
Maamulka ururka Al-Shabaab ee magaalada Baydhaba ayaa dadka degmadaasi ku amray inaysan dhageysan karin tafsiirka Sheekh C/raxmaan Sudeysi, waxaana shalay gudaha magaalada gaaf wareegayay maleeshiyooyin ka tirsan ururka Al-Shabaab isla markaasina naadinayay awaamiirta ka soo baxday maamulka degmada ee dadka looga mamnuucayo inay dhageystaan cajaladaha iyo gebi ahaanba tafsiirka Sheekh C/raxmaan Sudeysi.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay magaalada ka ururinayeen cajaladaha ku duuban tafsiirka Sheekhaasi, iyagoo digniin, caga jugleyn iyo handadaad u geystay dhowr qof oo iyagu ku ganacsanayay suuqa magaalada Baydhaba.
Ilaa iyo iminka ma jirto dad loo xirxiray cajaladaha uu ku duuban yahay Allaha u naxariistee Sheekh C/raxmaan Sudeysi oo ka mid ahaa Imaamyada soo maray masjidka Maka ee ku yaalla dalka Sacuudiga, kaasi oo isagu soo saaray cajalado fara badan oo ay ku duuban yihiin tafsiirka iyo Qur'aanka Kariimka ah.
Dadka degan magaalada Baydhaba oo si aad ah u jecel dhageysiga tafsiirka Sheekh Sudeysi ayaa amarka looga mamnuucay ee ururka Al-Shabaab uu ku soo rogay ku tilmaamay inuu ka mid yahay amarada faraha badan ee lagu dhibaateynayo dadka degaanka, inkasta oo ilaa iyo iminka aan la ogeyn sababta ku kaliftay ururka Al-Shabaab inay dadka ka mamnuucaan dhageysiga Sheekhaasi.
Alshabaab-ka Beydhabo oo mamnuucay dhageysiga tafsiir-ka Sh Sudeysi