Q,M oo ka deyrineyso Askareenta Caruurta Somalida

0
Tuesday November 09, 2010 - 13:24:57 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Q,M oo ka deyrineyso Askareenta Caruurta Somalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakilla Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha wadanka Somalia Agoustina Mahiga ayaa waxaa uu walaac ka muujyay wax uu kusheegay caruurta loo adeegsado askareynta oo Somalia ku sii kordheysa.


Agoustina Mahiga oo wareysi siiyay Wakaalada wararka ee Q,M ee IRIN ayaa waxaa uu sheegay bilihii ugu dambeeyay caruur fara badan oo Somali ah lagu qasbay inay hub qaataan oo ay dagaalamaan taasoo uu sheegay inay si wada jir ah u sameeyaan dawlada KMGS iyo waliba xoogaga mucxaaradan ee ka soo horjeeda .


Wakilka Q,M ee arrimaha wadanka Somalia waxaa uu sheegay in dhinacyadda Somalia isku haya ay tababaro siiyeen caruur yar oo aan willi gaarin da’da qaan gaarnimada waxaana uu intaa ku daray in ciidamada dawlada Somalia ay ku jiraan caruur yar yar halka dhinaca Xarakadda Al-Shababna ay tiro caruur ah u dagaalamaan.


Sidoo kale ergeyga xog’haya guud ee Q,M u qaabilsan arrimaha kormeerka iyo daba galka tacadiyada carurta lo geysto haweeneyda lagu magacaabo Radhika Coomaraswamy,oo koox wariyaal ah kula hadashay magaalada New York ayaa sheegtay in dhinacyadda siyaasadda Somalia isku haya ay caruurta yar yar u adeegsadaan dagaalada waxayna intaa ku dartay inay xog ku hayaan caruur yar yar ay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda Somalia kuwaasoo la kala safan kooxaha siyaasadda Somalia.


Radhika Coomaraswamy, waxay ku eedeysay Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab iyo ururka Xisbul Islam ay si cad ciidamadooda ugu jiraan caruur yar yar oo aan willi qaan gaarin kuwaasoo ku lug leh dagaalada ay kula jiraan dawlada KMGS halka dawladana ciidamadeeda ay ku jiraan caruur yar yar.


Haweeneydaani waxay sheegtay in mar ay kula magaalada Muqdisho ra’isal wasaaraha cusub ee Somalia Max’ed C/llahi Max’ed uu u balan qaaday inuu qaadayo tilaabooyin lagu joojinayo caruurta yar yare e ciidamada loo adeegsaado, waxayna shaacisay in intii ay Muqdisho joogtay la kulantay caruur yay yar oo ay waxyeelo ka so gaartay dagaalada Muqdisho ka socda waxayna intaa ku dartay taliska ciidamada AMISOM kala hadashay inay yareeyaan duqeymaha aan loom eel dayin oo ay waxyeelo caruure ka soo gaarto.


Q,M waxay dhawr jeer waxay ka dhawajisay in caruur badan oo Somali ah loo adeegsado oo ay ka qeyb qaataan dagaalada Somalia mudada ka socda.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip