Guddoomiyaha Xisbiga MRD ee dalka Jabuuti Daahir Axmed Faarax (DAF) oo ka mid ah Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee dalka Jabuuti
ayaa sheegay inaysan ka qaybgalayn doorashooyinka madaxnimo ee dalkaasi ka dhacaya bisha Feberaayo ee sannadka soo socda.
Xisbiyada Mucaaradka ayaa ka xumaaday waqtiga la qorsheeyay in la qabto , waxayna diidmada Xisbiyada Mucaaradka doorashooyinka dalka Jabuuti ku andacoodeen inaysan doorooshooyinkaasi ahayn mid xaq ah.
Guddoomiyaha Xisbiga MRD ee dalka Jabuuti Daahir Axmed Faarax (DAF) ayaa haatan jooga dalka Belgium, wuxuuna cadeeyay in hal qodob oo kaliya doorashadaasi uga qeybgalayaan markii ay noqoto doorashada mid xor ah oo ka madax banana maamulka Ismaaciil Cumar Geelle.
"Waxaan u aragnaa doorashada inay tahay mid uu xisbiga talada haya maamulayo, isagana lagu dooranayo” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga MRD ee dalka Jabuuti Daahir Axmed Faarax (DAF) oo ku dooday in Madaxweynaha Jabuuti mid xukunka uu xoog ku haysto.
Dhinaca kale Mucaaradka xisbiyada Dalka Jabuuti UAD ayaa iyagana lagu wadaa inay toddobaadka soo socda kulan ku yeeshaan Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Madaxweyne Geele Oo Mucarado Xogani Soo Wajahday