maskax shisheeye.”
Qore: Cabdullaahi Janno
Writersomali@gmail.com
Q.5AAD, Qorshaha Cusub Ee Dkmg iyo Mucaradka (Dhamad)