“JAWAAB CULUS” (BY: Sayid_Ali Mohamoud)

0
Saturday November 13, 2010 - 16:51:57 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “JAWAAB CULUS” (BY: Sayid_Ali Mohamoud)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mar ka hore waxaan halkaan salaan ugu soo gudbineynaa dhamaan umada Somaaliyeed meel walbo ey joogto salaan kadib hadaan nahay waxgaradka aqoonyahanada culmaa'udiinka haweenka iyo dhalinta da'da yar ee beesha Owbakar gaabane waxaan aad u canbaareyneynaa niman sheganaya in ey matalaan beesha owbakr gaabane oo aflagaado u geeystay imaamka beesha mudullod IMAM MAXAMUD IMAM CUMAR,


Runtii imaamka waa imaam mudullood gaar ahaan ka dhashay beesha Owbakar gaabane wauxuuna matalaa dhamaan beelweynta mudullodd ma na ahan xubin la soo doorto waa dhaqan dhaxaltooyo ah sida aan la socono imaamka waxaa lagu duubay dagmada cadale ee gobalka sh dhexe sanadku markuu ahaaa 1986 markii uu geeriyooday aabihii imaam cumar cali imaam caamir naxariistii jano allaah siiyee marka sida aad la wada socotiinba imaamku waa imaamkii 16aad ee beelwenta mudullod oo kasoo bilaabato xilli taariikh fog ,

Waxaa wax laga xumaado ah in boqor mudullood ah in maanta aflagaado intaa la eg loo geesto waxaan diigniin culus u direynaa hadii aan nahay dadka kor ku xusan oo u dhashay beesha Owbakar gaabane nimankanka sheeganaya iney matalaan beesha in ey ka digtoonaadaan oo ey kadaba hadlaan qof uu imaamku soo xulay oo matasho beesha owbakar gaabane ,


Imaamku wuxuu guud ahaan mas'uul ka yahay xildhibaanada beesha mudullood marka asaga ayaa xaq u leh in uu soo xulo qofka uu u arko in ey matali karto beesha ,


Intaas kadib waxaan rabnaa in aan si gooni ah ula hadalno ninka sheeganaya in uu yahay afhayeenka beesha C/raxmaan Max’ed Nur “Ciro” iyo nimanka gadaal ka riixaayo oo ugu horeeyo maxamed cismaan cali {dhagaxtuur} in ey faraha kala baxaan arimaha beesha , xaq umalahan in ey matalaan beesha ayagoo hal jilib kasii ah beesha, waxaana leenahay war hooy siyaasada iyo dhaqanba waa leydiinkaga horeeyay ee haku kadsoomina ee faraha kala baxa.


Intaas kadib waxaan raali galin buuxda u direynaa gudoomiyaha baarlamaanka mudane shariif xasan shiikh aadan in uu raali ka ahaado beesha aflagaadada ey u geesteen nimanka aan beesha matalin ee afkeda ku hadlay,oo uu wax fuliyo sida imaamku ku amray markii horaba oo lagu dhaariyo sida ugu dhaqsiyaha badan mudane xildhibaan ducaale ,waxaana leenahay meel walba ey joogto beesha Owbakar gaabane xildhibaanka matalaa waa xildhibaan ducaale waxaana leenahay allah ha kula garab galo xilkaa culus oo laguu dhiibay ... wabilaahi towfiiq,,,,,,,


Sayid_ali mohamoud
macaawiye2@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip