Xalad Kacsanan Ah oo Cawa kajirta Deg, Wadajir iyo Dharkeyley

0
Thursday February 10, 2011 - 21:58:31 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xalad Kacsanan Ah oo Cawa kajirta Deg, Wadajir iyo Dharkeyley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxyada Bambooyinka gacanta lagu tuuro oo indhawaalaba gaabis kuyimid ayaa laba kacleeyay maalinimadi shalay ilaa maaanta kuwaasi oo lagu tuuray goobo dadka ku badan yihiin oo katirsan Degmooyinka dowlada kataliso ee Wadajir iyo Xamar Jajab.


Mid kamid ah bambooyinka lagu weerarar Goob dadka ku badan yihiin ee Degmada Wadajir gaar ahaan Suuqa Weyn ee degmadaasi halkaasi oo ay si aad ah isugu Milan yihiin ciidamada Dowlada iyo shacabka iyadoo qasaarihi ka dhashay bambadaani noqotay dhimashada laba qof oo shacab ah iyo dhaawaca tiro intaa ka badan .


Falkaani cidi geesatay ayaa warar kala gedisan kazoo baxayaan iyadoo wararka qaar sheegayaan in bambadaani oo tuuray ruux saarnaa gaarida dadweynaha kadibna oo daaqada gaariga ka tuuray isagoo aan u aaba yeelin cawaaqib xumada ka dhalan karta qaraxa bambada iyo jawaabaha ciidamada dowlada ee sida indha la’aanta ufuro risaas aan xad laheyn


Qaraxa labaad ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda oo fariisin ku leh agagaarka dekada weyn ee Magaalada Muqdisho waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay sedax askari.


Ciidamada dowladda ayaa howlgalo ay sameeyeen xiligaasi kadib waxaa ay ku soo qab qabteen labo ruux oo lagu tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen qaraxa ka dhacay agagaarka dekada weyn ee Muqdisho.


Hadaba Degmooyinka Wadajir iyo Xamar jajab ayaa kamid ahaa degmooyinka ugu nabdoon ee sida aadka ah ugu badan yihiin dadka barakacayaasha ah iyadoo dadkaani iminka lasoo daristay wal wal ay ku abuureeso qal qal soo kala dhax gala ciidamada dowlada iyo dadkaani oo ah kuwa aan asal ahaan deganeen degmada una muuqan karo kuwa durba la bar garan waayo xiliyada ay jiraan kormeerada ciidamada dowlada


Dhanka kale warar deg deg ah oo caawa inaga soo gaarayo degmooyinka wadajir iyo Dharkeyley ayaa waxa ay sheegayaan in dadka deegaanka caawa ay maqlayaan rasaas kuwaasi oo lagu kala xareynaayo dadka iyadoo si aad ah loo baarayo dadka maraya wadooyinka iyo kuwa saran gawaarida qaaska ah iyo kuwa dadweynaha


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip