Dal dumow yaa ku samata bixin karo? by wariye sadaam ahmed gobey. (By: Sadaam Ahmed)

0
Saturday July 31, 2010 - 01:28:08 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dal dumow yaa ku samata bixin karo? by wariye sadaam ahmed gobey. (By: Sadaam Ahmed)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sida laga wada war qabo soomaaliya waxaa ay dugaal iyo hoyi u noqotay waxyaabo badan oo isbiirsaday oo shacabkana halageeyay sida dagaalada aan kala joogsiga leheyn,abaaraha iyo dhaqaalo daro,sidoo kale waxaa intaa u sii dheer in dalka soomaaliya uu saaxiib u noqday saboolka iyo faqriga oo hada la joogo xiligii laga gudbi lahaa, sida ay ku dhaqaaqeen dowlada badan oo afrikan ah oo sameeyay horumar ah dhanka dhaqaalaha iyo amaanka.
 
Soomaaliya ayaa xiligan waxaa ka jiro siyaasado badan oo isdiidan ku waasoo mid walba uu ku andacoonayo in midiisa lagu dhaqmo oo ay wacantahay, sida laga dheehan karo dhamaan aragtida madaxda sar sare ee ururada ka jira gudaha soomaaliya iyo wararka ay siiyaan idaacadaha maxaliga ah ee ka jira gudaha soomaaliya iyo kuwa caalamkaba waxaa la dareemi karaa in nin walba uu wado dan asaga uu qaas ah iyo in uu ku fushado dantaas magaca urur uu magac u bixiyay oo uu isleeyahay waxa ay sahli karaan danahaada.
 
Waayahaa wax ku tusiyo, ee waliga ma'aragtay dad aanan la garan waxa ay damacsanyihiin, halka ay ka yimaadeen iyo waxa uu yahay mowqifkooda rasmiga ah?
 
Sida laga wada war qabo waxaa soomaaliya horay usoo maray maamulo kala duwan iyo dowlado lagu soo dhisay dalalka dariska ah ku waasoo ugu danbeyntii la ogyahay halkii uu ku dambeeyay xaalkooda oo ku aruuray muran joogta ah iyo dagaal aan dhamaan, halkii ay ku dhaqaaqi lahaayeen sidii ay u badbaadin lahaayeen shacabkii ay u dhaarteen oo ay balanta u qaadeen.
 
hadaba ma isweydiisay yey ahaayeen dadkii loo qaadan jiray in ay madalaan shacabka soomaaliyeed?, waxa ay ahaayeen dad wada qalbi maran oo wada qeylo badan, ku waasoo marka ay isa soo hor fadhiistaan ku doodi jiray fadhiga baarlamaanka isla markaan iskugu goodin jiray nin walba qabiilka uu ka dhashay oo uu magac iyo mansab u raadinayay.
 
Mida kale waxaaba u weheliyay isla weyni iyo aqoonyari taasoo keentay tayo xumada sabab u noqotay in soomaaliyaa ay noqoto dad aan cidna u maqneyn ceelna u qodneyn.
 
Waxa uu qof walba oo soomaali ah dareemi karaa in dhamaan kooxaha isku haya soomaaliya aanu ku jirin hal shaqsi ah oo wax garad ah ama aqoon sareysa leh, waayoo hadii uu jiro waxaa yaraan lahaa howlahan diin ahaanta iyo dhaqan ahaantaba aan banaaneyn.
 
Waxaa qof walba uu aaminsanyahay in xiligan dalka soomaaliya uu u baahanyahay dad samata bixiyo oo bad baadiyo shacabka iyo dhalaanka xili laga soo daalay dagaaladii daba dheeraaday ee ka jiray geeska afrika,hogaanka soomaaliya ayaa waxa xiligan istaahilo aqoonyahano xirfad u leh dajinta xiisata cirka isku shareertay ee soomaaliya oo wali midi midi ku daag ah oo aysan jirin cid isku tanaasuleyso.
 
somalaay Caqligu ha shaqeeyo, fahamku ha sareeyo, taariikhdane waa macaline halagu cibra qaato wixii aan soo marnay iyo waxyaabihii aan ka dhaxlnay.
 
dan ma'ahan dagaal joogta ah iyo xasuuq aanan loogala harin sidaas dardeed shacabka soomaaliyeed oo inta badan lagu yaqaano madax adeeg waxaa u dan ah in ay dantooda fiiriyaan oo ay ka fakiraan sidii ay mustaqbalka uga gudbi lahaayeen xaaladan adag oo mudo soo jiidameysay, dan ma'ahan in ay mar walba kuu shiraan afrikan oo ay ku yiraahdaan ciidamo hala geeyo soomaaliya gaar ahaan dowlado taariiq ahaan ka liito soomaaliya.
 
ma isleedahay soomaaliya waxaa xasaradaha jiro ka samata bixin karo ciidamo shisheeye oo ay keenan dowladaha qaarada africa?.
 
Sida ay aaminsanyihiin xubin walba oo ka tirsan baarlamaanka soomaaliya waxaa ku adgaatay in ay ka hortagaan xaalada qalafsan oo ay ku dhaqmayaan qolada madax adag ee sheekato islaanimada ku waasoo u bareeray in ay dil iyo dhibaato u geystaan shacabkii soomaaliyeed sidaas dardeed ayaa qof walba oo soomaali ah waxaa afkiisa ka soo yereyso markaad la sheekeysato erayo ay ka mid yihiin waa muhiim in la keeno soomaaliya ciidamo afrikaan ah iyo erayo kale sidaa u muuqaal ek, ayadoo ay saas tahay ayaa hadana waxaa la aaminsanyahay in wali ay jiraan dhibaatooyin soo kordhi kara hadii la keeno soomaaliya ciidamo shisheeye, maadaama dadka ku andocooda diinta ka badalan midii lagu yaqaanay soomaaliya aysan joojineyn dagaalka.
 
In ciidama la keeno mar waa sax waayoo waxaa muhiim ah in awoodaha isdiidan laga dhameeyo soomaaliya si ay shacabka soomaaliyeed u helaan xasiloon waarta oo muda laga warsugayay, hadane waxaa adkaaneyso in ciidama ajnabi ah ay bixiyaan ururada diidan dowladnimada halkaa oo ugu danbeyta isugu biya shuban doonto barakac hor le oo shacabka ku yimaado.
 
Dhanka kale waxaa laga wada dharagsanyahay in soomaaliya ay ka dagaalamaan ciidamo ka yimid bariga fog ee eeshiya iyo bariga dhexe iyo qeybo kale oo ka tirsan afganistan iyo pakistan ku waaso ah caqabata ugu horeyso oo hortaagan in shacabka la bad baadiyo.
 
Hadaba sidee ay macquul utahay qof dalkiisii lagu dilo uuna ku dilo qof kale oo duulaan ku yimid amaba mid uu soo amray,arintan ayaa ah in dowlada soomaaliya ay codsato ciidamo afrikaan ah.
 
Qore:Sadaam ahmed gobey

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip