Heesta: Danguud‏ (By: Bashiir M. Hersi)

0
Thursday November 28, 2013 - 07:32:12 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heesta: Danguud‏ (By: Bashiir M. Hersi)

    "Danguud" waa hees si kooban u tilmaamaysa waxa qof walba oo Soomaali ahi uu doonayo inuu noqdo, helo ama uu sameeyo iyo waxa uusan doonayn inay ku dhacaan, inuu noqdo ama lagu tilmaamo. Sida aad ku arki doontaanba waxay isku saaran tahay w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Danguud" waa hees si kooban u tilmaamaysa waxa qof walba oo Soomaali ahi uu doonayo inuu noqdo, helo ama uu sameeyo iyo waxa uusan doonayn inay ku dhacaan, inuu noqdo ama lagu tilmaamo. Sida aad ku arki doontaanba waxay isku saaran tahay waxa la doonayo in la gaaro iyo wax aan la doonayn inay guntanmaan, ooba ah inta noloshu ka kooban tahay wax la rabo iyo wax aan la rabin. Anoon idin ku dheerayaynn ararta heesta waxay u qaybsan tahay saddax qayb oo kala ah: (1) Nabad iyo Negaan (2) Hoggaan iyo Maamul (3) Qoys iyo Bulsho oo aan isla sidan u kala nambareeyey hadba qaybta ay ka billaabanayso, haddana heestii waa tane ka bogosho wacan:

Heesta: Danguud

Heesta: Danguud

Maan doonahayn

Inaan deel marshoon

Deelleey curshoo

Dib u faaqidee

Dalab iyo dhambaal

Farriin iyo digniin

Dadka aan u diro:

Waxaan diidayoon

Laygu dayi karayn

Marna iga dagayn;

Waxaan doonayoo

Durba inaan helaa

Misna ii danoo

Iga daahi karin

Dabci ii ahoo

Laygu dawgaloon

Iska dayn karayn

Aan daliiliyee

Qalin ula degdega

Dugsiyada ku dhiga

Degellada ku qora

Ku daabaca darbiga

Da’yartana baroo

Ugu duuba keyd

Dunidoo dhan iyo

Dalka kuwa jiriyo

Kuwa dibad ku maqan

Labadaba u dira

Dabcan inay dhahaan

Waan danaynayaa

Dadweynoow i maqal

Ila diid xumaan

Ila doon wanaag.

******************

(1) Waxaan diidayaa

Dirir iyo colaad

Waxaan doonayaa

Nabad iyo degnaan.

Waxaan diidayaa

Holac iyo dagaal

Waxaan doonayaa

Dugsi iyo aqoon.

Waxaan diidayaa
Dilka duulkayaga

Waxaan doonayaa

Nolol iyo dabiib.

Waxaan diidayaa

Dumin iyo burburin

Waxaan doonayaa

Dhisme iyo degaan.

Waxaan diidayaa

Dabka iyo dhimbilo

Waxaan doonayaa

Damin iyoTahliil.

Waxaan diidayaa

Daqar iyo mashaqo

Waxaan doonayaa

Dhaymo iyo daweyn.

Waxaan diidayaa

Dabin iyo shirqool

Waxaan doonayaa

Daaddah iyo deddaan.

Waxaan diidayaa

Dacar iyo dhibjaan

Waxaan doonayaa

Rays iyo daruur.

Waxaan diidayaa

Dulmi iyo darxumo

Waxaan doonayaa

Daacad iyo sinnaan.

Waxaan diidayaa

Dukum iyo burburin

Waxaan doonayaa

Dibdhis iyo Daleyn.

Waxaan diidayaa

Dibadaha u qixi

Waxaan doonayaa

Dib in loo dejiyo.

Waxaan diidayaa

Dacdarriyo tahriib

Waxaan doonayaa

Daryeel iyo qorsheyn.

Waxaan diidayaa

Dano gaara fuli

Waxaan doonayaa

Danta guud hormari.

******************

(2) Waxaan diidayaa

Doqon iyo damiin

Waxaan doonayaa

Dirac iyo halyeey.

Waxaan diidayaa

Dallaal iyo Mallaal

Waxaan doonayaa

Daljir iyo hoggaan.

Waxaan diidayaa

Dibjir iyo halaag

Waxaan doonayaa

Danjir iyo xilqaad.

Waxaan diidayaa

I dil iyo i daa

Waxaan doonayaa

Isku duubni mida.

Waxaan diidayaa

Diradira nin wada

Waxaan doonayaa

Midnimiyo duggaal.

Waxaan diidayaa

Nimaan diirnaxayn

Waxaan doonayaa

Nin dareemi kara.

Waxaan diidayaa

Musuq iyo daldalo

Waxaan doonayaa

Diiwaan iyo xisaab.

Waxaan diidayaa

Tuug iyo dilaa

Waxaan doonayaa

Dar Alliyo wadaad.

Waxaan diidayaa

Jirri iyo dugaag

Waxaan doonayaa

Askar iyo dirays.

Waxaan diidayaa

Dayday iyo xariif

Waxaan doonayaa

Arday iyo dullaab.

Waxaan diidayaa

Kala daadsanaan

Waxaan doonaya

Dowlad iyo dastuur.

Waxaan diidayaa

Duqay duufsanoo

Waxaan doonayaa

Duub iyo Ugaas.

Waxaan diidaya

Dano gaara fuli

Waxaan doonayaa

Danta guud hormari.

******************

(3) Waxaan diidayaa

Ninka dumarka dila

Waxaan doonayaa

Inaan Dahab u xiro.

Waxaan diidayaa

Furriin iyo dalaaq

Waxaan doonayaa

Dadab iyo aroos.

Waxaan diidayaa

Doobnimo ku joog

Waxaan doonayaa

Ubad daaddahee.

Waxaan diidayaa

Nacab igu digtaa

Waxaan doonayaa

Gacal ii damqada.

Waxaan diidayaa

Dakaniyo qabiil

Waxaan doonayaa

Daris iyo xigaal.

Waxaan diidayaa

Been iyo durduro

Waxaan doonayaa

Runta iyo dedaal.

Waxaan diidayaa

Dulli iyo habaar

Waxaan doonayaa

Duco iyo xishood.

Waxaan diidayaa

Cudur iyo diraac

Waxaan doonayaa

Dayr iyo gu’ da’a.

Waxaan diidayaa

Dhirta dabar jarkeed

Waxaan doonayaa

Kaymiyo dhul-daaq.

Waxaan diidayaa

Bii’ada la dubo

Waxaan doonayaa

Damal iyo dhirayn.

Waxaan diidayaa

Dawarsiyo shaxaad

Waxaan doonayaa

Dakhli iyo xamaal.

Waxaan diidayaa

Miro dibad ka yimid

Waxaan doonayaa

Dalag iyo abuur.

Waxaan diidayaa

Deeq hay’adeed

Waxaan doonayaa

Deegaan hormara.

Waxaan diidayaa

Ribo iyo dulsaar

Waxaan doonayaa

Darar iyo macaash.

Waxaan diidayaa

Iska qaado dayn

Waxaan doonayaa

Dalku inow isdebbero.

Waxaan diidayaa

Dibno laysku tolay

Waxaan doonayaa

Dood iyo dubaakh.

Waxaan diidayaa

Garba-duub u xira

Waxaan doonayaa

Xornimiyo dadnimo.

Waxaan diidayaa

Dambiiliyo curraaf

Waxaan doonayaa

Dab-Shid iyo Fiddow.

Waxaan diidayaa

Afka dabargo’iis

Waxaan doonayaa

Darsi inuu noqdaa.

Waxaan diidaya

Dano gaara fuli

Waxaan doonayaa

Danta guud hormari.

*****************

Dhammaad.

23/10/2013

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip