Xalane "Waxaan u shaqeynayay meel Muqdisho ka Dhaqaale iyo Mushaar Badan"

0
Thursday January 06, 2011 - 15:25:21 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xalane "Waxaan u shaqeynayay meel Muqdisho ka Dhaqaale iyo Mushaar Badan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda ee DKMG ah Md. Xuseen Cabdi Xalane ayaa Sheegay in laga gudbay Xilligii wax isdaba-marinta iyo Musuq-maasuqa sida lagu Xusay Dhismaha Xukuumadda Cusub oo ka kooban Aqoonyahanno Dibadda ka yimid oo an wax laga hoos bixin Karin diyaarna u ah inay dalkooda iyo dadkooda u Shaqeeyaan. “Aniga Waxaan u shaqeynayay meel muqdisho ka Dhaqaale iyo mushaar badan,saaxiibadeyna sidoo kale marka dalka maaliyad malaha iyo wax leys daba mariyo Annagaa nagala rabaa inaan Dhaqaale u abuurno wadanka”ayuu yiri Md.Xalane oo la hadlayay agasimayaasha qeybaha Xukuumada isagoo kula kaftamay in marka wax badan la qabto wax laga heli karo. Wasiirka ayaa sheegay in ilaa bishii Luuliyo uu diyaariyay qarashka soo galay wasaaradda Maaliyadda iyo kuwa ka baxay ayna u gudbiyeen Qoraal muujinaya Hey’adaha UN-ka iyo kuwa Soomaaliyeed,iyo in sadexdii biloodba mar la diiwaan gelinayo qarashka iyo Xisaabta si loola socdo howsha. “Maamuladii hore waxay barteen in inta wax leys daba mariyo meesha laysaga tago taasi waa dhamaatay hadda iyo wixii ka dambeeya inaan si Caddaalada isula Shaqeynayno maku balanaa oo ma isku ognahay”ayuu yiri wasiirka oo Agaasimayaasha u faah-faahiyay qorshaha Miisaaniyadda Dowlada ee 2011-ka ee dhawaan Baarlamaanku ansaxiyay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip